Ma ihi
kibbaar waxa se la iigu yeedhaa kibbaar, waa magaca uu aabbahay ii bixiyay
barigii aan u dhashay. Ma garanayo sabab uu iigu dooray isagu magacan iyo sabab
ay hooyaday iigu doori wayd midkale toona. Waxaan se garaadsaday iyaga oo
labaduba magacaas iigu yeedha.
Inkasta oo aanan jeclayn haddana waa ii hanti oo i hurran. Dhowr goor oon isku dayey qof ahaan in aan doorsado waa ay ii suurobi wayday sababo dhaqan ahaaneed. Haddana magacaygan qalloocani kuma uu noqon caqabad noloshaydii dhallaannimo iyo tan dhallinyaronimaba.
Waxaanan ka mid ahaa
caruurta xaafadda ka caanka ah ee magacooda lagu soo hal-qabsado marka
dhiirranaan iyo ciyaar wanaagga kubadda cagta la soo hadal qaado. Dhallaanka
kale ee ila da’da ahaa waan ka firfircoonaa kana furfurnaa siyaabo badan. Waxaan
badanka ka ag dhowaan jiray dadka waawayn oo ay qaarkood malaha iga jeclaayeen
ubadkooda! Sidoo kale waan ka sheeko iyo hadal badnaa filkay, taasina waa
sababta dadka waawayni ii warsan jireen aniguna aan ugu warrami jiray. Marar
badan ayaan markhaati galay anigoo da’ yar xog la igu tuhmay sababteed.Inkasta oo aanan jeclayn haddana waa ii hanti oo i hurran. Dhowr goor oon isku dayey qof ahaan in aan doorsado waa ay ii suurobi wayday sababo dhaqan ahaaneed. Haddana magacaygan qalloocani kuma uu noqon caqabad noloshaydii dhallaannimo iyo tan dhallinyaronimaba.
Dugsiga
markii aan ku jiray waxaan ahaa caan sidoo kale, xarfaannimo aan aqoonta ku
ahaa awgeed ardaydu iguma baran se xogta badan eeay iga heli jiray awgeed ayaan
ku khasabtay in ay I bartaan waliba I jeclaadaan. “War baa u gaajo badane”
waxay ardaydu ka hirqan jireen warkayga kana haqab beeli jireen dulucdiisa!
Sideedaba qofka laga helo war dheeri ka ah inta la hayo tuhun ama tu dhaba ka
ay tahayba waa la jecel yahay bulshadan dhexdeeda. Taas waxa aniga ii dheer in
aan ma gabbade dhiirran ahaa oo warka laba dhiga waliba u dhuun daloola.
Inkasta
oo aan arday ahaa haddana maan jeclayn wax dhigashada oo waxaan ku tagi jiray
dirqi, imitixaankana ku dhaafi jiray dirqi, dabadeed ku dhammeeyay dirqi
dugsigii sare. Qorshaha iigumay jirin in aan jaamacad galo dal iyo dibad toona,
waayo waxbarashada dugsiga ayaaba marka hore igu ahayd dirqi oo waalidkay igu
dirqiiyeen. Maalintaan dhammaystay dugsigaa sare baa iigu dambaysay fasal aan
dhex fadhiisto iyo fayl(saf) aan galo. Lakiin in aan ka dhacay sallaanka
waxbarashada iyo silsiladdaa qayrkay sii xejisteen iguma ay keenin in aan
dhulkaga iskaga soo dhaco, ama iska noole nool ahaado, ee isu noole nool ugu
yaraan in aan noqdo ayaan rabaa oo iga go’an shakhsi ahaan.
Fikir
iyo faaqidaad habeenno qaadatay ayaan ku baadi goobay waxa ay noqon doonto hawl
maalmeedkayga uu ku tiirsanaan doono nolol maalmeedkaygu, si uu u dhaboobo
go’aankaygaasi. Jiroo ra’yiyo door ahi igu soo maaxdeen haddana waxa si aad ah
iiga dhex guuxaysa mihnad aan xiisayn jiray ilaa caruurnimodaydii, oon waliba u
qabay xiise ciidda ka badan oon caadi ahayn. Samadu Inta ay ii jirto haddii ay
ii jiri lahayd iimabay jirsane waxa iga go’nayd gaadhiddeeda. Ka sokow in aan
nafsad ahaan jeclaa anigu, waxa ila jeclaa dadka iyaguna. Hadh iyo habeen
igamay dayn jirin inay igu dhiirriyaan noqoshada suxufi. Waxaanay dadku igu
sifayn jireen in aan ahayn qof codkar ah, dhiirran oo wararka u dhuun daloola
waligiiba isla markaasna uga faro dhuudhuuban cid kasta. Malaha iyaagaba
naftayda iiga war roonaaye waxay xataa igu odhan jireen ‘Ehelkeedii ayaad tahay
oo allaa kuu abuuray iyada’. Markaasbaa xiisuheeduna naftayda isku isku libin
laabaa laabtaydana xara dhaamiyaa!
Sida aan
aaminsanahayna wadarta bartilmaameedkaygii iyo boorrintii dadka ayaa bud-dhig u
ahayd shaqadaydan suxafinimo. Waxay ahayd bilawgii rajada noloshayda iyo
dhammaadkii walwalka shaqo li’idayda, waxaanan si aad u fudud shaqo uga helay
mareeg, kadibna aan uga wareegay wargays, ilaa TV aan soo dhex kadaloobsaday.
Waxaa
si qurux badan ii soo dhaweeyay bahda aan ku soo biiray, oo ka mid noqoshadoodu
dammisay dhamac iyo qaac igu shidnaa oo shiddaynayey naftayda. Waa bah da’ yar
u badan oo ay fududdahay in lala jaanqaado oo lala joogaa. Waxaan sawiran jiray
wax, wax qurxoon oo rajo ah, waliba aan u riyaaqi jiray xataa markaan kalida
ahay. Waxaan ku faraxsanaa wadarta dhib yarida aan ku soo galay iyo dhib li’ida
hawsha oon ka soo dhalaali doono. Haa oo, wararka waxaan xogogaal ugu ahaan
doonaa sidaan waligayba ugu ahaa ilaa caruurnimo oo dhib iguma aha. Waana
shaqadayda inta la iiga baahnaa intaasi. Sidaas bay wax waliba u hirgaleen ee
aan himilaynayey. Sidii dhallaannimo ayaanan caan u ahay saxaafadda dhexdeeda,
waxaanay wali dadku ii warsadaan sidii barigaa horeba ay ii waraysan jireen.
Aniga oon baran aqoon warfidyeennimo baa haddana dadku la dhacsanaayeen wararka
aan tabiyo. Bal adba qiyaas oo miyaanay ahayn wax aan ku farxo oon u farxo?
Muddo
kooban haddii aan ku jiray waxaan ka kore maray kuwii dhiggay ahaa ee iiga soo
horreeyay shaqadan. Iga walle iyagaaba u qaadan waayey! Markaasbay qaarkood igu
yidhaahdeen halkeed uga soo baxday saxaafadda? Waydiin xumadooda ma wax la
bartay u haystaan waxa? Miyaanay ogayn in warfidiyeennimadu tahay hibo ilaahay
dadka siiyo oo uur hooyo lagala soo baxo. Waa taas sababta loo noqdo saxafi
ayaanan u sheegay! Waxa ila qaba dad badan; sababtaaasna aan ku helaa
taageeradooda dadkaas. Isla jeerkaasna waa ta aan kaga caan baxay kuwii kol
nala wada qoray shaqada, iyo waliba kuwii ruug caddaaga ku ahaa saxaafadda ee
da’dayda tiradeed ku soo jirayba. Haddaanay ahayn hibo lala dhasho maxay waxaas
oo dhan ay iigu suuro galeen? Midda kale haddii ay aqoon tahay maxay dadku u
qiimayn waayeen kuwoyawgan waqtiga badan iskaga lumiyey dhigashada sida war loo
sheego, war aan waligayba sheegi jiray?
Gudo iyo
dibadba waa la I bartay, farriimo aan yarayn ayaa had iyo goor ay iska soo daba
dhaca sidii tusbax furtay, garre iyo guntane uma kala hadhaan. Waxay isugu
jiraan tiro badan oo I bogaadiya iyo inyar oo bilaash ii maagta. Laakiin uma
dheg jalaqsiiyo kuwan dambe. Oo maxay ii tarayeen markka horeba? Qoridda
wararka ku-tidhi-ku-teenka ah ayey dadku xiiseeyaan sidoodaba, qof ahaan
anigana waxa iga go’an waxa ay xiiseynayaan dadku in aan ku xasiliyo
dareenkooda. Marka qodobkan laga hadlayo ayey dadkaa tirada yari igu
yidhaahdaan ‘dadkaa ku haga’e wax aanad hubin dadka ha ku halaagin’. Oo haddii
ay i hagaan dadku maxaa ku jaban horta? Miyaanay ahayn kuwaan warka ka
iibinayey? Wax ka gadma ma ha baahin ayey I leeyihiin. Kuwo iska hadlay ayaan u
aqaan anigu kuwaas igu qabsaday waxa ay dadku u hamuumayaan.
Imika
haleelkaygu sinaba uma badna, habeen iyo dharaarba waan hawlanahay. Saddex
mareegood iyo hal jariirad ayaanan u shaqeeyaa. Iska dhaaf naftaydee ehelkaygii
ayaan xataa qaarkood biiliyaa oo bariis iyo barashaba ka bixiyaa. Markaasaan
gaar u fadhiistaa marar oon hoos iskula hadlaa dabadeed idhaa tolow waalidkaa
hadday ku ogaan lahaayeen sida aad ummadda uga shaqaysato ma kuu bixin
lahaayeen deeq ama Warsame? Ma ay saadaalin karayn sida aad noqon doonto’e ha
dhibsan ayaan idhaa haddana. Maya oo haddaa kibbaarnimadayda xagay ka ogaadeen?
Mooyi!
Kollay
hagardaamo iyo hiif sina uma waydide haddana qaar aqoon isbida ayaaa Kibbaar
igu sheega oo la ii sheegay in ay meelahaas ka yidhaahdaan qalinkuu iska qaatay
iyo saxafi maaha ee waa kibbaar! Kuwayawna waxaabay ii sheegeen dhalleecayno
caantayn ah aniga oo hor jooga. Oday ka mid ah kuwa saxaafadda ku gaboobay een
cidina akhrin warkiisa ayaa igu yidhi maalin “Adeer masuulbaad tahay oo xi
lculus ayaad u haysaa dadkee sidan aad tahay iska geddi oo dadka u tudh adiguna
naftaada u tudh”. Dadka uu I leeyahay u tudh maxaan u geystay ma in ay I
bartaan, warkaygana iibsadaan ayaa dhib ku ah dadka?! Iima aha suuro gal in aan
yeelo sida uu ileeyahay yeel, sida aanay suuro gal iigu ahayn in aan iska
firdhiyo macaamiisha warkayga sida raashinka u quudata ee magaca iyo
maamuuskaba ii haya. Malahayga wuxuu rabay uun in ay dadku igu I nacaan oo igu
yidhaahdaan waxba ma qortid, kollay haa, laakiin kamaan yeelin nasiib wanaag.
Kasii
darane ku kalena maalin isagoon moodayo in uu wax wayn ii hayo ayuunbuu si iigu
yidhi “wararka sug, qoraalka sax, xigashada saaf iyo soohdintaada saxafinnimona
ha dhaafin”. Waxsheegoow ba’! ma intaasuu iiga dhigay talo? Qodobadan daciifka
ah ee uu sheegayey uma arko dhib wayn anigu, inta warkayga dadku u liqayaan
sida hunguri dhubuqeed! Inta aan haysto dad xor u ah taageeradayda khalad iyo
saxba, taasi waxay iiga dhigantahay wax aan macno lahayn. Dhammaantood se
waxaan ku dhaafaa ‘Habar baa iska haw hawlee heellada inoo tuma’.
Gebogebadii
cid kastaa wax ha i tidhaahdo ama iska tidhaahdee, waa aniga saxafiga dhabta
ahi, sifadayduna dhab ahaan waa taas. Waxaan ahay xor si u araggayga,
ahaaanayaa xor, inta aan hasto dad xor ah, xor u ah taageeradayda si walba!
taasna waxa caddayn u ah hufnaanta iyo halabuurnimada Rabbi iigu deeqay.
Miyaanay ahayn astaan buure ah oo lagu garto qummanaanta qofka hadba taageerada
uu haystaa?
FG: Waa
sheeko male awaal ah.
Qalinkii:
Saddaaam Xuseen Carab
saddamcarab@gmail.com
saddaamcarab.blogspot.com
Hargeisa
Somaliland