Pages

May 25, 2015

Maamul jacaylka

Wali aas ma tagtay? Xabaasha inta qof dul joogtaa waa ay ka talisaa sida loo qodayo ama looga shaqaynayo. 'Halkaa ha ku dhufan jignaha', 'ciidda xaggan u soo tuur', 'sidaas ha odhane, iska eeg' iyo 'waar ciidda horta isa soo dhaafiya' ayaa toban qof oo kala gaar ahi ku yeedhayaan. 

May 9, 2015

Kuma ayuu ahaa MalcomX?

“Haddii aanad u dhimanayn daraaddeed, erayga “xornimo” ka saar qaamuuskaaga” iyo “haddii waxba aanad u noolayn, wax wali ba waa ay ku ridi karaan”. Baa ka mid ahaa halhaysyadii kartida iyo dhiirrigelinta lahaa ee Xaajiga.

Midabkiisii madoobaa, sankiisii ballaadhnaa iyo timihiisii aan jilicsanayn awgood, Malcom iyo ciddii la sooc ahayd ba gunnimo badan bay kala kulmeen intii aan la midka ahayn. Koox lagu magacaabi jiray “Ku Klux Klan” baa ahayd koox culayska ugu badan ay guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Malcom reerkoodu kala kulmi jireen. Ku Klux Klan waxa ay ahayd koox qarsoodi ah oo laga aas aasay koonfurta Maraykan 1866kii, taas oo u dhisnayd tirtirka iyo la dagaalanka ololihii Jamhuuriga ee xuquuqsimidda madowga iyo caddaanka. Klan waxa ay ahaayeen koox aad uga soo horjeedda in qof madoobi la xuquuq noqdo mid caddaan ah.

May 4, 2015

Hooyada

Mar wal oo hooyo iyo abaalkeed la soo qaado sheeko aanan illaabin baa jirta. Xanuunkeeda awgeed, ma illaawo sheekadaas.
Timajare ayaan fadhiyey oo timaha ka jaranayey. Wiil aan da'diisa ku qiyaasay 16-18 jir baa kursiga igu xiga soo fadhiistay. Hooyadii baa la socota oo qof yara culus ah. Inankii ka xiirayey bay ku tidhi hooyo isugu wada sin timaha.