Pages

Oct 29, 2012

Xusuus: Gaarriye & Maalmihii Jaamacadda Hargeysa.




Maantana waa maalin kale oo madow. Ma Gaarriyaa galbaday, ma geesigiibaa naga tegay? Ma god galay gabayaagii?! Marar badan waxa aad garan waayeysaa geesta aad ka bilaabayso iyo gedda aad ku bilaabayso qoraallada qaarkood!  Qalbiga iska daaye qalinkaaba u ilmeynaya oo ay ku adag tahay inuu wax uun ku dhigo warqadda. Hakad badan iyo su’aalo sida hawaa’iga kuugu soo hormaya kadibna waxaad bilaabaysaa inaad wax uun ugu yaraan ka qorto.
Waxa adkaatay dhinac aan ka milicsado sooyaalkii nololeed iyo sadarada taariikhdiisii suubanayd.  Haddana waxa ka sii adkaatay mansab aan ugu yeedho si aan u bilaabo qoraalka ay la naxdin gariirayso gacanta aan qalinka ku hayaa. Ma abwaan, ma saynisyahan, ma mujaahid, mise bare?