Perez
Anderson waxa aannu isugu soo galnay mid ka mid ah huteellada waawayn ee
magaalada. Isma aannu aqoon ka hor intii aannaan isbaran. Perez, aniga oo
fadhiya meel guluc ah kaliday buu ii yimid. Af Ingiriisi baannu isku fahmaynay
oo ku wada hadalnay. “Miyaan ku garanayaa oo hore isu aragnay? Buu I wayediiyey.
“Ma filayo” ayaan ku idhi.
Nin ay maalin hore kulmeen oo ay aad u sheekaysteen
baan ula ekaaday, ma se aan ahayn. Huteelku waa uu buuxay inta uu hareeraha
yara qooraansaday buu iga codsaday in uu i la fadhiisan karo. Ma dhibsane “Welcome”
baan ku idhi.
Kamarad
aad u wayn ayuu sitay. Koodh garbo go’an, oo jeebado badan buu xidhnaa. Siddaha
kamaradda ayaa qoorta u sudhnaa oo iyana laabta ayey uga laallaadday
“Magacaygu
waa Perez Anderson, adna magacaaga?” buu sheeko ku bilaabay.
“Saddaam
Xuseen”, baan ku idhi. In kasta oo ay ku adkaatay in uu yahay magacayga dhabta
ahi, haddana markii dambe waan ku qanciyey wallow shaki ku yara jiray.
“Dalkee
baad ka timid” baan isaga oo wali indhaha taagaya ku celiyey.
Suu yidhi“USA”.
“Kuwii
dilay Saddaam Xuseen?” baan ugu badheedhay jiroo aanu jeclaan ka warhaynteydaas.
Kaftan
badan oo kale ka dib waxa aan waydiiyey shaqadiisa rasmiga ah. Isaga oo
faraxsan buu si faan leh iigu yidhi “Suxufi sawirqaade ah baan ahay”.
Maskaxdayda waxa kuu soo degdegay tuhuuno door ah iyo in aanay shaqadiisu
intaas ku koobnayn, male ayuu se ku egaa.
“Degaannada
Soomaalida badankooda waan tegay; Muqdisho, Jabuuti, Kismayo, Ceerigaabo, Burco
iyo Hargeysa” ayuu si uu la dhacsanyahay iigu sheegay, walina raaciyey “Iyo
meelo kale oo miyiyo u badan”.
“Sawirkii
kuugu hawsha badnaa ee aad qaadday ma ii sheegi kartaa intii aad dhulka
Soomaalida ka shaqeynaysay?” ayaan ka codsaday, si aan dadnimadiisa u sii qiimeyn
karo. Waan se dareensanaa in ay adagtahay in uu si dhab ah iigu sheego
dhacdooyin dhab ah.
“Waan
ku tusi karaa” ayuu igu yidhi “Waayo qof fahmi kara sababta aan u qaaday baad
tahay; qof aqoon leh baad tahay” ayuu igu yidhi isaga oo iga filaya in aan
ammaantiisa u riyaaqo sawirka uu i tusi doonana ku ammaano.
Kamaraddii
waynayd inta uu shiday, igu soo durkay ayuu soo saaray sawir naxdin badan.
Ilmaha yare ee sawirnaa waa uu feedho qaawanaa. Qiyaas ahaan saddex jir baan ku
qiyaasayaa. Gabadh bay ahayd surwaal yar oo wada dillaacsan xidhan. Timaha
siigada cas ee bannaanka ka heshay ayaaa ciidda u ekaysiisay. Diif badani na
waay ka muuqatay. Caagad biyo saxo ah bay goror ku jiray afkeeda ku foorarisay
oo isku oontiraysay. Biyo saxo in aanay si na u heli Karin waan dareemay, in
aanay ahayn xataa biyo saxo warshad Soomaali leedahay samaysayna waa ay ii
muuqatay.
“Sawir
in aan ka qaato ayaa igu adkaatay, gabadhan yar. Waan jeclaa in ay intaas igala
fududaan lahayd” buu igu yidhi. “biyaha
oo ay u baahnayd baan siiyay. Intii ay cabbaysay ayaan ka durkay iyada oo aan ii
jeedin meel ka durugsan baan ka qaaday sawirka; saw ma ogid in sawirrada ka qof
dareenkiisu sii jeedaa ay yihiin kuwa ugu qurxda badan ee la qaado?” buu
faahfaahin iyo fahamsiin isugu kay raaciyey. Dareenkaygu se kolkaas degdeg buu
isku beddalay. Qof aan damiir xalan lahayn, dadnimadiisuna aad u liidato in uu
yahay baa ii soo baxday. Saddex jir feedhoqaawan, harraaddan oo cadceedi hayso
ninka biyo ku mashquuliyey si sawir ay diiddanayd uu uga qaato aad baan uga
murugooday.
“Sawirrada
yaad u qaaddaa?” baan cod dadnimada u maseyrsan ku idhi.
“Hay’ad
samofal iyo wargeyso caalami ah” buu si debacsan u yidhi. Way muuqatay in uu
dareemay sida aan uga xumaaday sawirka dadnimo ka baxa ah ee uu i tusay. In uu
iska qoomameeyay bay u badnayd in uu sawirkaa i tusay.
Dareenkayga
si uu dejiyo, wax aan jeclaado in uu ii sheego ayuu isku deyay “Tabobbarro
sawirqaadista ku saabsan ayaan siiyaa dhallinyaro soomaali ah oo ay hay’adaha
caalamiga ahi soo xulaan, si bilaash ah” ayuu igu dejin doonay, “Xirfaddayda in
aan bulshada uga faa’ideeyo ayaan iga go’an, wali ba bulshada baahan ee
Soomaaliyeed” buu ii raaciyey.
“Sawirradan
oo kale kuwo qaada in aad noo tababbarto?”
“Maya,
Saddaam sidaas ma aha. Qof aqoon leh baad tahay, isdeji. Dhankaas ha ka eegin,
ka feker inta qof ee xirfadlayaal sawirqaade ah ee aan tababarayno qiyaas ahaan?
Halkan waxa aan u imid oo keli ah in aan idin caawinno oo idiin samofalno,
sidaa iila dareen Saddaam”
“Erayga
‘Samafal’ in aynu isla fahamno ayaa muhiim ah. Ma in gabadha yar ee harraaddan
aad hambadaada siisay, ka dib inta ay ku jeeddo aad sawir kaga qaaddo ayey kula
tahay? Samafalku waa in aad ogaato qofka ugu horrayn in uu yahay qof. Adigu ma
ogtahay in ay bina Aadam tahay? Mudnaan u leh inta aad adigu qof ahaan u
leedahay oo dhan? Ma oggolaan lahayd adiga oo gaajoonaya inta biyo lagu siiyo
si sawir lagaaga qaato oo keli ah? Ma filaysaa in gabadhan yari si uun u
oggolayd in sidan laga yeelo?”
Kolkan
taxaddir buu galay ah in aan la dagaallami karo. Inta uu kamaraddiisii
bakhtiistay buu qorta sudhay. Wajigiisii caddaa wada dhiigroor buu noqday. Baqe
iyo munaafaqad baa shidday sidaan maleystay. Dagaal se marna kuma hammiyin.
Canaanta ugu badan in aan anigu leeyahay baan dareemay, in fakaag aniga iyo
inta ila midka hi banneeyeen cid kale si kale uga faa’idaysatay baan isku
qanciyey.
Inankii
huteelka ayaa qaansheegtii (Bill) sharaabka noo keenay. Kolkii aan bixiyey, ee
uu naga dhaqaaqay buu damcday Perez in uu si farsamaysan u kaco oo salmi ah.
“Iga
raalli ahow, uma jeedin in aan fadhigaaga xumeeyo. Dhowaan in aynu markale
kulanno ayaan rejaynayaa” ayuu Perez iga codsaday isaga oo raba in aan fasaxo.
“Adiga
ayaa mudan, aqoon baynu isweydaarsannay. Haddii aynaan maalin kale kulmin, waxa
suurogal ah in aannu kulanno ardaydaada’e, nabadgelyo”
“Nabaadiino”.
Perez
iyo anigu wali dib isumaannu arag.
Saddaam
Xuseen Carab