Pages

May 25, 2015

Maamul jacaylka

Wali aas ma tagtay? Xabaasha inta qof dul joogtaa waa ay ka talisaa sida loo qodayo ama looga shaqaynayo. 'Halkaa ha ku dhufan jignaha', 'ciidda xaggan u soo tuur', 'sidaas ha odhane, iska eeg' iyo 'waar ciidda horta isa soo dhaafiya' ayaa toban qof oo kala gaar ahi ku yeedhayaan. 

Xaflad adiga oo fadhiya, wali sameecaduhu ma xumaadeen? Qof wali ba ma ka arrimiyey 'makarafoonka sidan dheh' iyo 'ma shidna'e shid", 'laydhka ka bakhtii', iyo 'computerka kala durug' baa lagu odhanayaa.
Wali qof madax ahi xafiis ma idiinku yimid? Labaatan daba boodaya ayaa midi 'u bannee', midi 'halkaas iska eega' iyo 'mudane halkan soo mar' gees walba ka odhanayaan.
Wali saf ma u gasheen meel aad hawl ka lahaydeen? Imisa qof baa safkaas yar maamula, adigu gal, kan u daa, safka hagaaji, halkaa maxaad safka kale uga bilawday iyo hadallo la mid ah baa qofaf badan ka soo yeedhaya.
Xabaalaha, Xafladaha, Safafka iyo meelaha la midka ahi ba waxa ay tusaale u yihiin sida aynu dhammaanteen wax-maamulka u jecelnahay ee aynaan kala dambaynta u qaddarin.
Haddii aanay kala dambayni jirin, cid wax maamushaa ma jirto'e, 'isdhexyaac' baa jira. Isdhexyaacuna waa astaan badownimo, kolkaa in maamulka la wada jeclaadaa waa badownimo.