Wadaad;
waa eray soomaali ah waana mansab cid aqoon diineed loo tirinayo la saaro. Waxa
la sheegaa in eraygu uu ka samaysanyahay laba eray oo isu tagay - wad iyo Aad.
Barigii hore qofku marka uu aad xanuusado ee wadkii in uu ku soo dhowyahay la
maleeyo ayaa loo dooni jiray qof diinta yaqaan. Qofkaas baa Quraan iyo Alle
bari la dul fadhiisan jiray. Qofkaas aqoonta diinta loo tirinayo baa la yidhi
Wadaad, kii xagga wadka aadi jiray.
Guud
ahaan bulshadeenna waxa ku adag wax kala soocidda iyo falanqaynta arrimaha, gaar
ahaan xagga mansab siinta. Meel wal oo dhulka Soomaalida ah waa arrin taalla. Maalinta
aad dhowr buug shandad ku cabbayso ee aad madaxa taagto, aqoonyahan baad u
tahay. Maalinta aad koodh cad iyo xoqado saarotana, dhakhtar baad u tahay.
Maalinta aad khamiis xidhato, gadhkana la baxdo iyana Wadaad(Sheekh) baad u
tahay. Ma jirto astaan ka dambaysa midda muuqaal oo aad ku helayso derejadaas.
Waa uun muuqaalkaaga ka kuu jaraya mansabkaagu. Arrintani waxa ay salka ku
haysaa heerka aqoonta bulshada iyo kolal qof jeclaysi aan sii buurnayn. Waayo
marna qof aqoonyahan ah oo aqoontu wax tartay qof kuma qiimeeyo muuqaalkiisa oo
kali ah. Aqoonta ayaa faraysa in uu dhab ahaan ogaado qofka heerka aqoontiisa
iyo in uu gaadhay darajo lagu maamuuso sharci ahaan. Taasina ma soo naaso
cadda.
Dhaqankaas
baa dad badan oo aan wadaaddo ahayn u oggolaaday in loogu yeedho wadaaddo. Haa,
dabcan wadaadku na mansabka la isu caleemo saaro kuwooda ugu fudfudud bu ka mid
noqday. Khamiis, gadh dheer iyo salaad badnida ayaa isaga na kaa xigta!
Sababtuna waa wax kala saarid la’aanta bulshada oo kali ah. Waxa ay ahayd ugu
horrayn in la fahmo waa maxay wadaad? Yaa noqda? Maxaa lagu noqdaa? Iyo goorma
ayaa la noqdaa? Nasiib darro se cidi iyada oo aan iswayddiin baa la isku tolaa
darajadan iyo kuwo kale ee boqollaalka ah ba. Ugu horrayn gadhka iyo salaaddu
waa astaamo muslin – Wadaad iyo waran le ba. Khamiisku na waa labbis dhaqan
bulsheed oo diin ma aha. Sidaas daraaddeed qof kasta oo tukada, gadh leh, oo
khamiis xidhaa ma aha wadaad.
Dad
badan oo dadkaas wadaadnimada lagu sheego raba in ay duraan, baa diinta iyana
gef iyo gardarro ba ku gala. Dabadeed salaad iyo gadh ka dhiga dhalleecayn iyo
ceebayn. Miyaanay wax aad loola yaabo ahayn? Ma qofka ayey ahayd in la
dhalleeceeyo mise astaamaha diineed? Qofka wax hagaagsan xumaynayaa ma aha
wixii uu xumeeyay isagu. Isaga ayaa xumaanta leh, dhaliishu isaga in ay cuskato
oo ku koobnaato ayey ahayd. Haddii fal
san si xun cidi u isticmaasho macneheedu ma aha falkii baa xumaaday, waa se cid
baa si xun u adeegsatay, ciddaas baana canaanta leh.
Diintu
ma aha wax qof iyo laba loo tiiriyo. Xataa wadaadka diinta aqoonta u leh ee la
hubaa ma noqon karo mana aha diin! Diintu waa sharci iyo xeer sajilan oo meel
yaalla. Ciddii gurracdaa iyada ayaa gurracan, ee sharcigu ma aha mid gurracan. Sida
qof kasta oo dhakhtar sheegtaa aanu dhakhtar u ahayn, dhakhtar kastaa na
caafimaad u hayn, buu qof kasta oo wadaad sheegtaa aanu u ahayn wadaad, ku
kasta oo wadaad ahina aanu diin u ahayn. Sidaas bay u kala asooranyihiin oo
aanay isugu laaqmayn marna.
Ciddii
diinta sideeda uga hadlaysa waxa habboon
in ay gaar uga hadasho, ciddii wadaad diinta yaqaanna oo darjiidhay ka
hadlaysaa iyana gaar ha uga hadlaan. Yaan se caanaha iyo biyaha la
isdhexyaacin. Waayo diin ma aha wadaadku.
Saddaam
Carab
Saddamcarab@gmail.com