Pages

Jun 13, 2017

Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA) - Qaybta 3aad



Hoggaamiye: Dhalasho mise barasho

Arrinta xiisaha leh ee mawduuca hoggaaminta kolka laga warramayo laga doodo ayaa ah hoggaamintu ma u dhalashaa mise waa barasho? Waa dood baaxad leh oo aragtiyo kala geddisan laga qabo, dad ku dooda in hoggaamintu dhalasho tahay aqoontuna kabto, iyo kuwo kale oo ku tagsan in hoggaaminta la barto oo la dabbiqi karo. Koox saddexaad oo kale ayaa rumaysan in hoggaamintu labadaba geli karto.

Jun 4, 2017

Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA)- Qaybta 2aad


Aragtiyaha iyo Jaadadka Hoggaaminta

Saddex baa madaxnimo (hoggaamin) kaa qaada, 1. Gar eexo, 2. Guddoon jilicsan iyo 3. Gacan gudhan – Maahmaah Soomaaliyeed. 
Inta aynaan faaqidin hoggaamintii nebi Maxamed NNKA, waa lagama maarmaan in aynu gogol xaadh uga dhigno aqoonta guud ee hoggaaminta iyo aragtiyaha ku xeeran. Qaybtan waxa aynu dul istaageynaa hoggaamiyaha iyo qeexitaannadiisa, hoggaamintu ma dhalashaa mise waa barasho iyo aragtiyaha hoggaaminta iyo hoggaamiyaha ee marxalado door ah.