Pages

Apr 18, 2016

"Ha tahriibin" Xal ma aha

Boqollaal dhallinyar ah bay baddu liqday shalay! Waa masiibo wayn, wayn oo aad u wayn. Intaas oo dhallinyaro ah iyo kumannaankii ka horreeyay, gaajo ma ay saarin, shaqo la'aani may eryan, ee rejo la'aan baa dabada ka kaxaysay. Rejo la'aan bay halaaggaa ugu badheedheen.

Rejadadu waa nolosha, nolushu ba waa rejo. Iftiin keli ah oo dantooda, mustaqbalkooda iyo noloshooda waxtar u leh ayey ka dhex waayeen dhulkooda. Inta madaxda u ah, mid keli ah oo dareenkooda ka hadla, u hadla oo ay ku niyadsanyihiin bay ka waayeen. Dhab ahaan, rejo la'aan baa eryatay oo badda ku shubtay.
Haddii aanad shaqo haysan rejo waa aad ku negaan kartaa. Haddii se aad shaqo haysato oo aan rejo jirin, way adagtahay in aad ku waarto. Rejo la'aanta ayaa wax walba ka xun.  Dawladda ay ummadi dhisato ee leedahay haddii aanay bulshadeeda rejo u dhisi karin - caydh ba ha ahaatee - dawladnimo hagaagsan oo waarta marna ma noqoto.  
Hoogga ugu weyni waxa uu yahay dadka aynu wax ka filaynaa in ay xoolo urursi iyo kursi ilaashi u adeegsadaan awooddii ay dadka ugu adeegi lahaayeen. Maanta ma jiro hal mashruuc, hal mashruuc oo keli ah oo dan dhallinyaro ama aayohooda wax lagaga qabanayaa. Ma jiro hal qof oo xukuumadda ka tirsan oo si dhab ah dhibaatadan iyo arrimeheeda u qeexaya, uurdooxaya ama uga hadlaya. Carruurtiisuna badda kuma dhimanayso, marka wax dhacaanna baasaboorkiisa ayuu hore kala soo baxayaaa ee maxaa ka galay? Ayaa maskaxdaada ku soo dhacaysa.
“Ha tahriibina ee iska jooga” iyo hadallada kale ee caalwaaga ahi xal ma aha, noqonna maayaan waligood. Waa masiibo aad u weyn oo ay tahay in loo dhiso hay’ado dawladeed oo si dhab ah u dersa, lafagura oo xal waara ka soo saara. Waa masiibo ka wayn in tacsi laga diro ama lagu eekeeyo ‘Ilaahay ha u naxariisto’ oo keli ah. Kumannaanka kale ee ee waddanka jooga, dhibtaa og, haddana ka door bidaya in ay nasiibsadaan badda waa in la keenaa qorshe lagu negeeyo. Yaa se diyaar u ah? Ayey waydiintu tahay.
Inta ninka madaxda ahi marka uu xanuusado cisbital dibadda ah u ordayo, waxbarashada ubadkiisa dibadda ugu dirayo, baasaboor ajanabi ah sito, ee uu shaqadiisa u yaqaanno badbaadadiisa, 500 iyo in ka badaniba badaha ayey ku le'an doonaan. Baroorta hooyooyinka goblamayna waxa ay u arkaan, habar baa iska haw haw lehe heellada innoo tuma.
Inta dhallinyaradu difaacayaan qawlaysatada aayohooda cuna ee ay tolka moodayaan, daawanayaan ciyaarta ma dhalayska ah ee madax-ku-sheeggu jilayaan, aanay se garawsan awooddooda ay ‘Maya’ ku odhan karaan, dhibkani waa uu haysanayaa. Inta ay calaacalayaan ayaa uu waqtigu galban doonaa.
Kacaan fikir, wax isweydiin iyo run-ka-hadalnimo ayeynu dhab ahaan u baahannahay. Mid ka dheer cid ku xumayn, ama ujeeddo gaar ah baynu u baahi qabnaa. Haddii kale, waddan curdin ah baynu nahay ha la innagu sasabo, afarta marba meesha haysta iyo afarta ganacsade ee u dhawina aayeheenna ha lacagaystaan.

Saddaam Xuseen Carab