Pages

Nov 7, 2018

Doorashada Ilhaan Cumar

Dawladda Maraykanku aad bay guun u tahay iyo ilbax ba. Haddii aad si qoto dheer u eegto dhismayaasha haykalka dawladnimadoodu waa aqoon baaxad leh. Sarraynta sharciga, dhismaha hay'adaha, maamuuska, kala xadaynta hay'adaha dawliga ah iyo meel wal oo aad ka eegto dawladnimo.

Dad badani waxa ay arrintan ku sababeeyaan in aqalka xeerdajintu ka hor abuurmay xukuumadda. Sidaas awgeed maamul awood badan oo wixii uu rabo falaa aanu jirin karin. 
Maskixihii seeska u dhigay Maraykan iyo kuwii ka dambeeyay ee kobciyeyba waxa ay dhigteen xeer cid waliba ay ku noolaan karto. Xeerar u saamaxaya in Maraykan u ekaado dawlad la wada leeyahay, isla jeerkaasna laga wada arrimin karo. Ama dheh dal sharci lagaga mid noqdo looguna taliyo.

Doqmo se ma ahayn cid walba u oggolaaday inta ay timaaddo in ay wax aan reer Maraykanka maraykan lihi oggolayn samayn karaan. Sidaas daraaddeed cid waliba waa ay talin kartaa, cid walba oo loo arko qariib in ay maamulka Maraykan qayb ka noqdaan madaw, muslim iwm. Se eddegga ay ku shaqeeyaan iyo shaqada ay qabtaan dhab ahaan waa mid qeexan. Waa wax u ah qiyam ay tahay cid walba in ay raacdo. Si kale dadku muhim uma aha, ee shaqada ay qabanayaan ayaa xeerka qarsooni muhiim u arkayaa.
U fiirso muslimiinta xilalka ka haya Maraykan iyo Ingiriis. Tusaale ahaan Congress Ilhaan Cumar iyo Mayor Sadiq Khan. Labaduba waxa ay ka soo baxeen xisbiyada furfuran ee labada dal. Labadaba waxa ololohooda qayb ka ah xornimada diimaha, la dagaallanka takoorka, ilaalinta iyo u dooddida guurka dadka isku jinsiga ah. Waa isla sababta ay iyaga oo ajanabi(dhab ahaan) ah u matali karaan dadkii dalka ka u dhashay (dhab ahaan).
Sidaas awgeed, Ilhaan Cumar iyo cid wal oo kale oo Maraykan iyo dawladaha kale ee guunka ah mansab ka gaadhi raba, xeerka koowaad ee ay aqbalayaan waa in ay meel dhegtaan waxa ay aamminsanyihiin oo ay ku shaqeeyaan waxa cidda ay matali rabaan aamminsantahay. Dheh, waa metelayaan ku dhex shaqeeynaya xayndaabka aasaasayaasha aan doqmaha ahayn.