Pages

Jun 4, 2017

Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA)- Qaybta 2aad


Aragtiyaha iyo Jaadadka Hoggaaminta

Saddex baa madaxnimo (hoggaamin) kaa qaada, 1. Gar eexo, 2. Guddoon jilicsan iyo 3. Gacan gudhan – Maahmaah Soomaaliyeed. 
Inta aynaan faaqidin hoggaamintii nebi Maxamed NNKA, waa lagama maarmaan in aynu gogol xaadh uga dhigno aqoonta guud ee hoggaaminta iyo aragtiyaha ku xeeran. Qaybtan waxa aynu dul istaageynaa hoggaamiyaha iyo qeexitaannadiisa, hoggaamintu ma dhalashaa mise waa barasho iyo aragtiyaha hoggaaminta iyo hoggaamiyaha ee marxalado door ah.

Hoggaamiye iyo Maamule

Hoggaamintu waa habka hal qof uu dad badan ugu sameeyo ujeeddo iyo jiho, ugu kaxeeyo qofkaasi kooxdaas jihadaas iyaga oo dedaal iyo ka go'naasho ugu jira. -Jaques E. & Clement, S.D. ‘Executive Leadership: a practical guide to managing complexity’ Cambridge, MA: Carson-Hall & Co. Publishers (1994, p.4)
Labada eray ee hoggaamin iyo maamulid ama hoggaamiye iyo maamule ayaa marar badan dadka qaar isku si u adeegsadaan. Waa halka isdhaafka ku saabsan hoggaaminta iyo maamulidda mararka qaar ka soo unkanto. Guud ahaan labadan eray ee maamule iyo hoggaamiye  astaamaha ay xambaarsanyihiin aad bay u kala duwanyihiin.
Qeexitaannada labada eray qudhooda ayaa mararka qaar isku ekaada oo ka qayb noqda kala saarid la’aanta faahfaahintooda. Qeexitaannada ugu sahlan marka aynu soo koobno ayaa ay kala noqonayaan:

Maamule:  
Maamule waa qof ka masuula wax. Maamuleyaashu waxay dabagalaan/ilaaliyaan waaxaha shirkadaha ama ay hagaan shaqaalaha u shaqeeya. – Qeexidda  Encyclopedia Dictionary.
Qeeixtaannada badan ee kala geddisan marka la isku soo xooriyo waxa ay ku soo ururaysaa: Maamule waa qof qorsheeya, habeeya isla markaana tashiila hantida dadeed iyo ta agab ee xafiis leeyahay. Isla jeerkaasna xaqiijiya in ujeeddooyinka shikraddu/xafiisku yihiin kuwo la gaadhay iyada oo la raacay shuruucda u taalla xafiiska ama shirkadda.

Hoggaamiye:
Hoggaamiyuhu waa ka yaaqaanna waddada, raaca waddadaas isla markaana (Dadka la socda) tusa waddadaas.  -  John C. Maxwell.
Hoggaamiyuhu waa qof leh astaamo shan ah: 1. Awoodda rogrogidda, 2. Curinta afkaaraha, 3. Dhiiranaan, 4. Daacadnimo, 5. Damac iyo han. 6. Deegaan hoggaamineed ku koray. – Dr. Dariq Suweydaan, Kulan dadweyne, Astaamaha hoggaamiyaha.
Waa qeexitaanno afar ah oo ka mid ah siyaalaha loo qeexo farqiga u dhexeeya hoggaamiyaha iyo maamulaha. Shaxda hoos ku taallaa ayaa faahfaahinaysa kala duwanaanshaha hoggaamiyaha iyo maamulaha, is garabdhigna ku samaynaysa tilmaamohooda.

Maamule
Hoggaamiye
Qaanuunka ayuu adeegsadaa
Qaanuunka ayuu dejiyaa
Hawsha ayuu daneeyaa
Dadka ayuu daneeyaa
Dadka ayaa u shaqeeya
Dadka ayaa raaca
Abaabul buu sameeyaa
Dhiirrigelin buu sameeya
Wuu amraa
Wuu bogaadiyaa
“Aniga” buu isticmaalaa
“Innaga” buu isticmaala
Xigshada shaxda: https://www.slideshare.net/umarungta14/leader-vs-manager-25979077

Shaxda kore waxa ay si fudud innoogu kala soocaysaa labada dhaqan ee hoggaamiyaha iyo maamuluhu sida ay u kala duwanyihiin. In aynu shaxdan maskaxda ku haynaa waxa ay innaga kaalmeynaysaa in aynu ku cabbirno hab-dhaqankii nebi Maxamed (NNKA) iyo hoggaamintiisii.

Hoggaamiye: Dhalasho mise barasho

Arrinta xiisaha leh ee mawduuca hoggaaminta kolka laga warramayo laga doodo ayaa ah hoggaamintu ma u dhalashaa mise waa barasho? Waa dood baaxad leh oo aragtiyo kala geddisan laga qabo

La soco....

Saddaam Xuseen Carab
saddamcarab@gmail.com