Pages

May 31, 2017

Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA) - Qaybta 1aad.

Hordhac
Macallin, dhakhtar, madax, arday, shaqaale iyo waalid dhammaanteen masuuliyad baa inna saaran. Masuuliyad walba oo qof kasta saaran waxa ay u baahantahay in aqoon hoggaamineed, haba yaraatee lagu guto, taas awgeed baynu dhammaan baahi u qabnaa barashadeeda.
Dadka Muslimiinta ah iyo kuwo aan ahayn, Carabi, Ingiriisi iyo afaf kale oo tiro badan ba waxa ay ku qoreen sooyaalkii hoggaamineed ee nebi Maxamed (NNKA).
Badi dadyawgaas iyo buugtooduba waxa ay qirayaan sida yaabka leh ee nebi Maxamed (NNKA) u ahaa hoggaamiye leh sifooyin intooda badan aragtiyaha iyo aqoonyahanka casriga ahi qabaan in hoggaamiye yeesho. Jaadadka hoggaamineed ee hoggaamiyeyaasha ayaa ku kulmay hoggaamintii nebi Maxamed, taas baa la isla qirsanyahay.
Bulshadeenna oo waligood muslimiin ahayd, dhibka ugu weyn ee haystaana yahay hoggaan xumo geyeysiisay xaaladda ay ku jiraan, ma aan arag ogaalkay buug si rasmi ah uga hadlaya hoggaamintii hoggaamiyihii ummaddan si ay uga tusmaystaan ugana tusaaleystaan bulshada somaalida ahi. Dhinacyada kale ee qofnimadii nebiga sida tii qoyska, masaajidka, dagaalka ikk ayeynu inta badan ka barannaa sooyaalkii nebiga NNKA. Sidaas awgeed baan u arkay in buug si gooni ah uga hadlaya hoggaamintii nebi Maxamed NNKA in aan afkeenna ku qoraa mid qaayo leh iigula ekaatay.
Hoggaamiye aan farta ku tilmaamin ee ficil wax ku tilmaama, hoggaamiye aan hantijeclayn ee himilo leh, hoggaamiye aan qabweyni ku jirin oo bulshada la qaab ah, hoggaamiye aan keli talis ahayn ee koox la tashi leh iyo hoggaamiye geesi ah oo aan gabban ayaa guud ahaan sooyaalka casharrada noloshii nebi maxammed(NNKA) laga qorey ay tibaaxayaan. Aan idhaahdo hoggaamiye buuxiyey, sifooyinka hoggaamin lagu sheego idil ahaanteed.
Qof kasta oo dunida guudkeeda nooli casharro uu u baahanyahay guud ahaan ayaa ku xardhan noloshii nebi Maxammed(NNKA). “Dhab ahaan ku dayasho wanaagsan baa idiinku sugnaatay Rasuulka Ilaahay” buu Alle innagu xasuusinayaa kol kasta oo aynu Qur’aanka akhrinno aayadda 21aad Ee Suuradda Axsaab.
Si gaar ah ka bulsho soomaali ahaan waayoaragnimada hoggaamineed ee noloshii nebi Maxamed ku duugan ayeynu baahi weyn u qabnaa si aynu uga baxna ugana baaqsanno hoggaamin xumo inna sii dishoota oo ubadkeenna u horseedda noloshan iyo tu ka liidata in ay ku noolaadaan.
Oggolaansha Alle ka sokow, in aan dhacdooyinka dhab ahaan u sugmay ee xidhiidhka la leh hoggaamintii nebiga soo bandhigno innaga oo u kooxeyn donna hadba geesta aynu ka fiirinayno ayeynu isku deyeynaa. Mar walba xaaladaha bulsho iyo aqoonta casriga ah ee la tijaabiyey in aynu ku dhererinno oo isku dhafnaa waxa ay sii xoojin doontaa liqidda casharrada iyo xoojintooda.
Intii aan mawduucan baadhayey xogo badan oo aan badankooda kuwo qaayo leh u arkayey baan la kulmay, balse iima suurogeleyso in aan qoraalladan kooban ku soo bandhigo. Waayo? Hoggaamiyihii dunida ugu saameynta badnaa in noloshiisii hoggaamineed ee labaatanka sanno ka badnayn meel lagu soo koobo ayaa kolka horeba aan suurogal ahayn.
Cutubyada qoraalkani u kala qalanyahay waxa aynu u kala horreysiinnay sida dhisme ahaan fahamka ay ila tahay in ay ugu kala horreeyaan. Hoggaaminta dhab ahaan ayeynu ka warrami doonnaa, aragtiyaha kala duwan ee muslin iyo ciddii kaleba ka qabto hoggaaminta, dunida aan Muslinka ahayni maxay ka tidhi hoggaamintii nebi Maxamed, noocyada kala geddisan ee hoggaaminta iyo astaameheeda, sifooyinkii hoggaamineed ee nebi Maxamed iyo ugu dambayn casharrada ay tahay in laga qaato hoggaamintii nebiga ayeynu ku soo bandhigi doonnaa qoraalkan.
 La soco....