Go’aannada
qofeed ee aad gaadho kol waad u aydaa, kolna waad eersataa. Waa labadaas xaaladood
uun. Mid saddexaad ma leh. Go’aanka
guurkaygu labadaas xaaladood midda hore ayuu ahaa! Deeqa oo aan muddo kooban
haasaawe wadaag ahayn, in aan go’aansado in ay noqoto ooridayda, go’aan aan
mahadiyey ayuu ahaa. Haddii aanay iyadu ila qaadanna ma uu dhaceen. In badan
ayaannu Labadayadu go’aankaas u aynay.
Jiroo
doobnimadaydii in badan aan maqli jiray wax guurka igu dira, iga didiya oo ii dacareeya, haddana xaqiiqdu
waxa ay ahayd taas rogaalkeed. Degganaan, dabacsanaan iyo daryeel aan la
qiyaasi karin baan uga dhaadhacnayn! Qolof ahaan iyo qalbi ahaan ba waan u
koray una kobcay guurkayga dabadii. Waxa la ii koolkoolliyey sida ilmo dharabka
ku jira ama ku aan dhaqaaq baran oo kale! Iyana waxa loo xannaaneeyay sida
abaydin hooyadeed curad iyo guuridambays u ah! Aniga oo soo dhididay marka aan duhurka soo
dheelmado, inta ay igu dhagto oo labada dhaban iga dhunkato ayey marwadayda
Deeqi rarka iga rogtaa. Qolka ay ii diyaarisay bay ii daadahaysaa. Cunto macaan
oo iyadu ka dhadhamayso bay soo dhigtaa, labada dhinac inta aannu ka fadhiisanno
baannu dhagdhag u wadaagnaa! Say afka iigu gurtaa marar badan. Markaas ayaan
illaabaa daal kasta iyo diihaal walba oo aan maantaas soo dabbaashay! Macno li’i
in aanan u soo dhididin baan isku bogaadiyaa!
Deeqa
inta aan guriga la joogo duni kale ayaan joogaa. Iyaduna sidoo kale. Inta aan
ka maqanahay waan u soo hiloobaa la joogeeda. Iyana inta aan ka maqanahay waxa
ay ii haybisaa sida eridhaban ilmeheedii wayday oo kale!. Waayadii aan
soolanaha ahaa hurdo iyo saamalayl ma aan kala jeclayn, socod iyo fadhi na
sidoo kale. Intaan guursaday se guriga waxa aan ugu soo carraaba sida digaagga.
Saacadaha iyo mirirrada ayaan kor iyo hoos ba tirsadaa. Maalmo badan cadceeddu
in ay hore u dhici wayday ayaan dhibsaday, maalmana doobab makhaayad sheeko ku
haystay baa igu dhagay. Waxa ay igula yaabeen in aan waqti hore hoyanayo,
laakiin lama aan yaabin, ase waxaan Alle u baryay in uu laabtooda dareen guur u
furo si ay dabaylaha iyo dibadaha, iyo, darxumada iyo dalanbaabiga uga hoydaan!
Haddii ay ogaan lahaayeen dhabta dugsoon ee aan dubuq idhaa, haddii ay ogaan
lahaayeen bogga diirran ee aan dhaxanta jiilaallada iyo jirarka ka dugsado iyo
haddii ay doobabkaasi ogaan lahaayeen nolosha qoysinimo badhaadheheeda, in ay
ila yaabaan daaye, iyagu ba habeen kali ah kali ma seexdeen! Waa se war li’i
waxa kali socodka ka yeelay.
Kaftanka
iyo haasaawaaha, doodda iyo sheekada aniga iyo Deeqa na dhextaal, dad badani
waxa ay na moodaan labo isku cusub mar walba! dad badan oo kale na waxa ay ku
murmaan aniga iyo iyadu in aannu isku mid nahay! Qudhayadu marar baan ku
doodnaa in aannu hal qof nahay iyo in kale. Waxa aan idhaa, adiga ayeynu wada
nahay iyo maya’e adiga baynu wada nahay! Aakhirka waxa ay ku dhammaataa in
labada oo isku mid ah aannu isku nahay.
Laga
soo bilaabo maalintii aannu guri galnay, habeenna ma jecli in aan kali seexdo
ama aan ka dhaxo. Haddii ay dhacdo (Alle naguma ba keenee) gogol iyo gama’ ba
waan kala dhaqaaqnaa. Waxa aan habaaraa cid kasta oo sabab u ahayd in aannu
kala dhaxno! Waxa kale oo aan u duceeyaa dareenkayga taba jidhkeedii
dabacsanaa, boggeedii diirranaa iyo ooridayda Deeqa gabigeedii ba!! Waayo Deeqi
waa qayb iga mid ah, sida aan aniguna u ahay qayb iyada ka mid ah!
Reerkayaga
waxa ay u jeceshahay sida ay aniga ii jeceshahay. Taasina waxa ay beenaysay
qaybta hore ee maahmaahda “Dacaayad u guurso, Ammaanna u dhimo”. Waayo waa qof
ehelka jecel oo wanaajisa iyaga qudhooduna jecel oo qaddariya! Tabtaas oo kale
na Jaarku waa ay ka mahdsheegtaan.
Deeqi
ma aha marwadayda uun oo kaliya! Sidoo kale waa Saaxiibka dhabta ah ee aannu
isku xanqarsanno, ama waa xoghaynta noloshayda iyo xogogaalka naftayda. Waxa ay in badan iga damisay holac iyo naaro
go’aan qaadasho iiga bahnaa. Sidoo kale waa
macallimad wax badan i bartay. Laga soo bilaabo maalintii aannu guri galnay
ilaa maanta waxa ay ii ahayd dhakhtar guriga ii jooga. Waxa ay iga dabiibta
xanuunnada werwerka iyo walaaca, niyadjabka iyo samir li’ida, daalka iyo diihaalka iyo kuwo kale oo badan.
Dhanka kale waa ardayad iga bartay cilmi badan iigana mahadcelisay. Mar kale na
waxa aan noqdaa ilmo ay dhashay oo kale! Haa, ka hor labaatan sano dhabtii
hooyaday isma aan lahayn tu ka dambaysa ayaad ku gam’i! ama xannaanayn intaas
le’eg ayaad gabadh Soomaaliyeed ka heli! Run ahaan waan ka helay, waanan ku
mahadiyaa kun jeer! Marka aan dhabteeda barkado ee aan kor u fiiriyo wajigeeda
iyana ay hoos ii soo fiiriso waxa aan dareemaa xasilooni xad dhaaf ah iyo
farxad aan la qiyaasi karin. Waxaanan maleeyaa in aan ahay qofka dunida ugu
farxadda badan!
Maalintii
ay caloosha iigu qaadday ilmihii curad waxa ay iga heshay xannaanayn aanay abid
cid ka filan. Taas na iyada ayaa dhaar iigu martay. Iyada iyo ilmaha caloosha
ay ku sidday ba waxa aan ugu adeegi jiray sida boqorrada! Waxa aan ka dhowri
jiray dhib kasta iyo shay walba oo dhaawici kara nafteeda iyo niyaddeeda. Wax wal
oo ay i waydiisato waa ay iga heli jirtay. Marka hore ba ma ahayn qof wax aan
diidayo i waydiisa! Maalintii ilmaha shinkiisu go’ay baa la soo gaadhay. Alle
foosha waa u fududeeyay, markaas ayaa ilmihii Oohin dunida ku salaamay. Farxad
baan iyada salaanta dhunkasho uga dhajiyey! Dabadeed ay dhoolla caddayn iigu
soo jawaabtay. Waxa ay ahayd maalintaasi maalin aniga iyo iyada ba nagu wayn.
Ilmahaasina waxa uu noqday mid nagu wayn oo farxad qoyskayaga ku soo biiriyey.
Waxa uu noo noqday wehel saddexaad! Kalgacaylkii aniga iyo hooyadii na dhexyaallay
inta uu ku barbaaray ayuu la barbaaray! Sidoo kale saddexda caruur ah ee ka
dambeeyay mid walba mar kasta waxa uu nagu soo kordhinayey kalgacayl iyo
naxariis. Noloshayadana maalin walba xasillooni iyo deggenaan baa u sii
kordhaysay. Waxa aannu sabab uga dhignaa wanaag walba oo aannu guurkayaga
dabadii helnay, hal shay. Waa haasaawihii guurkayaga hortii oo runtu rukunno u
hayd!
Caways
Jimce ah oo aan sii fogayn aniga iyo Deeqa oo cawaynayna bay sheekadu nala
gashay waayo hore iyo bari samaad. Kalgacalkii aannu isku guursannay sidii
aannu u abqaalnay baannu dib u milicsannay. Waannu ku faraxnay midho dhalka
aannu ka gaadhnay labadayaduba. Waxa kale oo ay ka sheekaysay sida uga cabsi
qabtay nin Soomaaliyeed, aniguna waxa aan ugu warceliyey sida aan uga cabsi
gabadh Soomaaliyeed! Waxa aannu isla waafaqnay in kutiri-kuteen badani balaayo
been abuur nooga sheekeeyeen. Sidii ay marna iigu sheekaynaysay marna iiga
guraysay bay sheekadu sheeko kale ila gashay. “Wiil iyo gabadh baa bari hore
isguursaday. Labadooda midna waxba kama uu aqoon nolosha qoysnimo. Markii ay
muddo isqabeen, baa mid waliba la yaabay raaxada iyo badhaadhaha nolosha
qoysnimo. Dabadeed mid waliba dareenkiisa rasmiga ah cabbiray. Markaas ayey
oohin qabsadeen. Iyaga oo iska dul ooyaya ayaa aroortii loo yimid. Markii la
yidhi maxaa idin helay bay yidhaahdeen ‘Haddii sidan nolosha guurku u
macaantay, maxaan bari hore isku guursan waynay’!! Wax loogu jawaabo ayaa la waayey”!! Markaas bay Deeqi i tidhi, innagu ba maxaan
bari hore isku guursan waynay! Inta aan qosol riyaaq hordhac uga dhigay baan
ugu warceliyey “Haddaan guurka sidan moodayo, Habeen kali maseexdeen”!!
Qalinkii: Saddam
Xuseen Carab
Hargeysa, Somaliland
Oktoobar, 2013.