Pages

Oct 16, 2014

'Ma nihin'

Iid Saleebaan baannu marti u ahayn. Iid waa Akhyaar nagu qaali ah. Xafladdii meherkiisa yaannu joognay. Guutaale Jaamac Kediye ayaa garabkayga fadhiyay.
Guutaale muddo badan baannu asxaab ahayn. Dhaqankiisa badi xog-ogaal baan u ahay. Waa nin aan uurkiisa wax ku qarsan Karin. Maalinta uu ku diido, wuu ku diiday oo lama gabbado. Waa codkar gar wixii uu arko ku yeedha. Afar wiil baa ka waaweyn oo, midina la dhaqan ma aha. Guutaale dad badan baa runta ku collaystay. Hadda jaallihiisa ugu muddada dheer baan ahay goor annu kala didi ba.

Iid Saleebaan waa bulshaawi furfuran. Waa nin aan tolkii dhexgelin oo saaxiibbo badan. Dad saaxiibbadii u badan baa joogay xafladda inanta loogu doonayey. Run ahaan inta qoyskiisa ka socotay, wadaan ceel laga daray bay ku noqonaysay inta kale. Inanta ciddii xaggeeda ka socotay gees bay ka soo jeedsadeen. Intii dhanka Iid Saleebaan ka socotay oo aannu ku jirnaa na xag baannu ka soo golaynay.
Xafladdii baa si habsan u bilaabantay. Iid Saleebaan Adeerkii baa quraanka ka dib hadalkii qaatay. Bariidin ka dib “Kollay arrin dhaqan ah oo soo jireen ah baannu idiinku nimid oo inna kulmisay. Martiqaadka in aad soo ajiibteen waannu idiinku mahadnaqaynaa. Maanta reer hebelow (inanta reerkoodii) haddii aannu nahay reer hebel, waxa aannu idiinku nimid in aad na siisaan Ubax Cali oo aannu u doonayno” markii uu odaygii halkaa marinayo ayuu Guutaale is hayn waayey “Reerka aad sheegayso ma nihin oo meesha ma wada fadhiyaan” buu kolka kali ah ku dhawaaqay.
Hugun baa madashii daboolay. Laba kasta oo is-dhinac fadhiyey way wada hadleen. Kuwo naxdin bay aammuseen. Labadii dhinac ee is-hor-fadhiyey baa marna is-eega marna Guutaale iyo odaygii isku eega. Caruuskii inanta loo doonayey kolka hore ba wuu naxsanaa. Naxdin kale baa ugu sii biirtay. Dhidid buu hooray. Hareeraha ayuu hadba daymooday. Odaygii wali yarka meesha laaqay buu u jeedaa. “Inta xaggan fadhida iyo inta xaggaa soo fadhidaa reero is-horfadhiya ma aha. Cid walba waa la isugu jiraa. Laba reer oo isguursanayaa ma jiraan. Wiil iyo gabadh baa la isu doonayaa. Haddii reero ay ahaan lahayd, inantaa i tolliima xigta. Ma se aqaan oo Iid baa saaxiibkay iyo walaalkay ah. Yaan la is afduubin ee annagu reerkaas ma nihin, meesha na reero isma hor fadhiyaan” ayuu si cadhaysan Guutaale golaha uga sheegay.
Aniga iyo dhowr nin oo kale ayaa Guutaale aammusiinnay. Dibadda ayaannu xafladdii uga kaxaynay. Odaygii na halkii buu hadalkii ka sii watay.  Ubax iyo la isa sii Iid. Xafladdii baa laga soo dareeray. Hadal iyo doodo hor leh baa se judhii ba bilawday. Gaar gaar baa loo istaagay. Odayada qaarkood baa Guutaale taageersanaa. Iid adeerkii  iyo xer kale na  in uu ceebeeyay bay ku andacoonayeen. Iid marna lama uu jirin hadalkii adeerkii, kolba se ma muujin taageerada Guutaale.
Madasha in badan oo joogtay bay arrintu feker waayo leh dabbaalsiisay. Kuwo aan erayada madalahaas laga yidhaa u fiirsan jirin baa aad u dhuuxay arrintii. Erayga cid ba ka degi waayey ee doodda Guutaale xoojiyey baa ahaa “Haddii ay reero ahaan lahaayeen, inanta ayaa i tolliimo xigta”.  Goobtii xafladda intii aannu ka soo soconnay baan Guutaale ku canaantay sida uu wax yidhi. Aniga ayuu dib iila yaabay. Intii aannaan kala hoyan buu igu yidhi “Haddii Iid iyo Ubax is-guursadeen gar baan ku joogaa. Haddii se laba reer la isu-dhisay xaal baan gole kii saaka la mid ah ka bixin doonaa.”
Diisambar, 2014
Saddaam Xuseen Carab

Hargeysa, Somaliland