Pages

Jul 16, 2013

Maqaalka iyo Sheekada


Guud ahaan qoraalka Sheeko faneedda iyo midka maqaalka oo afka qalaad lagu kala yidhaa “Story” iyo “Article” waa laba dhisme ahaan kala geddisan. Marar badan baa ay dhacdaa in la isku murgiyo labada dhisme ama habdhac ee sheekada iyo maqaalka. Qoraalkan waxa aynu si kooban ugu kala saafaynaa maqaal iyo sheeko maxaa ay ku kala duwanyihiin? Qurxinta iyo bilidda qoraalku waa qodob kale, halkan se waa dhismaha iyo kala duwanaanshaha maqaalka iyo sheekada. 

Maqaal

Maqaalku waa qoraal aragtiyeed leh farriin uu si cad qoraageedu u gudbinayo. Waa aragti badhax tiran, mutaxan oo qoraaga maankiisa iyo dareenkiisa ka imanaya. Maqaalku dhisme gaar ah buu leeyahay. Dhismaha maqaalka, sida caanka ah, waa: Hordhac, Duluc iyo gebogebo. (Introduction, Body and conclusion). 

Hordhac: Waa qaybta koowaad ee maqaalka. Waa halka uu rabo in uu akhristaha ka soo kaxeeyo, uguna faahfaahiyo maqaalkan waxyaalaha ku xeeran. Hordhacu waxa uu akhristaha u fududeeyaa in uu garto xaaladda guud ee maqaalku ku aaddanyahay. Tusaale ahaan haddii qof rabo in uu maqaal ka qoro “Dhaliilaha bilicda magaalada Hargeysa”, hordhaca maqaalkaasi waa in uu qofka aan Hargeysa joogin ama aqoon ka siiyo warbixin guud, sida “Hargeysi waa magaalo madaxda Somaliland. Waa magaalo lagu qiyaaso in ay ku noolyihiin hal malyan iyo saddex boqol oo kun. …”.  Waxa uu akhristuhu hordhacaas ka fahmayaa Hargeysi waxa ay tahay inta aan bilicdeeda laga hadal. 

Duluc: Waa halka luuqadda Ingiriisada loo yaqaan (Body). Xogta maqaalka iyo aragtida qoraagu rabo in uu soo gudbiyo waa halka uu ku lafagurayo. Waxa dulucdu ay ku xigtaa hordhaca. Dabcan waa qaybta ugu ballaadhan ee maqaalka. Haddii aynu tusaale u soo qaadanno dulucda innaga oo tixraacayna hordhaca maqaalka tusaalaha ah waxa ay noqon kartaa “BIlicda Hargeysi waxa ay muhiim u tahay bulshada ku nool iyo kuwa martida u ah. Dawladda hoose waxa ay u xilsaarnayd hagaajinta bilicda caasimadda, kuma se ay guulaysan sababo badan awgood. Sababahaas waxa ka mid ah……” Halkaas ayuu qoraagu aragtidiisa ku cabbirayaa oo caddeymihiisa ku soo bandhigayaa. 

Gebogebo: Doodda qoraaga ee dulucda ku faahfaahsan, dhaliisha uu sheegay ayuu soo afmeerayaa oo uu talo, tilmaan iyo aragtidiisa uu ka qabo sida loo sixi karo ku soo gudbinayaa. Tusaale “Si haddaba aynu u helno caasimad bilicsan oo bulshada ku nool ka badbaadisa xanuunnada faafa, waa in goluhu dib isugu noqdo. Waa in maamullada degmooyinka la dhiso, la xoojiyo awoodohooda isla markaana laga dhigo kuwo la xisaabtama shaqaalaha xaafadaha ee ka hawlgala bilicda….”.

Maqaalkii hordhaca lahaa ee dulucda baaxadda leh aad u yeeshay si tartiib ah ayaad halkan ugu soo afmeeraysaa iyada oo aragtidaadu si toos ah ugu gudbayso uuna u akhrisanayo akhristaha aad la wadaagtay. Fekraddaadii sidaas bay u gudubtay ama u gudbaysaa.
Maqaalku waa qoraaga laftiisii oo hadlaya, la hadlaya akhristiha, warkiisana si cad u gudbinaya.  

Tusaale maqaal halkan ka akhriso:  http://gobonnimo.blogspot.com/2016/04/ha-tahriibin-xal-ma-aha.html#more


Sheekada


Sheekadu waa qayb ka mid ah waaxaha suugaanta. Waa curis iyo male-awaal uu qoraagu abuuro. Ma leh hordhac, ma leh farriin uu qoraagu si toos ah u gudbinayo, mana jirto fekrado iyo aragtiyo si mutaxan oo sidii maqaalka ah qoraagu u wadaagi karaa. Intaas mid kamid ah haddii ay dhacdo waxa jabaya shuruudaha sheeko ay leedahay, waxana uu noqonaya wax aan sheekona ahayn, maqaalna ahayn. 

Sida wax wal oo la dhisayaa u lehyihiin dhidibbo udub dhexaad u ah, ayey sheeko faneedduna u leedahay tiirarkaas oo kale. Shan qotin bay ku qotontaa sheeko wal oo loo aqoonsanyahay sheeko, Jile, Dhacdo, Goob, Mushkilad iyo Hal-ku-dheg.
Jile(Character): waa hagaha ay guud ahaan sheekadu ku socoto. In kasta oo ay sheeko waliba yeelan karto dad badana oo ka dhex muuqda hadda midka dulucda sheekada iyo shukaanta haya ayaa loo yaqaan Arbe ama Jile.

-          Jilaha Sheekada(Main charactor): waa midka udub dhexaadka u ah ee ay dhacdooyinka sheekadu ku wareegayaan waxa na la yidhaa “Protogonist”. Waxa kale oo jira kaabe/ayaal jile oo caawiya Jilaha koowaad kuwaas oo liddi ku ah ficillada iyo dareennada Jilaha koowaad, iyagana waxa loo yaqaannaa “Antagonist”.

Goob(Setting): Sheeko kasta oo la qoro ama dhacday kama aanay dhicin meel na, waxay se ka dhacday goob, waxaanay dhacday goor. Sheegidda goobta sheekadu waa mid ka mid ah udub-dhexaadka sheeko faneedda. Haddii aan sheeko goob ay ka dhacday la sheegin, sheeko lama dhaho, haddii la dhahona sheeko dhiman ayey noqonaysaa.  Halkan ayey soo hoosgelysaa goorta ay sheekadu dhacday, ma tagtaa, ma mid taagan baa mise..?
Inta badan qoreyaashu waxa ay ku bilawdaan sheekooyinka udub-dhexaadkan(Goobta) taas oo dareenka akhristaha kolka ba u sheegaysa muuqaalka goobta ay sheekadu ka dhacayso iyo faahfaahinta deegaanka.

Khilaaf/Dhibaato(Conflict): Dhib dhacday ama khilaaf waxa uu lama huraan u yahay dhisidda sheekada waana qotinka saddexaad ee ka mid ah kuwa ay ku dhisanto sheekadu. Jilaha iyo goobta oo kali ahi kuma filna in ay dareenka qofka dhab ahaan qanciyaan haddii aanu meesha khilaaf jirin. Khilaafka iyo dhibaatadu waa kuwa dhadhanka u yeela sheekada, isla markaasna uu akhristuhu rabo tallaabo walba waxa dhici doonaa waayo waxa uu akhristuhu rabaa in uu ogaado khilaafka, sidii uu u dhacay iyo wixii lagu xalliyey ama uu ku dhammaaday. Dhibaatada ama khilaafka waa in Jilaha sheekada uu ku dhacayaa ama uu isagu ugu yaraan ku luglehyahay abuuridda ama/iyo xallinta khilaafkaas. Khilaafyada isdaba joogga iyo dhibaatooyinka aan xidhiidhsanayni way bahdilaan sheeko faneedda.

Dhacdo(Plot): Waa dhacdo ama dhacdooyin xidhiidhsan oo kolka ay isu-tagaan abuura sheekada. Sheekada gaabani waxa ay yeelata ama yeelan kartaa Hal dhacdo (Plot) ama way ka badsan kartaa. Saddexda qodob ee sare ee aynu kor ku xusnay(Jile, dhib iyo goob) intaba waa ay koobsanaysaa Dhacdadu (Plot). Mararka qaar sheekada gaaban ayaa gebi ahaan lagu sheegaa dhacdo(Plot). Dhacdadu waxa ay u qaybsanta qaybo waxayna leedahay qaabdhismeed(Barbilow, dhex, fig, dhammaad iyo xal).
-          Barbilow: Waa barta ay dhacdadu ka unkamayso ee jilaha falkaasina ugu horrayn ka muuqanayo. Waana meelaha dareenka dhacdadu ugu hooseeyo kolka loo eego xiisaha akhristaha. Laakiin barbilow farshaxmaysan oo ay dhacdadu (Plot) ku bilaabantaa wuxuu qoraha ku hoggaamiya joogtaynta akhrinta iyo dhammaysitirka dhacdada.
-          Dhex: Waa heerka ay ubucdii sheekadu wada muuqanayso, khilaafku xaaladdan aad buu u xoogaysanayaa. Dareenkii sheekaduna kolkan waxa uu marayaa meel ka sarraysa heerka barbilowga.
-          Fig (Climax): Waa figta sheekada/dhacdada iyo marka ay ugu xamaasad badantahay. Waxa la sheegaa in xaaladdani tahay midda akhristaha dareenkiisu ugu heerka sareeyo waliba xiisaynayo in uu ogaado mushkiladdaa qaraxday halka ay ku biyoshubato.
-          Hoos-u-dhac: xaaladdan dareenkii cirka isku shareeray tartiib-tartiib buu hoos ugu soo dhacayaa oo xalka khilaafkaas iyo waxa uu ku dhammaado loo naawilayaa.
-          Dhammaad: waa goorta dhibtii la xalliyo, khilaafkii laga saaro meesha oo ay wax waliba ku soo noqdaan heerka ugu hooseeyaa(0 Level) sheekaduna/dhacdaduna ay dhammaato.

Duluc (Theme): Dulucdu waa guud ahaan sheekadu fikradda ay gudbinayso. Qoraaga sheekaduna waa farriinta uu rabo in uu ku gudbiyo sheekada dhexdeeda. Qoraaga sheekadu ugu horrayn waa in uu samaysto qalfoof uu ku dul dhisto sheekada si aan loo seegin dulucda. Tusaale ahaan, dhacdooyinka, xidhiidhkooda iyo sida ay ku dhammaanayaan waa in uu sii qodobbaysto oo mid walba hadhow faahfaahiyo. Marna suuro gal ma aha in qoraaga sheekadu iska bilaabo sheeko aanu qorshayn sida, halka iyo waxa ay ku dhammaan doonto. Cinwaanka sheekada qudhiisu waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay dulucda sheekada.

Tusaale Sheeko: http://gobonnimo.blogspot.com/2014/07/geed-nool.html#more


Gabagabo


Masuuliyad baa ka saaran qoraaga in uu kala sooco maqaalka iyo sheekada. Waa gef in maqaal uu yeesho jile ama tebin u dhigan sida sheekada, ama sheeko yeelato hordhac iyo aragti qoraagu si cad u gudbinayo. 
Labadu – maqaalka iyo sheekadu – waa ay gudbiyaan farriimo iyo casharro, si kala duwan bay se u gudbiyaan. Maqaalka qoraaga ayaa si toos ah afkiisa isaga oo ku hadlaya u gudbiya farriinta, sheekada se qoraagu farriintiisa waxa uu u dhiiba jilaha sheekada oo ka wakiil ah. 


Tixraacyo:

Hab-qoraalka Sheekada Gaaban, Cabdiraxmaan Cumar Warsame, Akademiyidda Cilmiga Fanka iyo suugaanta, 1983. 
http://www.write.com/2013/12/26/structure-and-flow-writing-a-great-article/
http://www.bbc.co.uk/bitesize/ks3/english/reading/structure/revision/2/




Saddaam Xuseen Carab