Hordhac
Si
kooban maamul daadejintu waa awood siinta maamul ee dawladda dhexe u daadejiso dawladaha hoose
ee degmooyinka. Si kale waa igmashada maamullada degmooyinka ee u dhow bulshada
si dawladda dhexe uga jawaabto baahiyaha bulshada ee rasmiga ah.
Sida
dalalka horumaray, adeegyada aasaasiga ah ee muwaadinka sida, biyo, waxbarasho,
caafimaad iwm. ah ee dawladdu u qabato shacabkeeda, dawladaha hoose ee
degmooyinka iyo xaafadaha ayaa fuliya oo maamula. Waayo, dawladaha hoose iyaga
ayaa dawladda dhexe uga dhow bulshadana ugana dhuun dalool shacabka.
Maamuldaadejintu waa qaab hoos ka bilow ah oo dadku ay ku dhisi karaan
dawladnimo iyaga u adeegta oo baahiyahooda asaasiga ah daboosha.
Doorka
Dawladda Dhexe
Dawladda
dhexe ayaa fure u ah maamul daadejinta. In dawladda dhexe ku dhiirrato samaynta
maamul daadejin ilaa heer degmo ah waxa keena laba arrin; 1. kalsoonida lagu
qabi karo awoodda dawladaha hoose ee ay ku maamuli karaan awoodahaas iyo 2. kal-baxsanaan(transparency)
ay dawladda dhexe leedahay kuna oggolaato in maamulidda adeeygyada dawladaha
hoose u daadejiso.
Laga soo bilaabo kolkii Somaliland dib ugu
dhawaaqday gooni isutaagga, ee la bilaabay dhismaha dawladnimo, awoodda iyo
dhaqaaluhu waxa ay ku koobanyihiin dawladda dhexe. Taas tu la mid ah nidaamka
cashuur ururinta, maamulidda iyo guud ahaan dawladnimadu waxa ay noqotay mid ku kooban meelo cayiman sida caasimadda
iyo magaalooyin kale oo waaweyn. Taas oo keensatay in bulsho badan oo reer
Somaliland ahi aanay helin adeeg dawladeed oo ku gaadha degaannadooda iyo
mararka qaar in laga soo hayaamo oo dadku isugu yimaaddaan magaalooyinka
waweyn.
Waxa
iyana yaab leh in xataa magaalooyinkaas
waaweyn ee dawladnimada loo tuhmayaa aanay haysan adeegyadii aasaasiga ahaa ee
dawladi bixinaysay.
Doorka
Dawladaha Hoose
In
kasta oo hadda uu jiro dhaqdhaqaaq ku aaddan maamul daadejinta oo ay dabada ka
riixayaan hay’ado caalami ahi, haddana ma muuqato awood hay’adeed oo dawladaha
hoose ee magaalooyinku u leeyihiin hirgalintiisa.
Hal-abuurka
ah in maamul daadejin la abuuraa maaddaama oo uu cirka ka soo dhac yahay (cid
aan masuuliyiinta la doortay ahayni riixayso), iyana waa ay adagtahay sida uu
dhab ahaan u hirgeli karo iyo sida uu baahiyaheenna u dabooli karo.
Sida xaqiiqadu tahay adeegyada ay hadda
dawladda hoose ku koobantahay ee ahaa bilicda, qashingurka, qorsheynta iwm. ayaa
ilaa hadda ay dawladihii hoose u taag iyo talo la’yihiin. Taas oo bulshadana ka
sii fogeynaysa helidda adeegyada dawladda dhexe hadda fuliso isla jeerkaasna dawladda
hoose ku soo ururinaysa dhul la sharciyeeyo iyo cashuur la uruuriyo oo aan
baahida bulshada u dhug lahayn.
Talo
soo jeedin
Ka hor inta aan dawladda
dhexe lagala hawlgelin daadejinta maamulka adeegyada, waxa qumman:
1.
In xafiisyada degmooyinka/xaafadaha
ee magaalada la xoojiyo dhisme ahaan iyo qalab ahaan ba.
2.
In shaqaalaha heer degmo
iyo xaafadeedba la dhiso tayadooda xirfadeed ee ay ku gudan karaan shaqada si
gaar ah xoogga loo saaro aqoonyahanka iyo dhallinyarada wax baratay ee
jaamacadaha ka baxday in ay hawlgalaan xarumahaas.
3.
In degmooyinku awood u
yeeshaan qorsheynta, maamulidda iyo fulinta mashaariicda degmada/xaafadaha oo
aan wax waliba ku xidhnaan xarunta dhexe.
4.
In shaqaalaha
degmada/xaafadda loo abuuro degaan shaqeed ay ku faraxsanyihiin oo ka imanaya
in la daboolo ama la dhadhaweeeyo baahiyaha aasaasiga ah sid in mushahar ku
filan la siiyo, in fasaxyada ay xaqa u leeyihiin qaataan, in gaadiid shaqada
keena/rawixiya iwm.
5.
In hoggaanka degmooyinku
noqdaan kuwo awood aqooneed iyo karti shaqo u leh in ay maamuli karaan,
horumarkaraan una fekeri karaan degmada iyo baahiyeheeda iyo adeegyada loo
baahanyhay.
Qodobbadani waxa ay
fududeyn karaan in dawladda hoose ka adkaato hawlaha badan ee loo igmaday isla
markaasna ay u hanqal taagi karto ama raadiso in loo daadeejiyo adeegyada
dawladda dhexe qabato ee waxbarashada, caafimaadka, biyaha iwm.
Gebogebo
Dawladaha
hoose ee degmooyinku waa hay’ado halbowle u ah horumarka ama dib-dhaca dalka.
Horumarka iyo haqabtirka bulshadeennu waxa uu u baahanyahay dawlad shacabka u
dhow oo u si dhab ah ugu shaqeysa. Dawladdaha hoosena iyaga ayaa hormood ka
noqon kara haddii hoos ka dhiskaas ay horseed u noqdaan kuna dhiirradaan
tayeynta shaqaalohooda, xafiisyadood iyo adeegyadooda. Waa se kolka hoggaan
kartideeda, aqoonteeda iyo ku dhiirrashadeeda lihi jiro.
Saddaam
Xuseen Carab