I
Abaar
daran oo deegaanka heshay baa dabo dheeraatay. Dhulku, buska ka qarxay
awgii waxa uu u egaa mid aan dib u soo noolaan doonin. Halka aad jaanta dhigto
waxa cagtu kuu galaysay siigo harraad la cabbudhay. Meel waliba waxa ay u egayd
gelgelin. Marka dabayshu soo dhacdo waxa qarsoomi jiray deegaanka oo dhan.
Waxaanay dunidu u egaan jirtay mid la rogayo. Dhirta wada muruxday ee
foolxumada isla garab qotontay xidid nooli in aanu ciidda ugu mudnayn baa la
malayn jiray. Haddii dabayli soo dhabato, foodhida uu galoolku isku daraa
waxa ay u ekayd baroor. Shimbirihii waxa ay u hayaameen dhul nolol dhaama.
Xoolaha,
iduhu cawska yaryar ee gunta carrada teelteelka ugu yaal ayey ku noolaayeen.
Riyuhu xaabka, geedaha ay salooshaan. Lo’da oo aan caws iyo biyo la’aan nolaan
karin badankeedii waa le’edeen. Marka laga tago inyar oo lammaanayd oo sida
dadka loo quudin jiray. Adhiga kolka laba tiro aroortii la dareeriyo, fiidka
labadii tiro oo dhammaystirani ma ay soo wada xaroon jirin. Meel walba waxa
lagu arki jiray raq taalla oo dugaaggu wax uu ka goosto ka waayo. Marka la isku
wado daro, geel ayaa u nolol roonaa. Laaca dhirta qallashay buu isna isaga
noolaa. Nolosha dadkuna tan xoolaha waxbadan ma ay dhaamin.
Dadku
quus ayey badi xigeen. Indhohooduna cirka ayey hadh iyo habeen si tuugmo leh
ugu maqnaayeen. Odayaasha reerku waxa ay yeesheen kulammo jaadjaad ah. Sidii
looga arrinsan lahaa abaarta dabo dheeraatay. In sahan la diro, reerahana loo
raro meel halkan dhaanta ayaa la soo jeediyey. Inkasta oo dad iyo xoolo aan
safar la tahlayn, haddana odayaasha qaar baa sidaas ku arrimiyey. Haddana
talooyin kale ayaa odayo kale ku dareen. Wadaadkii reerka; Aw Cilmi yaa
isagu talo ku soo jeediyey in la ducaysto. Dhammaan inta deegaanka wada
taal, hal meel in ay ku ducaystaan. Waa la aqbalay taladii. Galab khamiis ah
baa afar kuray xoogle xoolaha loo diray. Aw Cilmi baa raacay. Neefaf bay soo
madheen. Dabadeed tobaneeye neef oo la xulay ayaa gaar loo xidhay. Wixii agab
kale loo baahnaa baa iyana haweenkii diyaariyeen. Waagu markii uu dillaacay,
subixii jicmaha ayaa dhammaantood jirjir cadka loo dhigay oo birta la mariyey.
Yar iyo wayn, rag iyo dumar iyo dhammaan reerkii ducadii waa laga qayb qaatay. Neefafku
ha iska xumxumaadeen, hilib hagaagsan oo la sheegona yaan laga cunine, haddana
waa la wadaagay. Oday iyo inan ba waa la isu dhiidhiibay cadihii. Fuudkii laga
saarayna waa lawada filiqsaday. Gabbalku kolkii uu dumay baa duco la bilaabay.
Baryo ayaa Ilaahay gacmaha la hoorsaday. Sideedaba aadanuhu kolka uu awooddiisa
dhab ahaan arko iyo kolka uu xeeladdiisa ku fakan waayo, ayuu qiraa baahida uu
cid ka awood badan u qiro ama baryada uu cid kale u qayshado. Habeenkii oo dhan
Alle bari baa la waday. Sidii baana lagu kala seexday saqbadhkii.
Galabtii
dharaartaas xigtay goor ay casar dheer tahay, baa jawigu is geddiyay. Naf kasta
oo shalay noolayd waa ay shakiday. Wixii dhaayohoodu tuseen bay run iyo riyo u
kala garan waayeen. Ducadoodii in la aqbalay bay si u dagdagsadeen, maya’e si u
aammineen. Hogolo cokan oo aan hore loo arag baa degmada hadheeyay.
Dabayl baa boodhkii kicisay. Daruur sahan daruuraha. Dabayshii baa sanka lala
raacay. Aad baa loo macaansaday. Waxa ay ahayd foore. Hogolihii baa cirka isku
ballaadhiyay. Hadba dhinac bay u guureen. In ay dhulka indho-indhaynayaa baa la
moodayey guurguurkooda. Nafba si bay u eegaysey daruuraha, laakiin isku si baa
loo wada rajaynayey. Dabayshii baa sii xoogaysatay. Dhammaan dadku waxa ay
naawileyeen nibicda roobka daruurta ka hoorta. Iyaga oo dibadda wada tuban bay
hooreen. Ilaahay hortii ay hogolihii si yaab leh u hooreen! Dhibicda roobku
dhulka sidii ay cadho u qabtay bay ugu dhacaysay. Boodhkuna sidii col ka awood
badani soo galay buu u jabay. Inyar dabadeed, boodhkii waxa uu isu baddalay
dhiidhi dhoshoq ah. Dhulkii boodhka lala mari la’aabaa dhooqo lala dhaqaaqi
waayey. Xoolihii cawllanaa baa quruxsaday markii dhibicdu si fiican ugu
maydhay. Cawayskiina hillaacu sidii lagu fantasiyeynayo buu hadba gees ka bilig
lahaa. Onkodkuna waa uu u jiibinayey. Dadkuna dhammaan farxad bay
mabsuudsanaayeen.
Muddo
yar oo kooban baa deegaankii oo dhammi isdooriyey. Noloshii iyo noolihii baa
soo kabtay. Abaartiina tartartiib tartiib baa looga doogayey. Jeeroo la
caydhsadey. Biyihii dhulka hoos u muusay baa doog iyo dareemo dhaliyey.
Dhirtiina man iyo ubax ayaa ku gadaanmay. Shimbirihii waa hore hayaamay baa soo
guryonoqday. Ci’da jiibta iyo jaanta ayey si aan ku talogal lahayn isu jiibinayeen.
Nafta aadamuhu waa ay macaansanaysay noloshaas. Dhirta cagaarka dusheeda ka
muuqday midka hoos goglan baa ka batay. Xooluhu kambalka reerka ma ay dhaafi
jirin. Xareeddu gal wal iyo jeex kasta waa ay ka galac lahayd. Rahuna ci’da
mashxaradda yuu xidhiidh u waday. Barqodharag baa dadka iyo duunyadu ba
noqdeen. Noloshuna sina ba ulama ay mid ahayn tii bari dhawayd. Waxa ay kala
ahaayeen cadaab iyo janno. Dareenka dadka oo dhammina waa uu isbaddalay.
Dhallintu ciyaar bay waaga ugu barin jireen. Gaafafku si xidhiidh ah bay u
dhici jireen. Gashaantimuhu fidhinka iyo baaguudiga ayey waqti u heleen.
Doobabkuna haasaawaha sidaas oo kale ayey fursad u heleen. Barwaaqada iyo
nabadda lagu jiray ayaa intaas oo dhan ba dhashay.Raage Garnayl, qudhiisu,
maalmahaas, si buu u guuxayey oo u gurxamayey. Waayo waxa uu ahaa
guurdoon.
Raage,
waa curadka iyo guurdambayska Garnayl. Sagaal iyo toban dayrood baa laga joogaa
habeenkii uu dhashay. Kaaha Xaaji Yuusuf in ay kow toban bilood uurlahayd baa
la sheegaa. Laga soo bilaabo dharaartii bisha sagaalaad ugu buuxday iyo ilaa
dharaartii ay Raage dihatay, waa la naawilayey shinkeeda.
Maalin
Axad ah, caways, goor geeljiruhu xerada geela ka soo dhammaaday, bay haweenkii reerku
isku yaacyaaceen. Hugun badan baa laga dareemay. Ummuliso degmada ka dhawayd ba gabdho dheereeya loo diray. Saqdheexe
baa la soo toosiyey. Qalab caafimaad liita oo ay haween hore u adeegsatay bay
soo qaadatay. Maryihii ilmaha lagu qaban lahaa awal bay xaamilada foolanaysay
sii diyaarsatay. Saqbadhkii baa jawigii isbaddalay. Oohin qariib ah ayaa
laga maqlay aqalkii Kaahi ku foolanaysay. Waa la filayey. Ilmihii
xaamiladu sidday baa dunida yimid. Dhawaaq
haweenay kale baa xigay. “Waa wiil!” ayey kor ugu qaylisay. Badi Soomaalidu wiilka
ayey gabadha ka jeclaayeen ilaa haddana ka jecelyihiin, sida bulshooyin kale oo
dunida ku uumman. Sidaas awgeed si wayn baa wiilkan cusub loogu soo dhaweeyay
dunida. Garnayl kolkii warkaas loo sheegay aad buu ugu farxay. Dabadeed qaalin
saddex jir ah geela ka soo madhay. Iyada oo raggii golaha fadhiyo ayuu ku
dhawaaqay in qaalinta “Ina Dahab” ee saddex jirka ah uu curadkiisa ugu xuddun
xidhayn, isla magaca wiilkana kobtii ayuu kaga dhawaaqay. “Waa Raage” ayuu
yidhi isaga oo ay farxaddu oogadiisa ka muuqato. Gabadhi haddii habeenkaas
Garnayl u dhalan lahayd, lama hubo in uu ku farxi lahaa. In aanu qaalin geel ah
se ugu xundun xidheen waa la hubaa! Waa astaanta kala jeclaanta wiilasha iyo
gabdhaha tan iyo kuwo kale! Garnayl wiil ugama horrayn Raage ugamana dambayn.
Sidaas awgeed inankiisa aad buu u jeclaa. Gu’ kasta oo uu kordha waa uu tirsan
jiray.
Dharaarta
uu garab joogsan doono ayuu aad u naawilayey. In uu ku nasan doono ayuu dhab
ahaan suuraysan jiray. Maanta Raage waa kaas doobka noqday. Qaalintii loogu
xundun xidhay waa taas laba iyo tobanka neef dhashay. Waa kaas hawsha reerka
badankeedii ku qaybay. Garnaylna waa kaas ku nastay Raage. Labo sababood awgood
Garnayl waxa uu jeclaa in inankiisu reer dhaqdo, ubadna dhalo. Kow, Garnayl
wuxuu rabay in tafiirtiisu badato si ay cadowgooda isaga waabiyaan magiciisuna
u jiro. Labo, Raage in uusan madinnimadaas ku dhiman oo aanu Garnayl goblan
dhaxalsiin. Sidaas darteed, in badan ayuu ku waanin jiray guur. Adduunka waxa
ka hadhayaa in uu magiciisa yahay buu u sheegi jiray. Magiciisa cidda
reebaysaana in ay ubadkiisa tahay buu ku dardaari jiray. Saddexdii gu’ ee u
dambeeyayba waanadaasi waa ay isa soo taraysay.
II
Raage
baqasho uu haweenka ka qabay iyo baahi badan oo aanu qeexi karayn in uu u
qabo ayaa dabar iyo seeto ku ahayd. Hawl wax aan ahayni in aanay ka maqanayn
buu malayn jiray. Sannadkan se dardaaranka aabbihii oo sii xoogaystay iyo
nolosha oo gabi ahaanba guur ku samayd ayaa ku xoojiyey go’aanka guurka.
Habeenno door ah ayuu fikirkaas rogrogay. Waayaha dhow iyo ka fogba
sheedaaliyey. Aakhirkii, waxa uu si awood leh naftiisa ugu qanciyey in uu,
reer yeesho.
Gabadhii
uu guursan lahaa buu ka fikiray. Deegaanka iyo inta reero degganba maskaxdiisa
ayuu ka dhex daawaday. Intii uu gashaanti yiqiin buu maskaxdiisa ku soo
xaadiriyay. Safsaf buu u joojiyey. Aad buu u fekeray. Gabadh deggan oo aad hayn karto oo ku hayn karta hel buu ku
fekaray. Waa uu sii tallamay laakiin talo waxay isugu biyo shubatay, Degmo Aw
Ibraahin. Degmo, dayrtii u dambaysay iyada oo adhi la joogta in ay kulmeen baa
xasuustiisa ku soo maaxatay. Maalintii buu dib xusuus ugu noqday. Barqo uu geel
horwayn ah soo waraabinayey ayuu gaban ku soo baxay. Adhi lagu qiyaaso laba
tiro ayey foofinaysay Gabadhu maydhax yar oo qoyan bay afka
ku haysatay. Xadhig bay soohiddiisa unugkaysay. Kolkaas buu Raage budhyar oo uu
sitay sinta saaray. Labadiisa luguud midkood ku istaagay tii kale ku laabaay.
Si diyaar garow lehna u eegay gabadhii adhiga wadday oo bariido isla
qalloociyey.
“Reerku
muxuu ku baryey”
“La
soo kaakacye idinna” ayey ugu hal celisay.
“Waa
nabaddaas uun annana’e. Ma ina aw Ibraahin baad tahay.”
“Haa”
“Reerka
adiga ayaa u yaraa sida aan filayo. Adeer ama Inaadeer anigu Raage Garnayl baan
ahay ee magacaa?” ayuu tooyasho isyeelyeel ku yidhi.
Iyada
oo maydhaxdii labada gacmood ugu jirto, adhigiina xoogay ka durkay bay ku tidhi
“Adeer iyo Inaadeer maxaa kugu wada raray? Degmo Aw Ibraahin.” ayey tidhi oo
nabaadisay isaga oo aan wax kale odhan. Raage, Degmo oo sii tallaabaynaysa buu inta
indhihii ka buuxsaday ku yidhii, “Reerkana igu salaan Degmo yareey”. Haddana,
laba goor oo kale buu si mugleh u daawaday. Koortii
geela oo nabar ka durugtay buu isna tiigsaday. Maalintaas baa si fiican
xusuustiisa ugu soo maaxatay.
Degmo
waxaa dhalay Aw Ibraahin. Reer Garnayl koonfur ka xigay. Waa ood-wadaag isku
reer ah se aan isku jilib ahayn. Degmo, iyadu qof ahaan ma dabeecad xuma. Da’
ahaanna waa shan iyo toban jir. Diifta kolka abaaraha lagu wada jiro haddii
laga tago, gu’ga waqtiyadan oo kale quruxdeeda yaa la daawadaa. Cirridka madow,
ilkaha dheyda ka cad iyo sanqaroorka dhuuban. Runtii aad baa loola dheygagaa.
Dhererkeedu walow aanu dheerayn, haddana qof gaaban laguma sheego. Midabkeedu
waa maarriin dhalaal xiga. Iin kolka loo raadinayo, nabarka ay ooddu dhafoorka
kaga samaysay baa la sheegaa. Casar gaaban, qiyaastii ay shan gu’ jirto ayey
maqal la joogtay. Guriga kambalkiisa ayey ku raaci jirtay maqasha. Iyada oo
casarkaas ceesaan xun oo dusdus badan ood qabsatay ka furfuraysa ayaa laan
firgin ahi ku soo fakatay. Dabadeed Degmo dhafoorka ka jeexday.
Nabarku
inkasta oo uu xanuun kululaa, haddana, Degmo dawo hagaagsan iyo daryeel ma ay
helin. Laba maalmood kaddib nabarkii markii uu ku dhacay, Degmo maalintii
saddexaad maqashii ayey la joogtay. Sannadba sannadka ka dambeeya nabarku waa
uu iska ba’ayey. Imminkana wax badani kama sii muuqdo. Sideeda kale, Degmo waa
qof dadku ammaano. Raage Garnaylna tashigaas uu naftiisa la yeeshay iyo talo
ilm-aadeerradii ku soo kordhiyeen waxa ay isugu biyo shubteen Degmo. Degmo Aw
Ibraahin in ay oori u noqoto. Oori ubad u dhasha. Ubad innamo u
badan.
III
Sidii
dhaqanku ahaa, waqtiga gu’ga ayaa qoysaska Soomaalida la dhisaa. Gaafafka u
badanna sababtaas awgeed gu’ga ayaa la arki jiray. Reeraha oo aan abaar kala
gaysay jirin, rafaad badan oo lagu mashquulo oo aan jirin, iyo barwaaqada
jirta awgeed ayaa waqtigaas guurku u bataa. Sannadkana barwaaqada awgeed gaafafku
waa ay badnaayeen. Raage tiraba saddex gaaf buu ka qaybgalay. Haseahaatee Raage
haddii aanu ku fiicnayn ciyaarta, in usha la saaro mooyee waligii iskii
gaaf ciyaar ama kaftan uma istaagin. Kamana heesin. Gaafkii ina adeerkii Cumar
ayaa u dambeeyay gaaf u tago. Degmo ayey ku kulmeen habeenkaas. Laakiin isaga
oo aan la hadlin bay gurigoodii u hoyatay. Waxa ay ahayd fursad dahab ka qaalisan.
Waa uu se dayacay. In badan buu naftiisii ku canaantay fursadda uu habeenkaas
lumiyey. Wuxuu se u raadsaday tu kale oo aanu iska lumin sida taa hore. Waqtigu
waa isgurayey, gu’guna wuu guurayey. Garnayl talada waa uu waday habeen iyo
dharaar. Culayskaas awgeed, Raage go’aan buu gaadhay. Go’aankaas baa wax yaab
leh dhalay. Maya’e wax badan dhimay. Maya’e dhimasho keenay baa la dhihi karaa.
Raage
Garnayl iyo laba ilmaadeer ay yihiin baa galab casar dheer ah is raacay. Lama
moodayn in ay Degmo u socdaan. Xaggay ka filayeen in ay ka heli bay u keceen.
Nabar haddii ay dayday ahaayeen. Xidh aan reer Aw Ibraahin ka dheerayn adhi
madaxa la galay iyo gabadh dhexda xidhan oo maydhax ku hullaaban bay arkeen.
Degmo oo adhi la joogta bay ahayd. In iyada oo adhi xaggii reerkooda u soo
qoorceliyey daba laafyoonaysa ay la kulmi iyana lama ogayn. Degdeg bay
tallaabad hoosta uga xadeen. Degmo ayey soo gaadheen. Raage oo isagu ahaa qofka
Degmo rabay. Baa bariido ayuu ku bilaabay. Iyana si dhibyar oo xornimo leh bay
ugu warcelisay. Hadal yar adadag oo uu haasaawe ka dhigayey buu ku tuurtuuray. Si
baa se la isku fahmi waayey. Inantu se ma ay fahamsanayn ninkani waxa uu u
socdo. Sidii geel laga dhacay uu dhacsanayo buu u gorgortamay. Jawiguna waa uu
sii xumaanyey. Si kasta oo ay tahay dhengadihii xumxumaa ee galoolka ahaa in ay
labada geesood inta ay kala maraan jidhkeeda gacan mooyee aan garaac gayin kala
dhacayaan iyaduba ma ay filayn. Markii ay saddexdoodii afar dhengadood oo
xanuun kulul jidhkeedii naacimka ahaa ku xageen, in ay orod miciinsan iyaguba
way ku wadeen. Xaggii jeeskooda markay sidii qaalin layli diid ah u soo eryeen
iyada, iyaguna ay soo daba boodayeen, iyo markii ay buulkii yaraa ee
roorkada ku xareeyeen iyada oo ilmaynaysa ma ay ahayn wax si na loo fili
karayey. Degmo waa tan dhex taagan aqalkan. Waa tan loo ooday sidii cawl yar oo
la soo gabraartay, mardhowna la duban doono. Waa kan jidhkeedii dhaylada ahaa
barar la wada foodhacay. Waa kan wada dhiigroorka noqday ee ay meelwaliba
danqanayso.
Durba,
Degmo, xorriyaddii, laafyoodkii iyo nabaddii ay daqiiqado ka hor haysatay sawtan laga xayuubiyey ee ay
addoonta noqotay! Miyaanay Ibna Aadan ahayn? Soomaaliyad ahayn? waliba
ina Aw Ibraahin ahayn? Gayaan miyaanu haasaawi jirin? Gobtuna miyaanay gabdhaha
isa siin jirin? Ma sidan oo kale ayaa inta reero lagu dhiso dabadeed lagu
dhaqdaa? Mise sidan oo kale ayaa gabadh lagu guursadaa?
Degmo
wali waxa ay garan la’ayd sida waxani u dheceen. Run mise riyo? Dhab mise
dhalanteed? Cadowga sida neef geel ah u soo dhengadaystay in uu guur ka rabo
marna may aqoonsanayn. Haba joogtee, neef baadi ahna sidan looma galo iyo xataa
ugaadha ayey ku fekertay iyada oo qoolkii ku jirta. Caweyskii ayey islaani u
soo gashay Degmo Aw Ibraahin. Dabadeed kaxaysay oo ay geysay guri kii dhaama oo
isla jeeska ah. “Hooyo, waxba ha warwarin. Gayaankaa baa ku soo kaxaystay. Si
kale oo ay kugu helaan bay waayeen. Raage oo aabbihii canaan ku ciilay baa cid
aan adiga ahayn gabadh isugu garan waayey.” Ayey islaantii ku tidhi Degmo oo
wali jidhku dhangadihii la hafeefanayo. Laakiin Degmo islaantan qof waalan ayey
moodaysay. Ma ay waallayn ee Kaaha Xaaji Yuusuf bay ahayd. Sidaas bay Kaaha ku
rajaynaysay in ay Degmo Soddoh ugu noqoto. Sidaas baanu Raage ku rajaynayey in
Degmo loogaga hadho.
IV
Reer
Aw Ibraahin waxa ay ogaadeen sidii wax dhaceen. Aad baa looga cadhooday
arrinta. Ragga qaar in ay qori la baxaan baa laga qabtay. Qaarkoodna hanjabaad
badn baa ka yeedhay. In ina-Garnayl guurdoon ahaa waa la ogaa, in se sidan xun
uu wax u dooni lama ogayn. Aw Ibraahin Raggii ayuu isugu yeedhay. Arrintan
foosha xun ee dhacday buu aad uga walaacay. Talo iyo arrin baa la iswaydiiyey.
Odayaashu in inanta reerka loo hibeeyo ayey soo jeediyeen. Laakiin Daahir Aw
Ibraahin sina waa ay uga dagi wayday hibayntu! Dhowr jeer oo uu golaha hadallo
ka yidhi waa la dhagaysan waayey. Walaashii Degmo in sida baadida la dhengadaysto.
In innamo yaryari si sharafdarro ah iskaga kaxaystaan iyo in ay guri ku ootaan
buu liqi waayey. Laakiin nin yari talo iyo cadho ma kala sooco yaa hadalkiisa
lagu dhaafayey. Wax sii ridan ba looma arkayn. Odayaduna hibeyn bay isku raaceen. Aw
Ibraahinna raalli buu ka noqday. Habeenkaasna sidaas baa lagu kala
seexday.
Arroortii
xigtay, Garnayl iyo laba oday iyo Raage oo wada socdaa reer Ibraahin u yimaaddeen.
Waxa ay ku soo tashadeen in ay xaal bixiyaan sidoo kale inanta ay waydiistaan.
Kamana ay warqabin wax reerku arrintan kaga tashaday. Kambalka Reerka ayuu
odayada reerka midkood kaga hortagay martida. Markii la gartay waxa ay u
socdaan baa ardaaga loo soo waday. Ardaagii baa gogol degdeg loogu dhigay.
Daahir oo inanta walaalkeed ah baa sooryada u dhigay martida. Laakiin sina uma
uu oggolayn hibayn iyo guur iyo wax la mid ah. Markii uu ardaaga sooryada
dhigayey buu isha la raacay cidda ay yihiin marti-ku-sheeggu. Durba ishiisu
waxa ay qabatay Raage oo fadhi iskala waaxay. Inta uu indhaha si xun ugu gubay
farriin dhiillonna u tabiyey buu ka jeedsaday. Raagena si seeddinnimo leh ayuu
Daahir naxariis ugu dhoolla caddeeyay. Marba cid aan ogayni ma yeesheen wiilkii
gabadha shalay afduubtay ee garaacay baa gogol loo dhigay oo la
sooray!
Labadii
dhinac baa is-horfadhiistay. Aw Ibraahin iyo saddex oday baa xagga inanta ahaa.
Hawsha soo korodhay baa si aan door ahayn loo wadwaday. Sababayn aan waynayn
iyo in ay ka xunyihiin baa martidu sheegtay. In ay inanta Raage u doonayaan baa
oday ka mid ahi sheegay. Aw Ibraahinna dhiniciisa arrinta dhacday in uu ka
xunyahay ka sokow in uu hibeeyay buu sheegay. Runtii, aad buu ugu farxay
arrinta Raage. Farxadda oogadiisa ka ifbaxday baa taas laga arkayey. Garnayl
qudhiisu waa uu ku farxay. Raage waxa uu sugi la’aa inta golaha lagu kala
dareerayo, inta uu Degmo dhab ahaan u aroosayo iyo inta uu ubad wiilal u badan
dhalayo! Noloshaas ayuu Raage si ilgaabni ah suuraystay.
Intii
ardaaga la fadhiyey ee aan lagu kala kicin Daahir dhab ahaan lama dhaadayn. In
kasta oo Daahir aanu in badan fadhiyin ardaaga. Haddana cidi ma ay arkayn
markii alaab uu guriga ka soo qaatay uu ardaaga geestaas ugala baxay. Geed aan
ka fogayn ardaaga ayuu isku gudbay. Si habsami ahna shiishkii isha u saartay.
Markii uu Daahir keebka dib u gundhiyey iyo markii ay xabbaddu Raage laabta
kaga xarootay waxba uma dhaxayn. Dhab mise dhalanteed? Si qunyar qunyar ah bay
naftu uga gurantay. Dabadeed ay ka wada baxday, oo Raage noqday Mayd. Lama
filaan iyo masiibo ayaa dhadcay. Wax walibana waa ay isrogeen. Si walba oo ay
tahay, Garnayl waa kaas ilmo la dul istaagay maydkii Raage, mar kale waa kaas
Garnaly si buuxda u goblamay. Raage waa kaas dunida goblannimo kaga hulleelay.
Maydkiisiina waa kan ardaagii Aw Ibraahin bilqan isaga oo aan dhaqaaq lahayn.
Talo waa tan odayaashii ku ciirtay. Si aan la garanayn waa tan la isku eeg-eegay.
Gabadhii la isu hibaynayey waa ta geerida dhashay. Wiilkii ka cadhaysnaa waa
kan naf madi ah qudhgooyey. Guurkiina waa kan Gunnimo isu geddiyey.
Maydkii
baa degdeg loogu qaaday gurigii Garnayl. Markii Kaaha Xaaji ay aragtayna laba
cisho oo kale ayey baroor aammusi wayday. Maalintii saddexaad baa la ogaaday in
maskaxdeeda khalkhal ku yimid. Dabiibkii iyo quraankii lagu bilaabay baa u
socday. Raage markii maydkiisa laga arrinsaday baa la aasay. Iil madow oo
godyar looga duway baa lagu riday. Dabadeed ciid lagu hamsiiyey. Degmo goor ay
gurigoodii ku noqotay lama ogayn. Iyada qudheeddu waa isbaddashay. Qof maran
bay u egtahay. Daahir meel uu ku dambeeyay lama yaqaan. Noloshuna goor ay sidan
xun Garnayl ugu xumaatay ma oga!
Saddaam
Xuseen Carab
Hargeysa,
Somaliland.