Pages

Mar 30, 2020

Suureyso innaga iyo Korona Fayras

Indhaha isku qabo, ka dib suureyso Koroona Fayras oo aynu dhab ahaan is haleelno. Malayso, bes.
Korona Fayras halis uun kuma aha keliya nafaha bini'aadamka, waxa uu halis ku yahay jiritaanka dhismaha bulsho ama dawladeed, gaar ahaan dalalka nidaamkoodu ulaha boocda ah ku tukubo, sideenna.
Ka warran malaayinka qof Somaliland ku dhaqan oo la sheegay in dad xanuunkaasi soo ritay jiraan. Kuwo u dhintaan iyaga oo la arko, daryeel la siiyo daaye, aan la garaynayn si laga yeelo maydadkooda.