“Haddii
aanad u dhimanayn daraaddeed, erayga “xornimo” ka saar qaamuuskaaga” iyo “haddii waxba aanad u
noolayn, wax wali ba waa ay ku ridi karaan”. Baa ka mid ahaa halhaysyadii
kartida iyo dhiirrigelinta lahaa ee Xaajiga.
Midabkiisii
madoobaa, sankiisii ballaadhnaa iyo timihiisii aan jilicsanayn awgood, Malcom
iyo ciddii la sooc ahayd ba gunnimo badan bay kala kulmeen intii aan la midka
ahayn. Koox lagu magacaabi jiray “Ku Klux Klan” baa ahayd koox
culayska ugu badan ay guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Malcom reerkoodu
kala kulmi jireen. Ku Klux Klan waxa ay ahayd koox qarsoodi ah oo laga aas
aasay koonfurta Maraykan 1866kii, taas oo u dhisnayd tirtirka iyo la
dagaalanka ololihii Jamhuuriga ee xuquuqsimidda madowga iyo caddaanka. Klan
waxa ay ahaayeen koox aad uga soo horjeedda in qof madoobi la xuquuq noqdo mid
caddaan ah.
“Aniga oo uurka kugu sida bay koox
ka tirsan Klan oo madaxa duubani albaabka innagu soo garaaceen. Waxay ay
doonayeen oo ku hanjabayeen in uu
aabbahaa soo baxo oo ay dilaan” ayey Malcom hooyadii isaga oo yar u
sheegtay. Mar kale ayey Klanku
burburiyeen daaqadaha iyo qayb ka mid ah gurigooda taas oo ku kelliftay Earl
Little (Malcom Aabbihii) in uu ka guuro Omaha una raro reerka East Lansing.
Mararka qaar dhibka iyo tacaddiga
waxa aad kaga guurtaa magaalo ama xaafad ay ka jirto. In uu Earl Little
reerkiisa u soo raray Omaha dhibkii waxba kama ay dhimin. Kolkii ay yimaaddeen
Lansing ba gurigoodii baa dab la qabadsiiyey. Dabdammiskii magaaladuna ma uu u
gurman, daaye waa ay diideen in ay wax qabtaan. “Askartii caddaanka ahayd iyo dabdamiskii waa
ay yimaaddeen, hareeraha ka istaageen oo daawadeen ilaa gurigu basbeelay” buu yidhi
Malcom oo ka sheekeeyay.
1931kii
, lix sano ka dib dhalashadiisii Malcom waa uu agoomoobay. Maydka aabbihii oo
madaxu garab yaal baa la helay, oo la aamminsanyahay in Klanku qudhgooyeen. Waayo
jeerar hore ayey ugu hanjabeen in khaarajin doonaan.
Dugsigiisii
sare Malcomx waxa uu ka galay ‘West
Junior High School’ oo gaar u ahaa dadka madow. “Noloshu waxyaalaha ay
innooga baahantahay waxa ka mid ah in aynu noqonno run la noolayaal…..wax aad
noqon karto dooro… Maxaad u qorsheysanwayd in aad noqoto Nijaar?” buu
macallin caddaan ahi ku yidhi mar uu waydiiyey waxa uu rabo in uu noqdo, oo uu “Garyaqaannimo”
doortay Malcom. Hadalka macallinkaas baa loo aaneeyaa sababtii uu uga tegay
Malcom waxbarashada. Mid kale oo dhibaatooyinkii midabtakoorka cunsuriyaddu noloshiisa
ku waxyeellaysay bay ahayd.
Ka
dib ka bixiddii dugsiga, Malcom waxa uu la degay walaashii oo ku noolayd
Boston. Shaqooyin door ah buu ka qabtay Boston oo ay ka mid ahayd kabacaseyntu.
Kolkii dambe na dadka mukhaadaraadka ka shaqeeyay buu ka mid noqday oo aakhirkii
lagu xidhay laguna xukumay toban sanno oo xadhig ah.
Lix
sanno oo uu xabsiga ku jiray ka dib, waxa la sheegaa in isgeddi maskaxeed iyo mid
ruuxeed ku dhacay Malcom. Sababta oo ahayd akhrinta buugaag door ah oo uu isku
dhaafin jirin waqtigii uu maxbuuska ahaa iyo dad muslim ah oo uu kula kulmay
xabsiga. Sii dayntiisii ka dib na, waxa uu xidhiidh la sameeyay hoggaamiyihii
ummadda muslimiinta ee madowga ee Maraykan oo loo yaqaannay Al Xaaj Maxamed. Halkaas uu Malcom diinta Islaamka ku qaatay.
Urur
diimeedka Ummadda Islaamka ayuu aqoon badan ka korodhsaday. Ururku waxa uu ahaa
mid u jira helidda maamul madax bannaan oo ay helaan dadka madowga ahi, si ay
uga baxaan gumaysiga caddaanka. Malcom si buuxda ayuu ugu go’ay la shaqaynta
hoggaamey Al Xaaj Maxamed ilaa kolkii dambe 1952kii uu u magacaabay wasiir iyo
afhayeenka ummadda muslinka ah.
Tirada
xubnaha Muslimiinta ee ururka ummadda muslimiinta kolkii xilka loo dhiibay
Malcom(1952) waxa ay ahaayeen 400 oo kali ah. 1960kii waxa ay gaadheen 30,000
oo xubnood iyada oo loo sababta tiriyo dedaallada uu Malcom X u galay faafinta
iyo xoojinta Islaamka.
Dedaalkiisa
joogtada ahaa iyo taageerada xooggan ee u helayey awgeed, kolkii uu iska
casilay xilka wasiirnimo haya’dda sirdoonka ee FBI waxa ay bilawday dabagal iyo ka warhayn dheeraad ah oo
lagu xakameeyo MalcomX.
In
badan buu u halgamay xaq u dirirka dadka madowga ah iyo in uu sheego in dadka oo dhami
simanyihiin, isku xuquuqna yihiin. Hadallo yaab leh buu u jeedin jiray dadka
madow, ugu caddayn jiray in ay la midyihiin qofka caddaanka. Ku dhiirrigelin
jiray in aan midabkooda, samayska sankooda iyo afkooda aanay nici karin. Khudbadihiisa waxa ka mid ahaa: “Ujeeddadeennu
waa xornimo buuxda, caddaalad iyo sinnaan lagu helo si kasta oo suurto gal ah”,
“Waan caddaynay xuquuqdeenna nolosha..in aan noqonno bini aadam, in la noo
ixtiraamo sida bini aadamka, in aan bulshada ka helno xuquuqda bini aadamka,
dhulkan, maanta waxa aynu maskaxda ku haynaa jiritaan, si wal oo suuro gal ah”.
Malcom
sannaddii 1964kii waxa uu socdaal ku tegay dalal ka mid ah woqooyiga afrika iyo
bariga dhexe. Safarkaasi waxa uu ku dhiirriyey una caddeeyay
hoggaamiyenimadiisa ruuxiga ah iyo u jeedsiga xagga siyaasadda. Sidoo kale in
xuquuq u raadinta dadka madowga la gaadhsiiyo heer caalami buu soo korodhsaday
isla safarkaas.
Isla
1964kii buu sidoo kale aaday Maka, kuna soo gutay waajibkii Xajka, kaas oo ahaa
midkii ugu horreeyay uguna dambeeyay. Xaajigu waxa uu halkaas kula kulmay dad
tiro badan oo kala duwan. Waxa uu sheegay in dad ay kal amidabyihiin oo ay
walaalo yihiin uu sooo arkay. Islaam run ah oo aan cunsuriyad ku dhisnayn buu ku soo arkay Xajka. Dalal dhowr ah buu sidoo kale soo maray. Markii
uu ka soo laabtay xajkana waxa uu la soo noqday magac cusub oo ahaa “Al Xaaj Al
Malik Al Shabbaas”.
Khudbadihii
Xaajiga waxa aad u xoojin jirtay codkarnimada iyo aftahamada uu ku astaysnaa. Waxa
ka mid ahaa erayadiisii caan baxay “Ma ihi caaddifi mana riyoonayo, waxa aan
ahay nin madow oo jecel nabadda iyo caddaaladda, waan jecelahay dadkayga”. “Waxa aan aaminsanahay in diinta islaamku
tahay diinta ugu fiican”. “Maraykanku
waa in uu fahmaa Islaamka, waayo waa diinta kali ah ee tirtiraysa midab
takoorka”. Dadka madowga ahi aad bay u jeclaayeen khudbadihiisa,
dhiirrigelintiisa iyo weedhihiisa dantooda iyo noloshooda joogtada ah ka hadla.
Falaadh
xanuun kulul oo lagu dhex tuuray meel dad caddaannimada derejo u haysta buu
ahaa Malcom. Kol bana lama rabin in qof sidan caddaalad uga hadla lagu arko
dunida midabtakoorka iyo istakoorka. Hadalladiisa cadcadi halis badan in ay
noloshiisa galinayaan dad badani waa y tuhunsanaayeen. Nin u joojiya in uu xaqa
ka aammuso ma uu ahayn. Waa kii lahaa “Haddii aanad daraaddeed u dhimanayn,
erayga xornimo ka saar qaamuuskaaga”.
Malcom waxa uu gadaal ka ogaaday in ururka la baxay Ummadda Islaamka ee uu ka tirsanaa wax ka khaldanaayeen. Islaamkii saxda ahaa ee uu Xajka ka soo bartay iyo kii ay ku baaqi jireen in faraq u dhexeeyo ayuu ogaaday. Sidaa awgeed ayuu ka baxay ka mid ahaanshaha ururkaas. Tani waxa ay keentay colaad kale oo loo qaado Mujaahidka.
Malcom waxa uu gadaal ka ogaaday in ururka la baxay Ummadda Islaamka ee uu ka tirsanaa wax ka khaldanaayeen. Islaamkii saxda ahaa ee uu Xajka ka soo bartay iyo kii ay ku baaqi jireen in faraq u dhexeeyo ayuu ogaaday. Sidaa awgeed ayuu ka baxay ka mid ahaanshaha ururkaas. Tani waxa ay keentay colaad kale oo loo qaado Mujaahidka.
Caweyskii
21kii Feebarwari sannaddii 1965kii waxa uu Malcomx ka jeedinayey hadal Audubon Ballroom oo ku taalla Manhatan. Saddex nin oo qoryo ku hubaysan baa
isaga oo fagaaraha taagan xabbad ku furay, shan iyo toban xabbadood oo ay kula
soo dhawaadeen bay ku shaandheeyeen halkaas oo aanu dhaawiciisu dhakhtarba
gaadhin ee ku geeriyooday. Nimanka dilay in ay ka tirsanaayeen ururkaas Ummadda Islaamka ayaa la sheegay. Sagaal iyo soddon jir isaga oo ah buu nolosha
sidaas kaga hulleelay Alla ha u naxariistee Al Xaaj Al Malik Al shabbaas oo loo
garan ogyahay Malcom X.
In
kasta oo uu nolosha ka tagay, hab nololeedkiisii iyo casharradiisii waa kuwo
dunida guud yaal. Buugaag door ah, aflaam iyo dokumentiriyo laga sameeyay
noloshii Malcomx baa dunida nool oo aan la dhiman.
Taariikhda
uu dunida muslimka iyo ta dadka madow u dhigay muddadii uu noolaa, muuqaallada
hadalladiisii yaabkaa lahaa ee uu jeedin jiray iyo Alle ha u naxariistii
hal-adaygnimadiisii waa tu dad badan baraysa ujeeddada nolosha, awoodaha qofka
iyo siraha guusha.
Saddaam
Xuseen Carab
Hargeysa,
Somaliland
Txraac