Pages

Aug 18, 2022

Ma Hadraawi?

Sheekada caan baxday ee “Hooyooy La’aantaa” baan aniga oo arday dugsiga dhexe dhigta ah ugu horreyn ku maqlay magaca Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”. Sida taariikhiihii Giriigga, Mosabataamiya iyo Rooma ee qarniyo ka hor ama Juquraafigii wabiga Saambisi iyo buurta himilaaya ee dugsiga aannu ku dhigan jiran, ogaynna in aanaan waligayo arki doonin iigama duwanayn. Tabtaas oo kale ayuu Hadraawi ii ahaa nin qarniyo ka hor jiray waxa aannu dhigannaa bes taariikhdiisii yahay.

Jaamacadda Hargeysa, 2010kii bishii Feebarwari ayaa ay noqotay markii ugu horreysay ee aan Hadraawigii aan heesihiisa dugsiga hoose ku dhigtay si toos ah u arko. Farxad wayn bay ii ahayd in aan la kulmay, saa waliba sawirkan hoose xusuus ahaan ula galay. 
 Maxamed Ibrahin Warsame Hadrawi ivo Saddaam X Carab 
Waa sidii uu yidhi Siciid Jaamac Xuseen (AHUN), “Hadday jiraan malyuun qof oo Hadraawi yaqaan, waxaa hubaal ah in mid waliba sidiisa u yaqaan oo halkaas aad ugu tegaysid malyuun (Hadraawi).”
Waa Hadraawiga qarnigii tegay iyo kuwa iman doonaa suugaanta Soomaalida foolaadkooda la mid ahaan doona. Waa Abu Hadraha hal-abuuray suugaanta miidda ah ee hoggaanka u haysa curinta tixaha falsafadeed ee nolosha sida daallaley, dabahuwan iyo Sirta nolosha, marna waa kii hab dhaqanka suubban iyo dadnimada innagu hogatusayey Dhulgariir, Indhobadan, Awaal tiris, Saxarla iyo kuwo kale. Mar kalena waa kii ku xarragooday tixaha laamaha jacaylka sida Jacayl dhiig ma lagu qoray, Suleekha, Haatuf, Axaddii iyo Beledweyn mar kalena suugaanta halkanka iyo hal’adayga sida silsidahii Siinleey iyo Deelleey u calanka u siday.
Nolol macno leh buu noolaa Hadraawi, nolol dulmi diid iyo halgan, nolol aanu nidaam dawladeed ku milmin hal-abuurkiisana ugu loogin, waxa uu noolaa nolol uu macallin ahaa mar, mar kalena caroogga dulmanaha iyo ka taagta daran ahaa, marar badan si arag nololeed waday, wuxuu ahaa maansoyahan fidsan oo maayadaha nolosha aan ka cabsan ee la falgala oo ka faallooda. Nolol gobonnimo iyo Sharaf leh buu noolaa, oo waynu ku xasuusanaynaa sidii uu innoo yidhi:
“Kuwa ii hanweynow
Marka aad i hoysaan
Hogga ii bannaysaan
Waa in lay hogtaayoo
Hiil waxan ka geli jiray
Ama hoo ka tari jiray
Hadhow lay xusuusta”
Waxa aynu ugu ducaynaynaa sidii uu innoogaga codsaday:
“Qofka ii duceeyoow
Rabbigay ku derajee.”
Alle ayeynu u baryeynaa in uu u aqbalo isla ducada maansadiisii daryeel ee:
Rabbiyow hanagu darin
Inta aad ku digatee,
U dareerta Naartoo
Labadaada daraarood,
Rabbiyow ta door roon
Kuwa dagaya naga yeel, Amiin Allahayow.
Saddaam Xuseen Carab
18, Ogos 2022