Pages

May 16, 2019

Nebi Maxamed (NNKA) iyo Xaaji Cabdiwaraabe (AHUN)


Sooyaalka dahabka ah ee laga soo wariyey Nebi Maxamed nabadgelyo korkiisa ha ahaate waxyaalaha ugu xiiso badan ee aadk ii jeclaysiiya qofnimadii uu lahaa, waxa ka mid ah dhaqanka cafiska. Waxa la sheegay dagaalladii uu galay mid ka mid ah, markii laga soo noqday, Nebiga iyo saaxiibbadii ay hadhgaleen oo ka nasteen kulaylkii saxaraha. Geed hadhkii ayuu Nabigu (NNKA) jiibsaday, seeftiisina sudhay korkiisa.


Mid ka mid cadawgii ay is-hayeen baa daba socday oo aan quusan. Ninkan Maxamed la yidhaa ee dadkii rogay soo qatal ayuu ku talo jiray. Waa kan fursad helay. Seeftan kor sudhan iyo Maxamedkii uu raadinayey ayuu isla helay. Markiiba seefta inta uu qaatay buu yidhi “Yaa iga kaa celinaya?” Waa qof jiifa oo aan hub haysan, waa na nebigii Ilaahay ee ummadda la rabay in uu gaadhsiiyo diinta.

Nebigu markiiba waydiinta ninka seefta dul haya wuxuu kaga jawaabay “Ilaahay baa iga kaa celin”. Ilaahay hore ayuu ugu ballanqaaday Nebi Maxamed in aanu gacan bini’aadam ku dhiman doonin. Ninkii bay seeftii ka siibatay intii ay wada hadlayeen Nebiga. Dabadeed Nebi Maxamed baa qaatay markan seefta. Intii in le’eg buu ku yidhi Yaa iga kaa celinaya adiga. Ninkii wuxuu ku cataabay “Noqo qof seef qaata, ka u wanaagsan”. Nebigu waa uu iska cafiyey oo ku yidhi iska tag, asxaabtiisiina ku wargeliyey in aanay waxba yeelin. Cafisku waa dhaqan gobtu leedahay. Gobta gobta ahi.

Dhacdooyin kale oo badan oo qof shalay ka awood badnaa oo si xun yeelay, uu markii dambe se Nebigu helay awood uu si walba yeeli karayey ayuu cafiyey oo saamaxay. Waayo waxa uu ahaa gobtii aadamaha. Waa astaanta hoggaamiyaha in uu wax cafiyo marka uu awood helo ee aanu aargoosan.
Xaaji Cabdi Waraabe (AHUN) isaga oo dhallinyar oo nool waqti qabka iyo faanka iyo aargoosigu sharaf yahay ayaa aabbihii la dilay. Ninkii Aabbihii uu ugu aareyey ayuu reerku ku tabaabusheeyeen sidii uu u soo dili lahaa. Waa Cabdi Waraabe markaas iyo saddex nin oo lagu xoojiyey si ay dilka usoo fuliyaan. Qoryo dhuunta gumac u saaranyahay bay sitaan. Cabdi Waraabe ayaa se leh dilka iyo rididda qoriga aabbihii loogu aarayo. Ninkii bay ugu tegeen gurigii. Waa uu gartay oo u loogay, roob da’ayeyna ka hooyey. Ninkii si wacan buu u soo dhaweeyey.

Markii waagii baryay ee ninkii hawlihiisii ku foofay ayey dheheen hadda aynu tooganno ninka. Xaaji Cabdi baa yidhi “May”. Waxa uu Cabdikariim Xuseen markaas go’aansaday in ninka sidaa u sooryeeyay ee roobka dhibicdiisii u quudhi waayey aanu xabbad u quudhin. Haddii uu u quudho oo dilo, in aanu aabbihi soo noolaanayn buu ku adkaystay. Raggii kale kii u waynaa baa ka waaniyey doqonnimadaas in uu iska dhaafo, oo ninka aabbihii ugu aaro. Wuu se ka diiday Xaajigu. Waayo Xaaji Cabdi waxa uu ahaa gob, gobtuna waayo walba oo ay nooshahay iyo dhaqan kasta oo ay ku milanto waa tii wax cafisa. Cafisku waa astaanta hoggaamiyaha, ma aargoosto oo ciilqabe ma aha hoggaamiyuhu ee markuu awood yeesho waxbuu cafiyaa.

Sifahaas nebigu caanka ku ahaa ee wax cafinta buu Xaajiguna taariikhda ku galay oo marar kaleba noloshiisa laga arkay. Waxa aan Ilaahay uga baryayaa in uu Xaajiga ku casuumo Jannooyinka, lana kulansiiyo Nebi Maxamed, innaga sidoo kale kolka aynu geeriyoonno.


Saddaam Xuseen Carab
16 May, 2019