Kor
buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta reer Dhabbohaye, geed sidan u
wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal badan buu ku leeyahay reer
Dhabbohaye. Geeddiga geedka hoos jooga ee fiirinaya, laba hablood oo ay walaalo
yihiin baa lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu gaaf tumay.
Sogsogtan gabowday baa arrimo adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday.
Isba intan oo dhan waa uu ogyahay se waa isdiidsiinayaa. Hunguri baa ka haya,
mid wayn oo baqe wata. Geeddi waa canaan-ka-yaab ase faruhu aad bay u
cuncunayaan galabta.
Wali
kor buu u fiirinayaa geedkii. Lugta bidix buu ta midig ku laabtay. Jirridda
geedka sogsogta ah ayuu ku tiirsanyahay. Garabka midig waxa u sudhan gudin
dhowaan magaalada looga soo tumay. Kolka uu Geeddi yar heetiyo, cadceedda ayaa gudinta
dhabanka kaga dhacaysey, saa tabta muraayad cadceedi hayso ay u halaclaynaysaa.
Gudinta afkeeda iyo cadceeddu marka ay is-haleelaan waxa aad moodday halaq milikhsanaya
oo oday buuran dirqi lagaga hayo.
Geedka
dabaylo aan badnayn baa hadba laamihiisa taagta daran dhan u ciyaarsiinayey. Dusha
sare laamaha kore shimbiro dhalo ah baa intay baarka kaga istaagaan ku
leexaysanayey, ka dul heesayey oo ku raaxaysanayey. Fallaadhaha kore ee
cadceeddu ciil bay cabbudhsanaayeen. Shucaaceedii ayey cadceeddu dhaafsiin kari
wayday laamaha geedka ee sida dad isjecel isugu duuban. Geed ma aha’e waa guri
ayaa marar dadku ku doodaan. Xataa roobka ayey dhibcihiisu dirqi kaga soo
dusaan laamaha isku duuban. Geedkaas baa maanta Geeddi Dhabbohaye u fikirayaa.
Goo. Maya’e u kaadi. Maya goo. Haa taas baa maskaxdiisa ku xoog badan. Yeelkeed,
ciddii u ooyaysaa yeelkeed. Gunta ka garaac oo dhuxulayso buu guddoonsaday.
Waa
ka u soo xaydxaydtay sogsogtii. Lugtii lugta ku marnayd waa ka dhulka soo
dhigay. Markii uu sidaas u istaagay ba gudintii garabkiisa bay ka soo siibatay.
Way sii qalaamorogatay. Wax dhaarsan bay u egayd. Dhulka iyo geedka midna ma ay
doonan. Sidii dacawo waalan oo gaajaysan bay cagta kaga dhacday. Iyaa? Suulka
bidix bay dhex jibaaxday. Jiidhkii bay kala dhanqartay. Dhiiggii waa kaas durba
ciidda galay. Xanuunkii baa dhidid ka keenay. Geeddi durba waa kan meehannaabay.
Garaaca wadnuhu waxa uu tabay dhiigga dibadda uga baxay ee ka shalakh leh. Talo
ayaa ku caddaatay Geeddi. Degdeg buu xal uga fikiray. Muddo ayuu tallamay. Laan
dheeggiisa ah oo soo gandoodday buu tiigsaday. Wuu kala dillaaciyey. Laantii buu maydhax ka diirtay. Fartii kala qalnayd buu degdeg ugu
duubay. Dhiiggii burqanayey hadda wuu hakay, wali se waa dhididsanyahay.
Xanuunkii iyo karkii baa shiddaynaya.
Neecawda
qabaw ee ruxanka laamaha geedku keenayaan baa naxariis jidhkiisii oo dhan ku
abuurtay. Hadhka macaan goor uu ku hoos gam’ay buu garan waayey. Dhagi buu dhex
muquurtay. Saacad iyo dheeraad ka dib buu soo miiraabay. Wali neecawdii geedka
ayaa nabarkiisii babbinaysay. Maydhaxdii xinjirihii dhiiggiisa ayey dib ugu xejinaysay
jidhka. Codka shimbirihii geedka guud saarnaa baa iyana hees ku maaweeliyey. Tartiib
tartiib waa ka xanuunkii uga soo jabaya. Isaga oo geedkii hoos jiifa waa ka kor
u fiirinaya laamihii iyo caleemihii geedka. Waa kii uu goordhawayd gudinta u
sitay, waa ka waxan oo abaal ah u galay. Geedku in uu noole waxtar leh yahay
buu dareemayaa goortan. Sogsogtu kama ay aargudane waa ta baanatay ee badbaadisey.
Kol
kasta oo Geeddi soo agmaro sogsogtii, inta uu jirriddeeda isku duubo buu dhunkasho
ugu mahadnaqaa; kolka kasta oo laan ka mid ahi qallasho na waa ka
caloolxumaadaa. Sidiisa ba hadda, geedkan ayuu ugu jecelyahay geedaha oo dhan.
Saddaam
Xuseen Carab