Hoggaamiye: Dhalasho mise barasho
Arrinta xiisaha leh ee
mawduuca hoggaaminta kolka laga warramayo laga doodo ayaa ah hoggaamintu ma u
dhalashaa mise waa barasho? Waa dood baaxad leh oo aragtiyo kala geddisan laga
qabo, dad ku dooda in hoggaamintu dhalasho tahay aqoontuna kabto, iyo kuwo kale
oo ku tagsan in hoggaaminta la barto oo la dabbiqi karo. Koox saddexaad oo kale
ayaa rumaysan in hoggaamintu labadaba geli karto.
Horraantii afartameeyadii
ee qarnigii sagaal iyo tobnaad dunida waxa caan ka noqotay aragti odhanaysay in
raggu yihiin cidda keli ah ee leh awood hoggaamineed. Taas oo loo aanaynayo
dagaalladii waayadaas oognaa oo cidda hoggaaminaysayna ay ahayd rag. Waa kolkii
aragtida “The great man theory of leadership” hoggaaminta iyo aragtida ninka
weyn – ay soo caan baxday. Aragtidan ayaa qabtay in hoggaamiyuhu yahay u
dhalasho ee aanu barasho ahayn. Taas oo ka dhignayd ama hoggaaminta waad ku
dhalatay ama ma noqon kartid hoggaamiye. Waqtigaas hoggaaminta astaan nineed oo
qudh ah ayaa loo aaminsanaa.
Aqoonyahankii arrimaha
bulshada ee la odhan jiray ee Herbet Spencer waxa uu cilmi baadhis dambe oo uu
sameeyey ku soo bandhigay in hoggaamiyuhu yahay wax soosaarka bulshada. Inta
aanu bulshada beddelin in hoggaamiyaha ay bulshadu baddasho ayuu aaminsanaa.
Wanaagga ama xumaanta hoggaamiyuhu in ay tahay saameyn ay bulshadu ku yeelatay
qofka ayuu Spencer qabay. Spencer,
H. (1896). The Study of Sociology, Appleton, New Yor.
Aragtidan
spencer waa isla uu faylasoofka weyn ee Maxamed Ibrahim
Warsame Hadraawi ku tilmaamayo gabayadiisa mid ka mid ah kolka uu leeyahay:
“Gar ma
qaatayaashiyo,
Dadkaa beera ruux gudhan”
Ilaa muddooyinkaa ka dib
aragtiyo kala geddisa ayaa la lafaguraa, hoggaaminta iyo asalkeeda. Waxa jira aragtiyo kale oo door ah sida aragtida ku talogalka
"Contigency theories", aragtida kala guurka "Transformation
theoris" iyo kuwo kale oo midiba astaamaha hoggaaminta dhan ka eegto.
Aqoonta casriga ahi se
hadda waxa ay badankeedu qabtaa in hoggaamintu tahay xirfad barasho iyo ku
celcelin lagu xaasilin karo. In kasta oo ay jiraan astaamo hoggaamineed oo
dadka qaar sidooda u leeyihiin uguna dhashaan, mar walba ma aha khasab in
qofkaasi noqdo hoggaamiye. Aqoonta iyo tababarka xirfadaha hoggaamineed ayaa ah
kuwo lagama maarmaanka u ah si loo helo hoggaamiye suubban.
Sida ay ila tahay,
hoggaaminta asalkeedu waa u dhalasho, tababarka qofka hore ugu dhashay
hoggaamintu waa ay sii qurxisaa siina bishaa. Qofka aan ku dhalan ee barta
astaamaha hoggaamintu waa uu jili karaa astaamo badan marar door ah. Xaalado
badan oo kakan se kagama gudbo. Astaamaha geesinnimada iyo go’aan qaadashada oo
kale waa kuwo si wal oo loo jilo, marka ay runi run tagto ay adagtahay in la
jilo ama la iska yeelyeelo. Si wal oo sifooyinka hoggaamiyaha loo barto aanay
gaadhsiisnaan karin, heerka qofka abuur ahaan leh tilmaamo hoggaamiyeed. Arrintan
ayaa soo ifbaxda kolalka ay xaaladdu adkaato ee loo baahdo hoggaamiye halis u
badheedhi kara.
La soco...
Saddaam Carab