Pages

Apr 10, 2018

Faallo: Buugga Amiina Al Mufti


Siddeed saacadood oo laba habeen oo isku xiga ka mid ahaa baan akhriyey buugga Amiina Al Mufti ee uu qoray Fariid Falluuja, Afsoomaalina uu u rogay Kamaal A. Cali. Waa sheeko xiiso iyo amakaag wadata. Waa basaasadda carbeed ee Amiina Al Mufti ee u adeegaysay Mossad. Waa sheekada xidhiidhsan Urudun, Usteri, Israel, Lubnaan iyo Qubrus. Waa sheeko u eg masrixiyad ama filin la jilay oo malo-awaal ah.

Amiina Al Mufti: Basaasaddii carbeed ee MOSSAD ugu caansanayd, weeyaan magaca dhammeyska ah ee buuggu. In kasta oo badida buuggu yahay turjumidda buugga Fariid Falluuja, haddana bilowga waxa uu turjumaha sheekadu; Kamaal innoo sheegayaa in uu ku kabay xogo kale oo sheekada cido kale ka sheegeen. Sidaas awgeed aanu si buuxda u ahayn buuggii oo eray walba la soo tebiyey.
Amiina waa carabiyad reer Shirkis ah oo u dhalatay Urdun. Jacayl Falastiini ku beeray haddana uu kaga baxay awgii nolosha nacday. Waa gabadh dhaqanka carbeed ee xidhxidhan inta ay karahday, Yurub waxbarasho u raadsatay. Yuhuudi la odhan jiray Mooshe inta ay caashaqday u hurtay wax walba. Diintii, dalkeedii iyo dhaqankeediiba awgii inta ay u tuurtay, noqotay Yuhuudiyad guursatayna Mooshe. Amiina iyo Mooshe waxa ay u guurayaan Israa’iil si ay u nabad galaan, kuma se nabad galayaan. Mooshe duuliye sare ayuu ahaa, diyaarad uu waday baa lagu soo ridayaa Suuriya. Carab baa soo ridaysa, nolol iyo geeri midna Mooshe laguma soo sheegayo. Amiina jacaylkii ay ku hungowday ee Falastiinigii Basaam, dhaqankii carbeed ee xidhxidhnaa ee nacday iyo dilka ninkeedan ay aadka u jeclayd baa sii nacsiinaya Falastiin iyo carab oo dhan. Kolkaas baa ay ku biiraysaa MOSSAD.
Qisada yaabka leh ee halkaa ka bilaabmaysa mararka qaar in aad rumaysataa waa ay adkaanaysaa. Iyada oo ka faa’idaysanaysa dhalashadii Urdun iyo in ay carabiyad tahay ayey si yaableh u dhexgelaysaa dhaqdhaqaaqii xoreynta falastiin oo xaruuntiisu ahayd Lubnaan. Xogo xasaasi ah oo siyaalo aan caadi ahayn ay ku keenayso ayey u soo tebinaysaa MOSSAD.
Amiina Mufti oo Israa’iil looga yaqaannay Aana Mooshe waxa ay miis la fadhiisanaysaa ninkii ay Israa’iil u aqoonsatay boqorka cas kolkii ay faraha ka taageen, waa Cali Salaama oo xataa aan sawirkiisa la aqoon. Xafiiska Carrafaad bay Amiina gelaysaa. Xubnaha sarsare ee PLO ayey si dhow ugu xidhmaysaa.  Mujaahidiinta PLO ayey wacdi iyo waano u jeedinaysaa. Qorshahana dhakhtarad mutaddawacad ah bay ku jilaysaa, waa se basaasad aan la dhaadeyn.
Xogo xasaasi ah oo ay adagtahay sida loo helaaa ayey Amiina u tebinaysaa Israa’iil. Nacaybka carabta, u aargudista ninkeedii lagu dilay diyaaradda iyo ka aarsashada Basaamkii jacaylka carruurnimo kaga baxay ayey waxaas oo hawl ah u gelaysaa. Diiqadda nafsiga ah iyo ciilku waa wax awood badan. Jiidhka ayey colaaddeedu dhaaftay oo dhuuxa ayey kaga jirtay. Xogo ay tebisay baa lagu laynayaa boqollaal carruur, dumar iyo ciidan Falastiiniyiin ah. Waa ay ku farxaysaa. Dhibic walba oo ay sabab u tahay in la daadiyaa waxa ay ku dhayanaysay boog damqanaysay.
Mar walba halista uu keeni karo qof kaa mid ahi waa ay ka badantahay qofka shisheeye halistiisa. Boqollaal Yuhuud ahi halis aanay gaadhsiin Falastiin, ayaa Amiina Al Mufti oo carabiyad ahi ay gaadhsiisay. Waa sababta xarunta MOSSAD magaca Aana Mooshe loogu xardhay in ay ahayd halyey.
Arrimaha kale ee aan ka ogaaday qisadani waa heerka sirdoonka Falastiin oo aanan marna filanayn in uu u dhisanyahay si aad u sarreysaysa. Mar haddii MOSSAD lagu sheego mid ka mid ah sirdoonnada adduunka ugu heerka sarreysa, Falastiin si ay isaga caabbido waxa ay dhiseen haya’do jahawareerin kara Yuhuudda kana fulinaya shirqoollo gudaha Israa’iil. Waa sirdoonka taxnaa Aasiyo iyo Yurub ee diyaaraha afduubanayey.
In kasta oo qisada buuggu xambaarsanyahay muddo laga joogo, haddana waxa si toos ah loogala bixi karaa hirdanka xeesha dheer ee Falastiin, Isra’iil iyo doorka carabta ku hareeraysan labada. In kasta oo dagaalku furimo badanyahay, kan sheekadu xusaysaa waa midka ugu doorka wayn dagaallada, halbowlahana u ah. Waa sirdoonka iyo basaasnimada iyo xeeladaha Falastiin iyo Isra’iil isugu adeegsanayaan.
Amiina ha ku suntanaanot basaasaddii ugu weynayd ee carbeed ee MOSSAD u adeegta, se lama dafiri karo sidii ay dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin u ogaadeen iyo sidii ay iyada ugu adeegsadeen in ay hawlgallo ka fuliyaan Israa’iil dhexdeeda. Ugu yaraan saddex weerar oo si wacan ugu fulay Falastiin, waxa ay xog kala dhiman oo marin habaabin ah ugu dhiibeen Amiina iyada oo aan dareensanayn se moodaysa in ay sir heshay. Taas oo u hirgelisay qorshayaashii dhaqdhaqaaqu ka fuliyey gudaha Israa’iil.
Gebogebada qisada, shan sannadood oo xadhig ah oo Amiina ama Aana ay ka laacayso, waxa ka horreeya baadhis farsamadeedu sarreyso oo xogo badan lagaga helayo Amiina iyo intii la shaqeynaysay. Dabadeed marka ay xogta ka idlaystaan baa ay haddana ciyaarayaan kaadh kale oo ah in ay madaxeeda ku baddashaan laba halayey oo kale oo Yuhuuddu haysatay. Kolkan se Amiina waxa ay dareemaysaa xumihii ay fashay oo dhan. In aan Israa’iil la geyn bay rabaysaa, yaa se ka yeelaya? Boqollaalkii qof ee ay ka dambaysay duqayntooda ayey ka calaacalysaa. Cidi se ma ay dhegaysan.
1975kii Qubrus ayaa maxaabiistii ugu horreysay ay isdhaafsanayaa Falastiin iyo Israa’iil. Hawlgal yaab leh baa uu isna ahaa oo akhrintiisu xiiso badnayd. Nolosha cidhiidhiga ah ee raandhiiska u noqonaysa Amiina ayaa uurkutaallo iyo wax laga damqado noqonaysa.
Guud ahaan xanuunka nafsiga ah ee necbaanshiyaha cid uu qof u qaadaa awoodda uu leeyahay ayaa laga dheehan karaa. Ama sida kale, falka qof wax lagu yeelaa saamaynta baaxadda leh ee uu ku yeelan karo dad badan ayey Amiina tusaale u tahay. Waa qiso xiise badan oo aanan marna akhrinteeda ka xiiso goyn.
Hab tebinta dhacdada Amiina, wax aka muuqata in qoraaga ama turjumaha mid uu yahayba, uu la falgelayo isla markaasna dareenkiisa ku darayo. Taas oo mararka qaar runnimada qisada iyo dheellitirnaanteeda akhris ka gelinta akhristaha. Mar haddii aanan arag nuqulka carabiga ah ee Fariid Falluuja ma xaqiijin karo in Kamaal ku milmay sheekada iyo in Falluuja ku milmay. Midda habbooni se waa in akhristaha loo daayo fasiraadda iyo xukunka dhacdooyinka.
Turjumaha sheekadan, Kamaal A. Cali aad baan ugu bogaadinayaa sida farshaxanka ah ee uu hal tebiyey sheekadan. Hal tebin in aad samayso, isla markaa aad tayadii sheekada iyo xiiseheedii ilaalisaa ma aha hawl sahlan. Waxa kale oo aan ku bogaadinayaa meelaha anshax xumada ka warramayey sida asluubaysan ee uu u tebiyey isaga oo aan nuxurkii marnaba ka tegin. Aqoonta badan eek a bulsho ahaan innagaga xayiran afafka kale, in aynu u soo rogonno afkeennu laba qodobba way kobcinaysaa 1) in aynu aqoon innaga dahsoon helno oo bulsho ahaan ku dhisanno 2) in afkeennu noqdo mid aan laga hayaamin ee lagu soo hirto.
Ugu dambayn, qisada Amiina waxa ay noqonaysaa mid ka mid ah qisooyinka iigu xiisaha badnaa intii aan qisooyin jacayl iyo sirdoon akhriyey. Qof wal oo xiiseeya siyaasadda, gaar ahaan midda bariga dhexe in uu akhriyo ayaa aan kula talin lahaa.

Saddaam Xuseen Carab