Pages

Oct 16, 2014

'Ma nihin'

Iid Saleebaan baannu marti u ahayn. Iid waa Akhyaar nagu qaali ah. Xafladdii meherkiisa yaannu joognay. Guutaale Jaamac Kediye ayaa garabkayga fadhiyay.
Guutaale muddo badan baannu asxaab ahayn. Dhaqankiisa badi xog-ogaal baan u ahay. Waa nin aan uurkiisa wax ku qarsan Karin. Maalinta uu ku diido, wuu ku diiday oo lama gabbado. Waa codkar gar wixii uu arko ku yeedha. Afar wiil baa ka waaweyn oo, midina la dhaqan ma aha. Guutaale dad badan baa runta ku collaystay. Hadda jaallihiisa ugu muddada dheer baan ahay goor annu kala didi ba.

Sep 18, 2014

"Xabbad sigaar ah"


‘Xabbad Sigaar ah’ kolka la arko ba, xabbad sigaar ah baa la arki jiray. Aagga oo dhan ‘Xabbad Sigaar ah’ waa laga yaqaanay. Barigii dambe, ku dhawaaqisku markay adkaatay, waxa lagu soo koobi jiray “Xabbadda”.

Sep 9, 2014

Diin ma aha wadaadku

Wadaad; waa eray soomaali ah waana mansab cid aqoon diineed loo tirinayo la saaro. Waxa la sheegaa in eraygu uu ka samaysanyahay laba eray oo isu tagay - wad iyo Aad. Barigii hore qofku marka uu aad xanuusado ee wadkii in uu ku soo dhowyahay la maleeyo ayaa loo dooni jiray qof diinta yaqaan. Qofkaas baa Quraan iyo Alle bari la dul fadhiisan jiray. Qofkaas aqoonta diinta loo tirinayo baa la yidhi Wadaad, kii xagga wadka aadi jiray.

Aug 12, 2014

Isboqor

 Jaadadka kala geddisan ee aqoonta dunida maanta taal, mid wal oo ka mid ah bulshooyinku derajooyin kala sarreeya bay u samaysteen.  Heerarkaas ay aqoontu u kala sarrayso ama u kala hoosayso si la mid ah bay dadkuna ugu kala sarreeyaan ama ugu kala hooseeyaan.

Jul 17, 2014

Geed Nool

Kor buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta reer Dhabbohaye, geed sidan u wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal badan buu ku leeyahay reer Dhabbohaye. Geeddiga geedka hoos jooga ee fiirinaya, laba hablood oo ay walaalo yihiin baa lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu gaaf tumay. Sogsogtan gabowday baa arrimo adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday.

Jun 11, 2014

Iyada oo arkaysa

Kadinka xagga koonfureed u jeeda ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku taagan ka soo nuugaysay.

Jun 9, 2014

Godobreeb

Aad baan u daallanaa. Cadceeddu waa ay sii gaabanaysay. Dhulkuna waa uu sii madoobaanayey. Adhigii aan la joogay waxa aan keenay kambalka reerka. Waxa aan   dhawrayey oo kali ah inta maqasha iyo baraarka la xaraynayo. Markaas waxa xigta uun in aan anna adhiga xerada ku shubo. Aad baan u gaajaysnaa oo waxa aan dareemayey tamar li’i.