Pages

May 4, 2015

Hooyada

Mar wal oo hooyo iyo abaalkeed la soo qaado sheeko aanan illaabin baa jirta. Xanuunkeeda awgeed, ma illaawo sheekadaas.
Timajare ayaan fadhiyey oo timaha ka jaranayey. Wiil aan da'diisa ku qiyaasay 16-18 jir baa kursiga igu xiga soo fadhiistay. Hooyadii baa la socota oo qof yara culus ah. Inankii ka xiirayey bay ku tidhi hooyo isugu wada sin timaha.
Yarkuna aad buu ula dhacsanaa in timaha korka loo daayo, inta hoose na lakabyo midda u hoosaysaa ugu gaabantahay loo yeelo. Hooyadii se way ka diidday.

Yarkii aad buu u xanaaqay, islaanta dhashay buu la tirsaday. erayo edebdarro badani ka muuqato ayuu yidhi "Naa naga tag timaha adigu nalama lihid" iyo "Bal tan iga dhammaan la' eega" buu yidhi. Inankii u xiirayey baa ku yidhi waar fadhi oo hooyadaa faraha ha ku fiiqin. Yarkii xanaaq buu sii laba kacleeyay. "Eyadda eyaddu dhashay baa adiguna noo maqlaysaa, wallaahi in aan timahayga la jarayn oo aan hidh kula dhici, bal car iskugu kay sin" buu haddana ku yidhi ninkii u xiirayey. Yaxyax iyo ceeb.
Dadkii meesha fadhiyeyo oo dhan baa ku soo jeedsaday, sida uu kurayga timaha wayni u hadlayo ayaa lala wada yaabay. Cid loo xiirayey ma jirin oo dhammaan in loo garnaqo ayaa lagu mashquulay. 
Islaantii baroorbay qabsatay. Ilmo ayaa indheheeda ka timid. "Kaas baan wax ubad ah dhalay, agoonnimaan ku korsaday, isna waa idinkii arkaya" ayey ku calaacalashay. Ilmo ayaa indhahayaga kusoo istaagtay. Waa qof wayn oo da' ah oo kii kali ahaa ee ay soo korsatay ku leeyahay "Eyaddan eyaddu dhashay" bal ka warran? Markii xiiristii loo dhammeeyay, oo aannu qaarkayo wali joogno, bay islaantii soo kacday. 
"Hooyo saliid umaad marin" bay inankii u xiirayay ku tidhi "ee u mari". Markii hore in aan niyadda ka diiday ficilkiisa ma ogiye, markan dambe bay ilmo isku kay soo taagtay mid aad u tiro badan. Waa tii lagu lahaa eyadda eyaddu dhashay tan saliidda u marinaysa kii intaas ku lahaa. 
Waligay sheekadaas ma illaabo, xanuunkeeduna igama ba'o.