Pages

Feb 27, 2013

Sheeko Gaaban: Suxufigii Sannadka!


Ma ihi kibbaar waxa se la iigu yeedhaa kibbaar, waa magaca uu aabbahay ii bixiyay barigii aan u dhashay. Ma garanayo sabab uu iigu dooray isagu magacan iyo sabab ay hooyaday iigu doori wayd midkale toona. Waxaan se garaadsaday iyaga oo labaduba magacaas iigu yeedha.
Inkasta oo aanan jeclayn haddana waa ii hanti oo i hurran. Dhowr goor oon isku dayey qof ahaan in aan doorsado waa ay ii suurobi wayday sababo dhaqan ahaaneed. Haddana magacaygan qalloocani kuma uu noqon caqabad noloshaydii dhallaannimo iyo tan dhallinyaronimaba.