Waa duq ilaa lixdan jir ah, waa ta
halkan ka ooyaysa. Aad ayaa loogu buuqsan yahay guriga ay ku jirto. Waxa
waayeheedu uurxumo iyo urugo ku reebayaa cid kasta oo aragta ama maqasha waxa
helay ee heeray. Waxa ay ku barooranaysaa “Hoogay, oo ba’ay, hawo baaqsaday oo Hanad
waayey”… Waa ay xabeebatay maaddaama ay ooyaysay ilaa markii loo soo sheegay
dhimashada Hanad.
Cid kali ah oo ehel ah ama jaarka ah oo aammusiisa waa la
waayay, qof walba waxa uu ka soo baxayey guriga isaga oo illini indhaha kaga
taagantahay, dumarrada jaarka qaarkoodna waa ay la barooranayeey ba. Aad ayey u
jeclayd Hanad, “Hanad miyaan caawa waayey? Hoogay oo hawo baaqsada” ayey ku celcilnaysa
iyada oo kor ugu qaylinaysay.
Ubad waxa ay dhashay Hanad oo kali
ah, waxa ay ku soo korsatay agoonnimo. Aad ayey u jeclayd oo la jeclayd in uu
qayrkii ka korreeyo. Waxa ay dhib kasta iyo dhafar kasta ku dhaafi jirtay in ay
ku nasan doonto Hanad oo uu u hiilin doono. Da’diisu waxay ahayd labaatan
haddii aanay wax u dheerayn. Waxa uu dhiganayey Jaamacadda, laakiin waa ay ugu
taag wayday. Waxa laga raacay Dhoof, iyo dhoof…. Hooyadii ma jeclayn in uu
marna ka tago meelna, waxa aanay u sheegtay in uu la joogo oo ay jeeshahay la
jooggiisa mar haddii aanay balo eryayn, inta jaamacaddu u dhammanayso. Laakiin
waa ay ku qanci kari wayday waxaanay ka yeeshay qorshihiisii ahaa in uu dhoofo,
oo dhoof-tahriibo. Waxa uu niyadda ku hayey haddii uu ku guulaysto in uu ehelka
iyo ummaddaba kaga heli doono sharaf, soo dhawayn iyo qaddarin aan hadda loo
hayn. Taas rogaalkeedana haddii uu ku fashilmo in uu magac xumo ka tagi doono,
laakiin ta dambe waa yeelkeed haddaanu noolanayn. Aakhirkii waxa uu u xadhko
xidhay in uu waddada cagta saaro, Itoobiyo maro, Suudaan sii jiidho, Saxaraha
liibiya jeexo oo uu Talyaaniga Yurub kaga dhaco. Sidii ayuu ku baxay. Kharash bilow
ahna la baxay. Muddo ayaana ka soo wareegtay.
Afar habeen ka hor ayuu talefoon ku
soo dhacay Hanad hooyadii, waxa loo sheegay in inankeedii liibiya ku xidhan
yahay oo la rabo lacag madax furasho ah oo lagu sii daayo, isla habeen dambena
uu rabo in uu raaco Dooni Talyaani u baxaysa. Waxa ay markiiba shubtay lacagtii
(2,500$) Laba kun iyo shamboqol oo doollar ah oo ay ku jirto tii doonnidu.
Ducana waa ay u raacisay. Intii aanay taleefanka dhigin ayey tidhi ila
hadashiiya si aan u hubsado in Hanad lacagta rabo. Waa lala hadashiiyey waanu u
sheegay in uu gacanta ugu jiro raggan, oo uu teleefanka u qoray si ay ula soo
xidhiidhaan iyada (Hooyadii). Markii intaasi isku duba dhacday ee lacagtii
nimakii ugu dhacday xawaaladda ayaa ugu dambaysay hadalkiisa iyo hunnuudiisaba.
Hooyadiina aad ayey u jeclayd oo kalidii ayey haysatay.
Habeen hore ayaa telefankii labaad
kaga soo dhacay Tiribali, iyada oo naxsan ayey qabatay. Waxa la hadlay Hanad oo
sii macasalaameeyay. Waxa markaas uu u xidhxidhnaa in uu doonnida raaco oo
Talyaani galo ama gaddoomo oo uu dhinto. Hooyo waa beer e’ markii uu taas
ogaysiiyey ayey ilmaysay oo inta ay duco isu daba dhigtay ku af-meertay “Ilaahay ha ku nabad geliyo
hooyo”. “Aaamiin hooyo inta uu yidhi” ayaa la kala dhigay Taleefannadii.
Waa balayaadii habsatay horteed
intaasi. Subaxdii dambe duhurkeedii ayaa la soo sheegay in Doonnidii xalay
baxday gaddoontay, waxa saarnaa ilaa toddobaatan wiilal iyo gabdho ah oo
badidoodu da’aadda 20-30 meeyo ah! Afar qof oo kali ah marka laga reebo intii
kale waxa la xaqiijiyey dhimashadooda maydadkoodan waxa la keenay Liibiya!
Markii warkaasi soo gaadhay ayey islaantu miyir beeshay oo dareenkeedu shaqayn
waayey. Waxa ay kaga soo hadhay “Hoogay, oo ba’ay” “Hannad ma waayey oo ma hawo
baaqsaday”. Maydkiisiina waxa la sheegay in uu ku jiray xabaal wadareedyo loo
sameeyay Tahriibayaasha uu ka mid ka ahaa. Hooyadiina aad ayey u jeclay oo
kalidii ayey haysatay, maanta se waa goblan!