Dhawaan
baan fursad u helay in aan akhriyo sheeko faneed gaaban oo uu qoray Ibraahim
Yuusuf oo ku magac dheer “Hawd”. “Filashadii
Wacnayd” buu ahaa magaca sheekada aan akhriyey. Waa sheeko u dhacaysa hab laga tebinayo cid
ama qaabka loo yaqaan qofka saddexaad “Third Person”.
Higgaadda
qoraalka, hab-dhigaalka dhacdooyinka iyo dareerinta sheekadu waa mid aad u
heersarreeysa oo farshaxannimo iyo waayo aragnimo door ahi ku dheehantahay.
Dherarka sheekada lafteedu aad buu u koobanyahay una soo urursanyahay.
Guud
ahaan sheekadu laba qof, wiil iyo gabadh ballansanaa bay ku dul meeraysaa.
Ballanta dhallinyartu isla bilawga sheekada ayey ka muuqataa. Wiilka arbaha/jilaha
sheekada ah baa gabadha ka hor imanaya goobta ballanta. Goobtu waa goob guryo
dunsan. Goortu waa madow cadceeddu hoyatay.
Ballanta
ay labada ruux lahaayeen, inanta ayaa aad uga habsaamaysa. Si ka soor horjeedda
ayuu wiilku goor hore imanayaa. Wiilku aad buu uga fekerayaa ballantaas iyo in
ay u jari karto. Waxa keli ah ee wiilku gabadha u dhibsanayo maqnaansheheeda ayuu
qoraagu ku sheegay in ay sal u ahayd kacsanaan dareen jinsi oo wiilka sidatay.
Jidhkeeda in uu isku duubi lahaa, dhunkan lahaa iyada oo udgoon buu qoraagu
jilaha ka yeedhsiiyey. Ballanta gebigeedu ba in aanay ujeeddo kale lahayn baa
sheekada ku cad oo la qurxinayaa. Goobta iyo goorta ballanta ayaa ba ah kuwo
dareennadan la olog ah.
Ugu
dambayn, walaac iyo baqe badan ka dib, waa ay is-helayaan. Farxadda ugu way nee
ee qoraagu u doortay in ay ku naalloodaan cid kasta oo akhridana tusaale uu uga
dhigayo baa ah in ay isku fara baxsadaan oo dhunkasho iyo isku-dhegid iyo
iskumilan ku idlaato arrintu.
Kolka
laga hadlayo waxtarka guud ahaan sugaanta, gaar ahaan sheeko faneedda, waxa ka
mid ah aqoongudbin ama waayo-aragnimo in
laga korodhsado. Sidoo kale sheekadu waa hab ka mid ah kuwa lagu gudbiyo
aragtiyaha nololeeda iyo farriimaha la rabo in cid la gaadhsiiyo. Waxa yaab leh
in sheekada “Filashadii Wacnayd” gudbinayso farriin foolxun iyo muuqaallo
dhaqanka iyo diinta bulshada ba meel ka dhac iyo ceeb ku ah. In cawrooyin ay
bannaanka soo dhigayso sheekadu iyo si aanu dan ka gelayn uu qoraagu u muujinayo
baahida jilaha iyo hilawga shahwiga ah ee uu qoraagu ku abuuray baa laga
dheehanayaa.
Waxa
isweyddiin mudan casharka uu qoraagu rabo in Sheekadan la qaataa muxuu yahay?
Hal sadar oo muujinaya ama tilmaamaya in ay wax xun faleen kuma qorna sheekada.
Wax caadi ah in ay tahay oo aan gef iyo xume ahayn buu u ekaysiinayaa qoraagu
sheekada. Ma in dhallinta loo qurxiyo in ay gidaarrada iyo huluulaha hablaha
sharafta iyo dhaqanka leh ku faroxumeeyaan baa? Ma in wax wacan lagu tilmaamo
in qofku xumaanta Sinada ku fikiro hadhowna falo ayaa dulucdu? Macnaha
Filashada wacan ee Ibraahin ammaanayaa ma intaas baa? Dulucda sheekadu maxay
tahay?
Haddii
dhacdada sheekada la leeyahay waa wax marar dhaca, waxa daba taal waydiin ah:
Qoraalku miyuu saxay ama cawaaqib xumo ka dhalatay gefkaas laga yaabo in
dhallinyarta qaar ku dhacaan inna tusay? Hal marna miyuu tilmaamay ama muujiyey
in ay meelkadhac ku tahay dhaqan iy diin? Warcelintu ‘Maya’ oo keli ah ma
aha’e, qoraagu arrintan in uu raalli ka yahay bay muujinaysaa. Waayo sida
farriintan kale uu u muujiyey si la mid ah buu khaladnimo ama gef ugu tilmaami
lahaa qoraagu falka jilayaashiisa. Saw qoraagu macallin ma aha? Muxuu innagu
barayaa sheekadan?
Iyada
oo kolka hore ba ay yarayd dadka ku soo dhiirrada akhrinta sheekooyinka
Soomaaliga ah, in loo sii dacareeyo oo dhaqanno sidan u foolxun iyo dareenno
jinsi oo sidan u qaawan la soo hordhigaa, marka laga yimaad dhaqanxumada ay
fidinayso waxa ay dhaawac ku keenaysa ku
dhiirrashada qoraalka soomaaliga ay dadku ku dhiirran lahaayeen.
Saddaam
Xuseen Carab