Kadinka
xagga koonfureed u jeeda ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo
yar oo qiyaastii bil ama ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay
ka dhacday baa ay labada garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd
midkood waa ay go’nayd, se waa ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda
buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa
ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka
afka u saarto ayey naqaska ku taagan ka soo nuugaysay.
Waxa
ay soo gashay waadhka tilmaanta lagu soo siiyey ee ubadka ee “Oxygen”tu taallo.
Kadinka ayey ka gashay oo hore u soo dhex qaadday. Waxa ay isha marisay
sariiraha waadhka in ay ku dul aragto qof ay adeege caafimaad u garato. Ha
yeeshee isheedu ma ay qaban wax aan ahayn ubad kalxamuhu soo baxeen, hooyooyin
kor yabaalsan iyo agab wada gaboobay. Intaas oo dhan war uma hayso, waxa ay
kolba hoos u fiirinaysaa ilmaha naqasku hayo ee boggeeda ku jira. Afka ayuu
xumbo cad ka keenayey oo marka ay libiqsi ka waydo hadba afkeeda afka u
saaraysay oo neef u siinaysay. Wali na ma ay arag cid shaqaale ah oo ilmaha wax
u qabta.
Sariiraha
waadhka midda u baallaysa waxa jiiftay gabadh cas oo buuran oo koodhcad xidhan.
Waxa ay u malaysay in ay tahay kalkaalisada caafimad ee bukaanka waadhka.
Markii ay u tagtay “Walaal ilmaha naqaskaa haya ee Ogsajiinta ku soo xidh baa
la igu yidhi ee iigu xidh” bay hadal naxsan, warwarsan oo gariiraya ku tidhi
gabadhii ilmaha sidatay. Kalkaalisadu wadhaa ba ma ay hayn. Naqaska qofka yar ku
taagan iyo hooyada la isha daran xataa dareen yarna oo naxariis ah uma ay
muujin, ha joogto gudashada hawshii waajibka loogu lahaa’e. Iyada oo aan hadal
kalkaalisadu ayey labada lugood mid ba mar sariirta ka soo dajisatay oo ay
shalmadda haabhaabatay. Miisaankeedu waa uu cuslaa oo inta ay is walwaalayso
ayaa waqti ahayd. Intii ay kalkaalisadu is-kala guraysay, gabadhii ilmaha
sidatay waxa ay marba naqaska ka soo nuugaysaa ilmaha afka ka xumbaynaya ee
neefsan kari la.
Marka
la eego tobannaanka sariirood ee dadka bukaanka ahi ku dul silcsanaayeen,
tobannaanka kale na murugada la dul taagnaayeen waa la garanayey in ay goobtu
xarun bukaan tahay. Marka la eego dayaca
qalab iyo dhisme ee ka muuqday waadhka iyo kalkaalisada sida guri ay leedahay
uga soo dhex kacday bukaanka dhexdiisa marna lama aqbaleen in meel caafimaad
iyo daryeel loo yimaad ay tahay. Waa se ciddii ay dani tidhi inta timid ee naf
ka dayeysaa, waa intii u haynta yarayd bulshada oo kharash yari daryeelxumada
ku soo doonatay. Marley waadhadhka kale ee laga wada dhextaahayo na daryeel
li’idanin in ay biyo dhigto baan ku tallamay.
Kalkaalisadu
markii ay si wacan uga soo toostay sariirta, ase ay dhibsanayso gabadha jiifka
ka kicisay bay eegtay ilmaha. Wali afka ayaa uu ka xumbaynayey, wali naqasku waa
ku taagnaa se jixinjix ilbidhiqsi kali
ahna lagama dareemin. Waa ay sii
jeedsatay, tallaabsatay oo xaggii sariirtii ku laabatay. Dhinaca ayey kaga
fadhiisatay mar kale sariirtii oo ay labada lugoodna isa saartay. Gabadhii
cunugga sidatay wali waa ay ka wardhowraysay gabadha nolosha ilmeheedu ku
xidhanyahay ee aan danaynayn. Wax kaste oo kale oo ay samayn lahayd ba waxa ka
mashquuliyey arrinka abaydinka ay laabta ku hayso. “Qolka shaybaadhka ee geesta
u shisheeyaha dhismaha ku yaalla ku soo baadh dhiigga, jawaabta na dhakhtarka
soo tus oo igu soo noqo.” Ayey tidhi markii ay si fiican u fadhiisatay iyada oo
hawldiid ah. Sida muuqatayna fadhiga ka jecel badbaada qudha go’i rabta ee Ogsajiinta
agteeda ku qufulan u baahan.
Dantu
waa dabar adag oo cadowgaaga lugaha kaaga xidha, xorriyad bandanna kaa xayira.
Waa sababtaas midda gabadha iyo ilmaha ba ku sandulleeyay in ay nafta kula
eertaan cid aan danaynayn. Waa sababtaas ay wali uga dhursugayaan kabadha
furaashka ay ku sii jiifsanayso ka ka jecel samatabixinta qudh daryeel li’i u
bixi rabta.
Ogsajiinta
dhakhtarkii qaybta gargaarka degdegga ah ku sugnaa u soo tilmaamay in lagu
xidho laguma xidhin sabigii neeftu haysay. Kolka aad baahantahay ee aanad aqoon
badan u laheyn arrinka, xataa haddii waxa lagu farayaa ay sii laalayso kama
hakatid, waayo aqoon ba uma lihid. Waxa dhaliil oo dhan leh cidda luggooyadaas
fasha ee aqoonteeda leh. Naf sirirsan oo
dhakhtar Ogsajiin u soo tilmaamay maxaa qolka shaybaadhka u yaal? Xaggii
shaybaadhka kalkaalisadu isu soo dhaafisay ayey hooyadii ula soo kacday. Wali
na waxa ay naaawilaysa in cid arxan lihi qolka shaybaadhka kaga soo baxdo.
Xagga
galbeed ayey suqduudyada cusbitalka ee waadhadhka qaybiya u dhex qaadday. Waxa ay foolka saartay xaggii qolka
shaybaadhka. Hase yeeshee intii aanay gaadhin ayey fadhiisatay. Ilmihii ayey
afka afka u galisay, waa ay ku celisay oo ay ku raagtay. Mar kale haddana inta
ay uu nasatay ayey naqaskii ka soo jiidday hawo cusbna ugu baddashay. Markani
mararkii kale la mid ma uu ahayn. Naqaskii ku taagnaa waa uu ka soo gu’I waayey.
Libiqsigii indhuhu way joogsadeen, wiilka isha ee madow ee il wali ba na waxa
uu hoos u xulay galka sare ee isha oo waxa muuqday caddaankii ka hooseeyay. Guud
ahaan dhaqaaqii jidhkiisu waa uu istaagay. Iyada oo arkaysa hooyadii, dhabteeda
uu yaallo ilmihii naqasku ku taagnaa, ogsajiintii loo sheegay in uu baahanyahay
qol aan ka fogayn ku xidhantahay waa kaas sabigii dhowaan ifka ku soo biiray
dib u laabtay. Waa kaas daryeel la’aan dhakhtarka shicibka dhexdiisa ugu neef
waayey. Kalkaalisadii waa ta halkan soo laafyoonaysa ee dul timid. “Miyuu
go’ay? Saacaddiisaa ku buuxday” bay aayar tidhi oo dib sariirteedii isugu kala
bixisay. Gabadhii dhashay waa ta oohin miciinsatay ee baroorteedii la isugu soo
xoomay. Waa ta ilmihii wali ka quusan la’ ee marba afka afka u saaraysa.
Laakiin iyada oo arkaysa bay naftu mar hore ka baxday.
Saddaam
Carab