Pages

Oct 21, 2013

Habeen kali ma seexdeen

Go’aannada qofeed ee aad gaadho kol waad u aydaa, kolna waad eersataa. Waa labadaas xaaladood uun. Mid saddexaad ma leh.  Go’aanka guurkaygu labadaas xaaladood midda hore ayuu ahaa! Deeqa oo aan muddo kooban haasaawe wadaag ahayn, in aan go’aansado in ay noqoto ooridayda, go’aan aan mahadiyey ayuu ahaa. Haddii aanay iyadu ila qaadanna ma uu dhaceen. In badan ayaannu Labadayadu go’aankaas u aynay.

Oct 16, 2013

Sanaag Mar Soo Arag!


Inta qofku noolyahay waxa jira waxyaalo saamayn ku yeesha noloshiisa. Qadhaadh iyo macaan ba waa ay leh yihiin. Dhammaantood casharro iyo waayo -aragnimo ayaa laga korodhsadaa. In aad dad waayo arag ah la kulantaa way ku saamaysaa, in aad dhul iyo deegaan cusub  tagtaa, waa aqoon kuu soo korodhay. Waayaha nololeed iyo sawirada  kala duwan ee indhahaagu qabanayaanna  waa kuwo raad kaga taga maankaaga.  Sidoo kale in aad saaxiibbo cusub yeelataa waxay leedahay samaynteeda, in aad socdaasho lafteeduna waxay kugu yeelataa samayn!