Jaadadka kala geddisan ee aqoonta dunida
maanta taal, mid wal oo ka mid ah bulshooyinku derajooyin kala sarreeya bay u samaysteen. Heerarkaas ay aqoontu u kala sarrayso ama u
kala hoosayso si la mid ah bay dadkuna ugu kala sarreeyaan ama ugu kala
hooseeyaan.
Sideeda ba na derejada iyo derajayntu waa qodob muhiim u ah
aadanaha, waayo waa furaha iyo bilawga dedaalka. Meel kasta oo dunida derjooyin
ka jiraan waxa khasab ah in loollanna ka joogo; waa haddii aqoon derjadu ku sal
leedahay. Meesha tartan ka jiraa waa meel waxsoosaar iyo horumar badan laga
filan karo. Taa aawadeed waxa aynu odhan karnaa hadba qiimaynta derejaynta
bulsho waa halbeegga horumarka bulsho. Si ay taasi u jirtana bulsho kastaa waxa
ay u samaysataa xeerar iyo marinno kala haga oo kala hagaajiya.
Inta
badan marka aanay bulsho lahayn shuruuc hagaagsan oo kala nidaamisa ama
soohdimo sheegan oo qeexa heerarka aqoonta iyo khibradda qof ama qofaf, waxa
luma halbeegga iyo darajadaynta dadka; markaas ayey caanaha iyo biyuhu isdhexyaacaan.
Waxa dabadeed ka soo baxa in qof waliba iskii isku boqro. In qofku kolba mansabka
uu rabo uu xusho oo aanay cidina yur ka odhan. Markaa sidii bay noqotaa
derejadu col jabay oo qofba qaniimada taagtii xantoobsado. Waa kolka caqliga
fayow ee iscumaamadka ka xishoodaa uu dhinto.
Maanta
waxa aad moodda bulshadeenna in dhaqankan isderajayntu awood xooggan isku
ballaadhinayo oo isu egaysiinayo wax caadi ah. Waa sababtaas in ninka laba
cisho farmasi dhex joogay ee xoqado xidha
loogu yeedho "Dhakhtar", ka cashar sannad jaamacad ka
bixinayey "Barafasoor", ka afarray dhowr goor isku toostoosiya
"Abwaan", ka afar ama saddex qoraal qorana waa sababta loogu yeedho
isna "Qoraa" iyo kuwo kale oo badan. Tanna waxa xoojiyey xeer iyo
dabar la’aanta aan cidna hus la odhanayn iyo xishoodka oo malaha aad innoogu
yaraaday. Marka ay sidani dhacdo ee la waayo shuruudo
dhab ah oo qeexaya, ama sharci run ah oo ilaalinaya darajooyinka bulshada waxa
soo baxa uun laba xal; midka hore in qofka damiirkiisu u noqdo sharci dabar iyo
seeto uga ah isboqridda iyo ka labaad oo ah, in qofku sidii aanu damiir ka
xishoodsiiya lahayn isaga oo buuryoqab ah uu qoodh ka sheegto baarqabyada
hortooda. Labada arrinna tan dambe ayaa innagu dhex baahaysa. Sidaas awgeed baa
ninka Tobankii sano ee u dambeeyay qoraalka ku dhexjiray iyo qofka bishan sii
qoyan qoraal mareeg ku daabacay ay labaduba u noqonayaan"Qoraa"!
Sidaas awgeed ayaa ninka lixdankii ilaa maanta gabayayey iyo ka dorraad qaangaadhay
labaduba u noqnayaan “Abwaanno” Sidaas awgeed ayuu ka aan dun irbad galin karin
iyo ka aqoonta u leh labudu ba u ahaanayaan “Siyaasiyiin waawayn”, Sidaas
awgeed ayuu caalimka diinta fasira iyo ka dorraad khamiiska qaatay labudaba u
noqonayaan “Wadaaddo” sidaas iyo sidaas buu
qof kastaa kolka uu rabo u noqonayaa mansab kasta oo uu iska jecelyahay.
Runtii
isderajaynta noocan ahi waxa ay dhabarjab ku tahay horumarka ummadda iyo
dedaalka jiilkeeda. Haddii Dhakhtarnimo ay iga xigto in aan shaadhcad iyo
xoqado cadcad isa sudho, haddii uu saxafinnimo iga xigo uun in aan laba qof waraysto, haddii wax walba ay
iga xigto inta aan isku sheegayaa saw
hoog bulsho iyo hawobaaqsi ummadeed ma aha? Saw gaagixinta caqliyadii fikiri
lahaa iyo curdandhadhinta horumarkii dedaalka lagu samayn lahaa ma keenayso?
Waxa
yaab leh dad qaangaadh ah oo aqoon ku filan leh, oo haddana isboqraya.
Xishoodkii, aqoontii iyo garaadkii halkee buu innaga aaday? Qof walba intiisa ayuu xil ka saaranyahay.
Arrintan dhibaatadeeduna qofka bay ka bilaabantaa oo ay ku dhammaataa. Haddii
aynaan ka hawlgelinna aynu iswada boqorro oo aynu ahaanno abwaan aan laaxinka
iyo deelqaaf kala aqoon, siyaasi aan naftiisa maamuli karin oo ummad
hoggaamiya, qoraa aan higgaadda iyo habdhigaalka qoraalka aqoon, dhakhtar aan
kaneeco dawayn karayn, Injineer aan laba xabbo oo laban ah isa sudhi karin iyo aynnu iska ahaanno magacyo buurbuur aan
kildhi biyo ah sonkor ku dari karin.
Saddaam
Xuseen Carab
Hargeysa,
Somaliland