Pages

May 10, 2013

Maanta waa goblan!

Waa duq ilaa lixdan jir ah, waa ta halkan ka ooyaysa. Aad ayaa loogu buuqsan yahay guriga ay ku jirto. Waxa waayeheedu uurxumo iyo urugo ku reebayaa cid kasta oo aragta ama maqasha waxa helay ee heeray. Waxa ay ku barooranaysaa “Hoogay, oo ba’ay, hawo baaqsaday oo Hanad waayey”… Waa ay xabeebatay maaddaama ay ooyaysay ilaa markii loo soo sheegay dhimashada Hanad.