‘Xabbad
Sigaar ah’ kolka la arko ba, xabbad sigaar ah baa la arki jiray. Aagga oo dhan
‘Xabbad Sigaar ah’ waa laga yaqaanay. Barigii dambe, ku dhawaaqisku markay
adkaatay, waxa lagu soo koobi jiray “Xabbadda”.
Liibaan
oo caan ka ah xaafadda, fiidkii arooskiisaa la joogay. Deriskii ahaa iyo
ehelkiisii oo dhan baa ka soo qabygalay. Sagaalkii caweysnimo, badh iyo mirirro
goortii ay dhaaftay bay xafladdu bilaabantay. Liibaan bashaash kaftan badan buu ahaa, dadka ka soo qaybgalay
arooskiisuna waa ay jaadad badnaayeen. Saalax iyo Liibaan se waxa ay ahaayeen
qoys dhow. Sidaa awgeed, hawl laxaad leh buu habeenkaas Saalax dhabarka u ritay.
Daankiisaa
bidix, khashaafadda hoolka arooska taallaa marka ay haleesho, sida uu u buusnaa,
u dhalaalayey una gigsanaa, dhagax macdan ah oo dhabankiisa ku dheggan baa la
moodayey. Khadar ha qayilo’e, caawa hawsha awgeed, aad buu u badsaday. Cabitaanka
sigaarka ayuu ku sii ba’naa, cunitaanka qaadka marka loo eego. Habeenkaa, baakhidh
xidhan oo Beensal ah iyo saddex midh oo kale ayuu haash iyo dambas ka soo
reebay.
Jaadkii
badnaa, aad buu caweyskaas ugu mirqaamay. Marka la waydiiyo; habeen ka mirqaan
badan in aanu arag buu saddex walle iyo bille ku mari jiray. Iyada oo goobtii
arooska la joogo, xilli dambe saacaddu gaadhay, Saalax sidii uu isu labarogayey
ayuu xaraaradooday. Sigaar buu jeebkiisii ka waayey. Baakidhkii oo dhan mar
hore ayuu bisleeyay. Islaantii inanta Liibaan loo arasayo dhashay, oo Saalax ay
xidid cusub yihiin oo garab taagan buu ku jeedsaday.
“Xabbad
baan u baahanay ee shan boqol ii dhiib” buu ku yidhi. Islaantii way fahmi wayday. Indhaha ayuu
marba mid galka ka rogayaa, findhicilka ayuu hadba dhoolihiisa kor iyo hoos ugu
filqinayaa. “Xabbad kali ah” buu ku celiyey “uun noo dhiib” badhtanka
madaxa, timuhu halka ay ku kala rogmaan isaga oo xoqanaya. Dhallinyaradii baa Saalax iyo Islaantii oo
is-af-garan la’ arkay. Way u yimaaddeen. “Saalax, maxaad ku helay?” ayey
waydiiyeen “Oo aad islaanta ka rabtaa?”
“Xabbad
baan waydiiyey, kaliya in ay ii dirto” ayuu yidhi inta uu ka xanaaqay
nimanka soo dhexgalay. Wali ha iska yaabbanaadaane, “Xabbad sigaar ah”
ayuu cabbaar ka dib yidhi. Xanaaq bay gadoodeen, tukhaatukhiyeen Saalax, islaantiina
u sheegeen in uu nin yara xanuusanaya yahay. Ma uu xanuusanayn ee heerka u
sarreeya halbeegga mirqaanka ayuu gaadhay. Arooskii kolkii laga soo dareeray
ayey nimankii raadiyeen fanto-dishaygii xididka habeenka san, tubaakada duuban waydiiyey.
Hore ayey u waayeen.
Markii
la soo dareeray, gurigii arooska lagu hoynayey hortiisa nin baa taagnaa. Nin
caato ah oo shaadhkiisu surwaalka hoosta ka marsanyahay. Xabbad sigaar ah oo
buushka dambe ee dahabiga ahi labadiisa farood ugu dhexjirtay buu dibnaha ku
qaniinay. Leetar jeebka sare ee shaadhka ugu jiray buu duubka cad ee tubaakadu
ku hoosjirto qabadsiiyey, oo ku gubay. Inta taagtii buu qiiqii afka hore ee
sigaarka ka baxayey ka baxayey dib u nuugay, oo cabbaar naqas aan kaa ahayn
joojiyey. Qiiqii ayuu dhuunta neefta ee ku aroorta sambabbada ku dhaadhiciyey.
Qolalka sambabbadu kolka ay ku cabbudhaan qiiqa, dhuunta neef mareenka ayey dib
ugu soo dalleceen oo ifka u soo afuueen.
Mar labaad ayuu sidii ugu celiyey, oo qiiq badan sanka iyo afka ka soo
celiyey. Inta uu haashkii ka soo hadhay xabbaddii sida finiinka dhulka ku ganay,
oo cidhibta kabtiisa ku bakhtiiyey ayuu markii ay soo gaadheen ku yidhi “Xabbaddaas
baannu habartii ka waynay”. Inta qosol loo khajilay, baa la isaga
dhaqaajiyey. Barigii dambe oo dhan, Saalax “Xabbad Sigaar ah” baa lagu
dacaayadayn jiray, jeer uu iska oggolaaday in lagu naanayso. Mar kasta oo “Xabbad
Sigaar ah” la arko, waxa lagu arki jiray isaga oo xabbad sigaar ah
ciijinaya oo neefta ka nuugaya. Kol kasta oo uu xaraaradoodo na, cid kasta
xabbad sigaar ah ii shid buu waydiisan jiray.
Xabbaddu,
noloshiisa oo dhan daqiiqadaha uu xabbadda qiijinayo, buu ka jeclaa shay walba.
Xataa qaadka in uu ka la’aadaa dhib badan kuma ay ahayn. Meel wal oo uu
istaago, waa la garanjiray in kumannaan Haash uu agoomeeyay oo ka ay dirqi kaga
badbaadeen iyaguna. Ur aan ta sigaarka ahayn, lagama urin jirin Saalax-Xabbadda.
Marka uu kursi dhacdiid leh, koob biyo ah iyo xabbadda isla helo ayuu nolosha
ugu badhaadhe badnaa Saalax. Qadaadka ayuu u jiibsan jiray, labada lugood isdul
dhigi jiray oo inta uu maguujiyo midha, koobka biyaha ahna ka daba laaci jiray.
Muddo
iyada oo aan warkiisa la helin, labaatan sanno ka dib, ‘Xabbad Sigaar ahi’ in uu
xanuusaday baa la ogaaday. Dad badan oo jaarka ah iyo jaallayaashii baa soo
booqday. Habeenkii ifka ugu dambaysay ‘Xabbad sigaar ah’, qolkiisa,
furaashkiisa, maryihiisa iyo jidhkiisa oo dhami sida haashka ayey urayeen. Barkimadii
naftu kaga baxday iyo furaashkiisii, baakidh saddex xabbo oo aan la cabbini ku
hadhay, ayaa ku dhex jiray.
Geeridii
marxuunka dabadeed, cid kasta oo maqasha ‘Xabbad Sigaar ah’ ama iibsanaysa, oo
aqoon u lahayd marxuun Saalax, sidii uu ugu ba’anaa xabbadda ayey xasuusan
jireen iyo habeenkii arooskii Liibaan ee magacu ugu baxay.
Saddaam
Xuseen Carab
Hargeysa,
Somaliland