Pages

Dec 18, 2015

Gorfayn: Sheekada “Filashadii Wacnayd”

Dhawaan baan fursad u helay in aan akhriyo sheeko faneed gaaban oo uu qoray Ibraahim Yuusuf oo ku magac dheer “Hawd”. “Filashadii Wacnayd” buu ahaa magaca sheekada aan akhriyey.  Waa sheeko u dhacaysa hab laga tebinayo cid ama qaabka loo yaqaan qofka saddexaad “Third Person”.

Oct 13, 2015

Bilawgii Hijrada­­­

 Kun afarboqol  toddoba iyo soddon (1437) sanadood baa laga joogaa dharaartii Sayidka Ilma Aadam baxsad iyo dhuumasho kaga baxay Maka. Tolkii ayaa baadidoon dil iyo nacayb ah ugu raad joogay, waxayna ku heshiiyeen in ay qudha ka jaraan. Wiilal hubaysan oo reer Maka ah baa gaadh ka qabtay gurigiisa.

Sep 10, 2015

Saddex Cisho

Nin oday ah oo aan galab dhawayd la sheekaystay baa aad iiga fekersiiyey. Dhowr dhacdo oo yaab leh buu iiga sheekeeyay. Duni dhan oo madaxeedu mijo u rogmayaan buu arkay, u soo taagnaa oo la joogay. Saddex cisho iyo saddex dhacdo oo laba dareen kala leh buu iiga warramay.

Aug 19, 2015

Aniga iyo sawirle Perez Anderson

Perez Anderson waxa aannu isugu soo galnay mid ka mid ah huteellada waawayn ee magaalada. Isma aannu aqoon ka hor intii aannaan isbaran. Perez, aniga oo fadhiya meel guluc ah kaliday buu ii yimid. Af Ingiriisi baannu isku fahmaynay oo ku wada hadalnay. “Miyaan ku garanayaa oo hore isu aragnay? Buu I wayediiyey. “Ma filayo” ayaan ku idhi.

Jul 9, 2015

Hubka Ciidda!



Agabka carruurta ciidda loo keeno, kuwa loogu talogalay in lagu madadaaliyo oo ay ku madadaaloodaan u fiirso. Baaskoolad 'Bul' leh, askari ma naxaan ah oo dirays xidan, kaare kadh-kadhle oo aad argagaxayso siduu u socdo, Helikobtar nooca dagaalka oo tuute u eg  ayaa suuqyada ka buuxa oo loogu talo galay in ay ku ciidaan oo ku ciyaaraan carruurteennu!...Bal iswaydii sababta, mise wax sii ridan kulama aha?

May 25, 2015

Maamul jacaylka

Wali aas ma tagtay? Xabaasha inta qof dul joogtaa waa ay ka talisaa sida loo qodayo ama looga shaqaynayo. 'Halkaa ha ku dhufan jignaha', 'ciidda xaggan u soo tuur', 'sidaas ha odhane, iska eeg' iyo 'waar ciidda horta isa soo dhaafiya' ayaa toban qof oo kala gaar ahi ku yeedhayaan. 

May 9, 2015

Kuma ayuu ahaa MalcomX?

“Haddii aanad u dhimanayn daraaddeed, erayga “xornimo” ka saar qaamuuskaaga” iyo “haddii waxba aanad u noolayn, wax wali ba waa ay ku ridi karaan”. Baa ka mid ahaa halhaysyadii kartida iyo dhiirrigelinta lahaa ee Xaajiga.

Midabkiisii madoobaa, sankiisii ballaadhnaa iyo timihiisii aan jilicsanayn awgood, Malcom iyo ciddii la sooc ahayd ba gunnimo badan bay kala kulmeen intii aan la midka ahayn. Koox lagu magacaabi jiray “Ku Klux Klan” baa ahayd koox culayska ugu badan ay guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Malcom reerkoodu kala kulmi jireen. Ku Klux Klan waxa ay ahayd koox qarsoodi ah oo laga aas aasay koonfurta Maraykan 1866kii, taas oo u dhisnayd tirtirka iyo la dagaalanka ololihii Jamhuuriga ee xuquuqsimidda madowga iyo caddaanka. Klan waxa ay ahaayeen koox aad uga soo horjeedda in qof madoobi la xuquuq noqdo mid caddaan ah.

May 4, 2015

Hooyada

Mar wal oo hooyo iyo abaalkeed la soo qaado sheeko aanan illaabin baa jirta. Xanuunkeeda awgeed, ma illaawo sheekadaas.
Timajare ayaan fadhiyey oo timaha ka jaranayey. Wiil aan da'diisa ku qiyaasay 16-18 jir baa kursiga igu xiga soo fadhiistay. Hooyadii baa la socota oo qof yara culus ah. Inankii ka xiirayey bay ku tidhi hooyo isugu wada sin timaha.

Jan 25, 2015

Ma Sagal?

1

“Naa kaalay qumayo yahay kildhiga ii biyee” bay si naxariis daran ugu yeedhay. Sagal yeedhmada Cosob ma ay dhibsan; wax caadi ah bay la noqotay. Lixda sanno ee ay la noolayd Cosob ayaa noqon kara kuwii ugu xumaa nolosheeda. Lixda kale, mar ay garaad la’ayd iyo mar ay sidan noloshu dhaantay bay ahayd.