Agabka carruurta ciidda loo keeno,
kuwa loogu talogalay in lagu madadaaliyo oo ay ku madadaaloodaan u fiirso.
Baaskoolad 'Bul' leh, askari ma naxaan ah oo dirays xidan, kaare kadh-kadhle oo
aad argagaxayso siduu u socdo, Helikobtar nooca dagaalka oo tuute u eg ayaa suuqyada ka buuxa oo loogu talo galay in
ay ku ciidaan oo ku ciyaaraan carruurteennu!...Bal iswaydii sababta, mise wax
sii ridan kulama aha?
Ubadku kolka ay yaryaryihiin, waa tii
la yidhi waa sida geed curdin ah oo kale. Intii lagu canqariyo iyo xaggii loo
jeediyo ayey inta badan u kacaan oo ku kacaamaan. Falsafad aad u xun baa ka dhalanaysa
in kaare iyo baaskoolad laga dhigo wixii ubadkeennu ku ciyaarayeen ee ku
maararoobayeen. Garaadka yaraantiisii hub dagaal ku ciyaaray goordhow maxaa
laga filayaa? Naxariis halkee bay isku soo mari karaan? Dhayal ma aha wax badan
oo aynu dhayal u haysannaa.
Rabbaynta carruurtu waa mid ka mid ah
halbowlayaasha bulsho laga dhiso, ama taas rogaalkeed waa meelaha ummad laga
bi'iyo kolka la damco. Rabbaayadduna kuma uun koobna midda dugsi loogu diro
ilmaha ee ay dad soo hor istagaan, taas lidkeed waxa dhici karta qof aanad
waligaa arag in uu ilmahaaga shukaanta u hayn karo sidii u rabona ka yeeli
karo. Dadqalatannimo ha ku barbaariyo ama wax kale ba.
Maalin aan sii fogeyn baan daawanayey
muuqaal lagu duubay carruur aad u da'yar oo reer Jabbaan ah. Shan gu' da'doodu
waa ay ka yarayd intooda badan. Goob maaweelo carruureed bay waalidkood keeneen
si ay ugu ciyaarsiiyaan waqtina ula qaataan. Ciyaar waqtiga lagaga qaaday keli
ah ma ay ahayne, maskax korin badan baa runtii ku dheehnayd. Marba nooc baa loo
geddiyayey. Mid ka mid ah hawlaha goobta laga qabanayey baa ahayd: In ilmaha
yar loo dhiibo walax midab leh, hooyadii
ayaa u dhiibaysay. Aabbihii na waxa uu taagnaa geesta kale ee la geynayo
walaxda. Saddex walxood oo kale oo la qaab ah ta ilmaha yar loo soo dhiibay, se
ka midab geddisan baa xagga aabbuhu taaganyahay yaal. Ilmahaas labada gu’ jira
waxa lagu ababinayey, ka sokow in uu ciyaar ka dhigto walaxda qaadisteeda, in
uu walaxdaas dul dhigo ta la midabka ah ee geesta uu ka yimid ma aha’e ta kale
taal.
Jabbaan laba jirkoodii bay ku
ababinayeen in uu nidaamka iyo isladoonashada agabka barto, dhanna ciyaar iyo
madadaalo uga dhigayeen. Innaga maxaa carruurteenna dadqalnimo, qalab dagaal
iyo colaad wax ku reeba ka dhigay agabkii carruureheennu Ciidahaa galay ku
ciyaarayeen?
Dhab ahaan ganacsatada keentaa iyagu
shilimaad ay ka helaan ma ogiye, meel kale wax kama eegaan. Dawladda, gaar
ahaan wasaaradda waxbarashada(iminka waa laga reebay ababintiiye) in arrimaha
caynkan ah ka warhayso ayey ahayd, ma se jirto ka warhayn iyo dareen u dhowi
toona. Haddii labadaa qolo (Ganacsato iyo Dawlad) midkoodna war u hayn,
waalidka ilmihiisa waxaa lacag u siinayaa in uu fekero oo xisaabto ayaa u
qumman.
Haddii aanay cidi kugu ajburin, Aabbe
iyo hooyo ilmahaaga maxaad agab colaadeed iyaga oo intan le’eg ugu ababinaysaa?
Miyaad aabbe iyo hooyo jeceshihiin ubadkiinnu in ay noqdaan kuwo xabbadda,
dilka iyo qaska dunida ka aloosan qayb ka noqda? Mise in ubadkiinnu
maareyayaasha mushkiladaha dunida noqdaan baad rabtaan? Haddii ta dambe ay
tahay warcelintaadu ma jirto sabab aad ilmahaaga hub lacag ugu siisaa.
Saddaam Xuseen Carab
Hargeysa, Somaliland