Pages

May 23, 2018

Masiibooyinka duufaanta loo bixiyey Sagar


Shalay (22.5.2018.) Safar aanu ku tagnay deegaannada xeebta galbeed ee Somaliland waxaannu casar gaaban gaadhnay deegaanka Gargaara. Masiibadii duufaanta sabtidii ku dhufatay xeebuhu, waxa ay xanuujisay dadka deegaanka Gargaara. Lix iyo toban qof ayaa kaga dhigtay daadadkii duufaanta. Afar iyo toban ka mid ahi laba nin oo ilmaadeer ah iyo qoysaskoodii oo jees wada deggan bay ahaayeen. Qoys siddeed ah iyo mid lix ah oo aanu midi ka bixin. Wiilka warbaahintu waraysatay labada qoys midkood buu ahaa, isaga oo dugsiga ku maqan ayey madhashadu haleeshay qoyskiisa. Waa masiibooyinka ay reebtay duufaantu.


Casarkii markii aannu gaadhnay degmada, waxa maydadkooda la helay laba ruux, siddeed kalena ilaa hadda waa la la’yahay. Maydadka midkood 50KM ayuu ka soo qaaday dooxu halkii uu ka dhuftay. Markii aannu maydadkii la aasnay, ayey dib u sii bilaabeen raadintii dadkii la la’aa. Dhul baaxad leh, xeeb kulul, ramadaan la soommanyahay iyo mayd laga raadinayo meel aan la garanayn dhib ka wayni ma uu jirin. Alle ha ha u soo dhaweeyo baadidoonkaa murugada badan.

Lughaya dhib ah khasaare bina’aadam ma uu soo gaadhin. Dhismayaasha dumay, xoolaha ay laysay, iyo beeraha ay galaafatay waxa ay kala sinnayd deegaannada kale ee ay ka midyihiin Fardolaguxidh, Kilawle, Karura, Geerisa, Lughaya iyo miyiyada u dhexeeya. Lughaya waxa intaas u dheeraa waa khadka is gaadhsiinta oo birtii laliska duufaantu legedday.

Beeralay badan oo ku dhaqan deegaannada xeebta ka xiga Garbadadar oo soo saari jiray khudrad aad u badan daadkii iyo dabayshii baa xaadhay. Waxa yaable sida aan duufaantu ugu ekaan uun baabinta dalagii, ee ay dhulkii beeraha ugu rogtay dooxooyin bataax ah oo aan cidi hunguraynayn in ay dib u beerato. Kumannaan qof ayey ilo dhaqaale iyo shaqo u ahaayeen, masiibooyinka duufaantu reebtay ku dar.

Dugsiyadii waxbarashada intooda badan iyo goobihii caafimaadka hooyada iyo dhallaanka ayaa burbur dhisme soo gaadhay. Adeegyadaas aasaasiga ahna dabcan waa ay hakanayaan haddii aan si kale loo maarayn.

Jidadka baabuurta ayaa ay dhibwayn Iyana ka jirtaa oo raadka masiibadu reebtay ah. SIlic iyo kadeed ayaa ay baabuurtu ku socdeen waayo waddooyinkii dooxyo ayey isu rogeen. Meelaha qar gebiyada aan laga gudbi karin, taas oo dheeraynaysa muddada gaadhista deegaanna. Waa masiibadii duufaantu keentay iyana.

Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, inta maqanna ha soo dhaweeyo. Waa dhacdo ku waxqaadasho iyo cashar innoo ah. 

Masiibooyinku tabaabushe, diyaargaraw iyo gurmad diyaar ah ayey u baahanyihiin. Alle ha innaga hayo’e, haddii sidan marka la rogmado uun loogu baraarugo wax la sii saadaalinayey maalmo ka hor, waa ayaan darro iyo baylahnimo weyn.

Saddaam Xuseen Carab