Maantana waa maalin kale oo madow. Ma Gaarriyaa galbaday, ma geesigiibaa
naga tegay? Ma god galay gabayaagii?! Marar badan waxa aad garan waayeysaa
geesta aad ka bilaabayso iyo gedda aad ku bilaabayso qoraallada qaarkood! Qalbiga iska daaye qalinkaaba u ilmeynaya oo
ay ku adag tahay inuu wax uun ku dhigo warqadda. Hakad
badan iyo su’aalo sida hawaa’iga kuugu soo hormaya kadibna waxaad bilaabaysaa
inaad wax uun ugu yaraan ka qorto.
Waxa adkaatay dhinac aan ka milicsado
sooyaalkii nololeed iyo sadarada taariikhdiisii suubanayd. Haddana waxa
ka sii adkaatay mansab aan ugu yeedho si aan u bilaabo qoraalka ay la naxdin
gariirayso gacanta aan qalinka ku hayaa. Ma abwaan, ma saynisyahan, ma
mujaahid, mise bare?
Sabab loo kala
reebaa ma jirto oo intaba wuu ahaa. Mid walba gaarkiisa in loo xasuusto laguna
xusso ayuu mudan yahay. Waxa se xusuus gooniya xiskayga ku reebtay
dharaarihii uu baraha iigu ahaa afka Soomaaliga. Dharaahu kaafka iyo
laamka noo kala saafi jiray, waa dharaarihii uu dhamacda ku huriyay dhaxantana
ka kiciyay qalbigayaga waayuhu daashadeen ee la il darnaa duufaanadda
hagaasiyay dhaqan jacaylka, duufaanno heeray dawladnimo nacaybka iyo kuwo
kaleba waa dharaaruhuu naga hufay ee uu naga haadiyey. Waxay ahaayeen maalmo
maamuuskooda le, maalmo xusuustoodu xadantaynayso maanka. Hubaal waa dharaaro
iyo habeenno u baahan milicsi kan ka badann iyo muunayn taydan ka qurxoonba.
Madal iyo munaasibado badan oo ka horeeyay waan ku arkay kuna maqlay.
Laakiin tani waxay ahayd maalintii iigu horaysay ee uu macallinnimo ii soo hor
istaago. Waa bishii Octoobar sannadii 2009 kii, goobtuna waa Jaamacadda
Hargeisa.
Albaabka waqooyi ee jaamacadda marka aad ka soo gasho fasalka aanu casharka ku leenahay wuxuu ka mid yahay kuwa ugu baalleeya xagga galbeed. Laga bilaabo kadinka iyo ilaa inta aad sii dhex jaqaafinayso dhismaha waxay qaadan jirtay waqti. Maanta se goor aniga iyo asxaabtii aannu wada soconay soo gaadhnay garan mayno. Farxadda ay noo ahayd in Gaarriye maanta wixii ka dambeeya bareyaasha noogu biiri doono awgeed iyo haasaawaha aanu ku xanshashaqayn ee la xidhiidhay xiisaha aanu u qabnay ayaa maalintaa na ilawsiiyay masaafadii aanu socon jirnay. Oo durba waanagan soo gaadhnay fasalkii.
Albaabka waqooyi ee jaamacadda marka aad ka soo gasho fasalka aanu casharka ku leenahay wuxuu ka mid yahay kuwa ugu baalleeya xagga galbeed. Laga bilaabo kadinka iyo ilaa inta aad sii dhex jaqaafinayso dhismaha waxay qaadan jirtay waqti. Maanta se goor aniga iyo asxaabtii aannu wada soconay soo gaadhnay garan mayno. Farxadda ay noo ahayd in Gaarriye maanta wixii ka dambeeya bareyaasha noogu biiri doono awgeed iyo haasaawaha aanu ku xanshashaqayn ee la xidhiidhay xiisaha aanu u qabnay ayaa maalintaa na ilawsiiyay masaafadii aanu socon jirnay. Oo durba waanagan soo gaadhnay fasalkii.
Ardayda goobta fadhidaa waa afar laab intii aanu isku fasalka ahayn, waa
wada wajiyo cusub. Waxaana wajigooda ka muuqday xiisaha ay u hayeen la kulanka
macallin Maxamed Xaashi Dhamac. Waxaaba caado u ahayd ardayda in fasalka uu
joogo maalintaa la buux dhaafiyo. Habeenno markii ardayda uu qaadi
waayay fasalkii waa kuwii dibada uga soo baxay iyaga oo salka saaray dhulka,
Macallinkuna banaankaa hortooda uu taagnaa. Jacaylka loo qabo qofka oo
caadifadi ka madhantahay miyaanu caddayn u ahayn qiimaha uu leeyahay qofku?
Maamulka iyo Barayaasha wax ka dhiga jaamacadda ayaa la fadhiisiga
Maxamed Xaashi u qabay xiise iyo xamaasad ka badan kan ardayda. Kobta
lagu shaaheeyo ee ku dhex taallay jaamacadda Hargaysa,
geesta uu ka fadhiyo Gaarriye waad garan lahayd xataa hadday maanta kuugu
horayso soo galida jaamacaddu. Waxaana sida dayax afar iyo tobnaada
kuugu cadaynaya sida loogu xoonsan yahay kobta uu ku shaahaynayey. Sheeko xiiso
badan oo aanad mar kaliya ka xiiso goynayn. Murti iyo mahadhooyin kale oo aad
moodo in ceel gundheer oon is tabayn laga soo dhurayo ayuu intaa tabinayaa.
Kalgacalka loo qabay loona qabi doonaa wuxuu ahaa mid laga midaysan
yahay. waxaanu caddayn u ahaa qofnimadiisa saraysa iyo tusaale nimada uu ku
ahaa dabci wanaagga tolmoon. Wanaag kasta oo uu lahaana waa wax lagu xusi
doono. Waana lagu xasuusan doonaa.
Aynu ku noqono maalintaa, haddii aanu wada fadhino fasalkii waxaanu
dhawraynay inuu nasoo gaadho. Waaba kan wuu soo galay isaga oo caagad biyo ah
iyo furayaal gacanta ku sita, deg-degna ka muuqdo. Sidii uu u soo socday yimi
fagaaraha fasalka intuu soo dhex socdayna mar kaliya isaga oo aan aamusin wuxuu
la hadlayey ciddii ku dhawayd “Waar noo baneeya dee wadada” farxadda maqalka
hadalkiisu wuxuu markiiba bedalay deeganaanshiiyihii fasalka. Ardaydii waaba
wada farxaan miidhan.
Inta uu wado casharka maskaxdaadu mar kaliya wax aan isaga ahayn kumay
mashquulayn, maankaaguna wuxuu mar walba isku taxaluujinayaa weelaynta
tusaalayaasha iyo taariikhda uu tabinayey Macallinku. Tixaha uu tusaalaha u soo
qaadanayo kuma buu soo dari jirin kuwa uu isagu tiriyay ama leeyahay oo uu hal
abuuray! Sababtana si dhib yar oo dhumuc weyn buu noogu yidhi “Dadnimada inaad
barataan baan doonayaa, Hadraawi iyo abwaanadda kale ee aan gabayadooda
tusaalaha ugu soo qaato maaha macneheedu in aanay kuwayga ku jirin ee iska
ilaaliya inaad anigada gurtaan, walaalkaana iska horaysii sidaasay dadnimadu ku
jirtaaye”.
Dhaqaaq joogigiisa iyo xarakada firfircoon ee ka muuqatay waxay
fududaynaysay fahamka waxa uu sharaxayo. Intaana wuxuu wadaa oo uu tabinayaa
qisooyin qiiro iyo qamuunyoba leh. Dhacdooyin farxad iyo fikir ba kugu beeraya,
taariikh mahadho iyo muusanaw ba kaaga tagaya. Wacyiga qabyaalad diidka iyo
waanada qaranimo jacaylku waxay dhextaal u ahayd casharada iyo culuumta uu na
baray.
Qushuuc iyo mabsuud )iyada oo lagu wada jiro mise waaba gaba gabadii
casharka “Alla yaraayaa” ma laba saacadood baa yaraa.? Haa oo waxaad jeceshay
waqtigiisu inuu kooban yahay bay kuula muuqataa. judha uu casharka dhammeeyo
fasalkana dibada looga soo baxo, waxaaba loo daba yaacay sidii ubad uu aabahood
nacnac u qaybinayey. Isna maba dhibsanayo intaas oo qof wuu la qoslayaa. Mid
walba gaarkiisuu ugu war celinayaa. Qof walibana isaga oo faraxsan buu ka soo
noqonayaa.
Munaasibada lagu qabto bar kulanka jaamacadda ee uu Gaarriye joogo iyo
kuwa uu ka maqnaa way kala astaysnaayeen! Isumay dhawayn oo kala dhumuc badnaa.
Geeriddu waa xaq, waana xukun Alle oo aanay ciddina gafayn. Tani se
waxay liciifisay qalbiga. Warka dhiilada ahaa ee sheegayey geerida abwaan
Gaarriye wuxuu ka gaddisanaa kuwa la mid ka ah inta uu doono. Inkasta oo aad ku
marganaysay maqalka hore haddana gadaal baad ka odhanaysay “Naf waliga geerida
way sugaysaa maantana tiisii bay ahayd”. Alle cawad khayr qaba ha inoogu soo
beddelo.
Mahadhooyinka uu bulshada uga tagay waxay ku suntanaan doonaan diiwaanka
maskaxeed ee bulshada, waxaanu noqon doonaa halyeyada iyo haldoorka ay
taariikhdu sida joogta ah u xusi doonto. Haa maanta wuu dhintay, wuu se nool
yahay. Mana dhimman ilaa inta dhaxalkiisu inna ag yaal.
Ilaahay qabriga ha u nuuro, qoyskii, qarankii iyo bulsha weynta
soomaaliyeed guud ahaan samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Saddam Carab
Hargeisa Somaliland
29/10/2012