Pages

Nov 20, 2019

Xaajiyad aan ku laabay!

Waa Baankoog oo xuddun u ah Taylaan (Bangkok, Thailand). Baabuurta dadweynaha ee la raaco ayey ka mid yihiin baaburta xaajiyadaha (Pick up) oo la deday, kadibna kuraas loo yeelay. Haddii ay kuraastu kaa buuxsamaan, xagga dambe ayaad istaagi kartaa ama ku laabi kartaa!
Marka aad rabto in laguu joojiyo, badhan rakaabka dhexdooda ku yaalla ayaad riixaysaa, darawalkuna codkaas ayuu ku joojinayaa. Markaad ka degto ayaad daaqadda uga dhiibaysaa lacagta adeegga. Waa qiimo aan badnayn.

 Kuraasidii ayaa iga buuxsantay oo waxa aan qabsaday xagga dambe ee baabuurka.



Waxa ay ii samaysay xiiso iyo xasuus gaar ah. Waxa aan soo xasuustay yaraantii sida aannu ugu farxi jirnay in gaadhi xaajiyaddan oo kale ah oo meel la qabsado leh oo waddooyinka aannu marayno noogu soo hagaaga. Aad baannu ugu raaxaysan jirnay oo iskaga qarin jirnay dirawalka ama cidda gudaha saaran si aanayn nooga dejin. Waxa aannu ugu necbayn qofka wayn ee waddada maraya ee na yidhaa ka dega.






Waxa aan lacag ka bixiyey dabaqabsashadii gaadhiga ama ku dabalaabistii. Xuus aad u xiiso badan bay ahayd.
Tagsi, dhugdhuglay, bas, tareen iyo xaajiyaddaniba waxa ay ka midyihiin gaadiidka dadwaynaha ee ay isticmaalaan dadka reer Bangkok.