Isbeddel la maqalyaa,
dhallinyar la sheeg bay u badantahay, ma se aha rogaalka taas; dhallinyar la
aragyaa isbeddel la sheeg, inta badan. Bulsho ahaan aad baa looga hadlaa, loogu
noqnoqdaa oo carrabka loogu adkeeyaa in aynu isbeddel u baahannahay – mid laga
soo durduriyo kobtan tu ka cagaaran- dhallinyaraduna tahay albaabka laga
gelayo, ama cidda gelaysa albaabkaas. Waa se goorma iyo sidee?
Aad bay dhallinyaradu
dhibka bulsho ee innagu gedaaman uga hadlaan. Kulanno rasmi ah iyo kuwo aan
rasmi ahayn ba waa ay ku falanqeeyaan oo ku qaadaadhigaan. Dhibka ishiisa ayaa
ay inta badan abbaaraan, ma seegaan
jeerar badan. Waa ay ku taagsadaan, oo si qotodheer uga hadlaan iyaga oo aan
isku maandhaafin in yar mooyee. “Ilaahay ha innaga saaro dhibaatada”, “Mar uun
baynu ka bixi” iyo hadallo u eg in xaqiiqada lagaga gabbanayo ayey ku soo
gebogebeeyaan.
Doodda hore iyo
gorfayntaas adiga oo ku qanacsan baad ka naxaysaa gunaanadka. Ilaahay in wax
walba inta loo daayo jirjirka loo seexdo saw yaab ma leh? Aad bay ii yaab
gelisaa. Wax kale kama yaabo'e, halka iyaga oo iska fadhiya Ilaahay ugu
ballanqaaday in uu dhibka ka saarayo ayaan quraan iyo xadiis iyo meelkale ba ka
waayaa.
Ilaahay dhibaato kaa saari
maayo, oo kaa saari maayo adiga oo meelahaa iska fadhiya ama qadaadka u jiifa.
Inta aynu dhab ahaan maalintii shaqaynno saacad iyo wax u dhow, hadalno inta u
badan waqtiga, qosolka aynu ka doorbidno fekerka, dhididka aynu ka jecelnahay
laydhisaga, isbeddelku iman maayo. Ilaahay beri hore oo aad u horraysay ayuu
yidhi haddii aanad diyaar u ahayn in aad adigu dedaalkeeda iyo nafhurnimadeeda
la timaad, waxba sibiq kuma baddalmaan anna kuma beddalo.
"Ma doonaysaa
babbaay, haddii aad rabtid babbaay, adigu beero babbaay" iyo erayo la mid
ah baa manhajkii waxbarasho ee yaraantaydii aan ku xasuustaa. Iminka marka aan
arrin 'doono' ama aan ka fekero, waxa igu soo dhacda, halhayskaas. Waa halhays
yaab leh oo qofka u sheegaya in waxa uu rabo uu sameeyo, ee aanay cidi u samayn
doonin. Waa halhays si toos ah xidhiidh ula leh aayadda qur'aanka ah ee Rabbi
leeyahay "Ilaahay bulsho ma beddelo ilaa ay iyagu nafahooda
baddalaan".
Dhammaanteen waa aynu
jecelnahay caafimaad tayo leh oo jaban, hoy san oo aan qaali ahayn, biyo nadiif
iyo waxbarasho tayo leh oo aynu deegaankeenna ku helno. Intee in lee’g ayeynu
diyaar u nahay si loo helo? Si magaalada aad ku nooshahay u yeelato bilic san,
waddooyin quruxsan, dhismeyaal horumarsan iyo nidaam qurxoon saw shaqo badan
uma baahna? Saw nolosha quruxda badan, horumarka tiknoolaji iyo aqoonta yaabka
leh ee dunida kale ku baanto nafhurnimo laguma gaadhi karo?
"Ilaahay baa waxaa
sidaa odhan" jeer aynu dhaafno, oo aynu ogaanno in aanay meel keli ah ku
jirin qur'aanka oo leh iska jiifa Ilaahay baa beddaliye, ka gudbi mayno
dhibkan. “Shaqeeya, Ilaahay baa idiin fududayn shaqadaas” weeyaan ballanqaadka
Alle.
Ilaahay wuxuu mar kale
yidhi "Shaqeeyaa, kolkaas ayuu Ilaahay shaqada idiin hawlyareyn
doonaa" mar kalena "Kuwa ku dedaala marinkayaga(ee u Shaqaysta)
ayaannu ku toosinnaa tubtayada (toosan)".
Ma doonaysaa babbaay?
Haddii aad rabto babbaay, adigu beero babbaay. Ma doonaysaa isbeddel? haddii
aad rabto isbeddel, adigu u dedaal isbeddel.
Saddaam Xuseen Carab
Hargeysa, Somaliland.