Pages

Aug 7, 2013

Masar: Mudaharaad xal ma aha

Waxay ahayd sannad iyo bilo ka hor kolkii buuqa iyo mudaharaaddadu ka unkameen waddamada carabta ee kali talisku muddada badan soo fuushanaa. Kaas oo loogu magac daray “Baraaruggii Carabta”. Mar kali ah ayaa wiil yar oo kali ahi huriyey dabka ilaa maanta holcaya ee ay ku gubteen kumannaanka qofi, ku goblameen kummanaanka kale ee ay ku agoomoobeen kumannaanku. Waddamadaas ayey Masar ka mid tahay.
Waxa maanka iyo miyirka dadku ku maqnaa oo kali ah qofka xun ee sida xun u talinayey muddada badan ama yar in ay ka awood badan yihiin oo ay gunayn karaan qofkaas iyo inta ka ag dhow ba! Sidaas ayaanay u dhacday wax kasta oo dhacay ka dib.
Waxa wax lagu ammaano noqotay in ummad idil oo malaayiin ah, oo muslim iyo masiixi lihi mar qudha ku midoobaan hal go’aan! Oo ahaa “In awooddoodu riddo cidda aanay doonayn”, laakiin taas oo kali ahi ma ahayn xalka waarayey ee laga rabay in Masaaridu qaadato waqtigaas. Nasiib darrona ma ay sii sheedaalin saamaynta mustaqbalka ee falalkaasi keeni karaan iyo sida lagu xallin karo timaaddada.
Waxa yaab leh in Mursi ay malaayiin qofi ku muddaharaadeen oo awooddii ay gacanta u gashay ciidamada waddankaas, waxa kale oo yaab leh in maanta kooxdii Mursi la socotay iyaguna bilaabeen Mudaharaad kale oo ay ninka la riday ku taageerayaan!!  Kama hadlayno in la rido Mursi ama cid ka horraysay, kama hadlayno in ay yihiin dad go’aan qaadan kara, kama hadlayno in ay kala diin yihiin waliba. Laakiin awoodda shacabka ee ciidamadu aqbalayaan ee Masar; ma u keeni kartaa xasiloonni iyo farxad waarta oo dadkaas midaysa? Dabadeed shacabku ma soo saari karaan madaxwayne aanay cid gaar ahi oggolayn ama aanay diiddanayn oo marka ay doortaan aan kooxi ku muddaharaadin dabadeed ciidamadu ka qaadin? Ma se keeni karaan sabab ay Taxriir uga nastaan Masaaridu? Mise marka bidix la saaro midig ayaa Taxriir iman doonta marka midig la saarona Bidix ayaa Taxriir isa soo tubi oo ku dhawaaqi doonta “Irxil..Irxil”?
Goorma se ayaa la garan doonaa waxa ka dambeeya “Irxil..” iyo Miidaan Taxriir iyo laba farood oo la taago? Goorma ayaa nafaha kumanaanka ah ee masaarida ee mudaharaadka ku le’anaya la ogaan doonaa in ay ka qiimo badan yihiin wax kasta?! Goorma ayaa se la heli karaa wiil ama gabadh Masri ah oo labada farood ee ay taagayaan iyo taxriirta la tuban yahay kaga sal gaadha mudaharaad iyo Miidaan Taxriir?!
Ugu dambayn waxa aan qabaa mudaharaad aan macno lagu midaysnayn oo ka dambeyaa jirini xal uma aha Masar iyo cid kaleba. Wax kasta oo la naco in lagu baddalo xoog iyo awood aan salmi ahayn oo ay ku xasuuqmayaan cid badan oo kale marnaba ma noqon karo xal ee wax mar walba la heli cid oggol iyo cid diiddan.

W/Q: Saddaam Xuseen Carab

Hargeysa, Somaliland