“Haddii
aanad u dhimanayn daraaddeed, erayga “xornimo” ka saar qaamuuskaaga” iyo “haddii waxba aanad u
noolayn, wax wali ba waa ay ku ridi karaan”. Baa ka mid ahaa halhaysyadii
kartida iyo dhiirrigelinta lahaa ee Xaajiga.
Midabkiisii
madoobaa, sankiisii ballaadhnaa iyo timihiisii aan jilicsanayn awgood, Malcom
iyo ciddii la sooc ahayd ba gunnimo badan bay kala kulmeen intii aan la midka
ahayn. Koox lagu magacaabi jiray “Ku Klux Klan” baa ahayd koox
culayska ugu badan ay guud ahaan dadka madowga ah, gaar ahaan Malcom reerkoodu
kala kulmi jireen. Ku Klux Klan waxa ay ahayd koox qarsoodi ah oo laga aas
aasay koonfurta Maraykan 1866kii, taas oo u dhisnayd tirtirka iyo la
dagaalanka ololihii Jamhuuriga ee xuquuqsimidda madowga iyo caddaanka. Klan
waxa ay ahaayeen koox aad uga soo horjeedda in qof madoobi la xuquuq noqdo mid
caddaan ah.
