Siddeed
saacadood oo laba habeen oo isku xiga ka mid ahaa baan akhriyey buugga Amiina
Al Mufti ee uu qoray Fariid Falluuja, Afsoomaalina uu u rogay Kamaal A. Cali. Waa
sheeko xiiso iyo amakaag wadata. Waa basaasadda carbeed ee Amiina Al Mufti ee u
adeegaysay Mossad. Waa sheekada xidhiidhsan Urudun, Usteri, Israel, Lubnaan iyo
Qubrus. Waa sheeko u eg masrixiyad ama filin la jilay oo malo-awaal ah.