Pages

Dec 5, 2013

Guur iyo Gunnimo

I 
Abaar daran oo deegaanka heshay baa dabo dheeraatay. Dhulku, buska  ka qarxay awgii waxa uu u egaa mid aan dib u soo noolaan doonin. Halka aad jaanta dhigto waxa cagtu kuu galaysay siigo harraad la cabbudhay. Meel waliba waxa ay u egayd gelgelin. Marka dabayshu soo dhacdo waxa qarsoomi jiray deegaanka oo dhan. Waxaanay dunidu u egaan jirtay mid la rogayo. Dhirta wada muruxday ee foolxumada isla garab qotontay xidid nooli in aanu ciidda ugu mudnayn baa la malayn jiray. Haddii  dabayli soo dhabato, foodhida uu galoolku isku daraa waxa ay u ekayd baroor. Shimbirihii waxa ay u hayaameen dhul nolol dhaama.