Pages

May 10, 2013

Maanta waa goblan!

Waa duq ilaa lixdan jir ah, waa ta halkan ka ooyaysa. Aad ayaa loogu buuqsan yahay guriga ay ku jirto. Waxa waayeheedu uurxumo iyo urugo ku reebayaa cid kasta oo aragta ama maqasha waxa helay ee heeray. Waxa ay ku barooranaysaa “Hoogay, oo ba’ay, hawo baaqsaday oo Hanad waayey”… Waa ay xabeebatay maaddaama ay ooyaysay ilaa markii loo soo sheegay dhimashada Hanad.

Feb 27, 2013

Sheeko Gaaban: Suxufigii Sannadka!


Ma ihi kibbaar waxa se la iigu yeedhaa kibbaar, waa magaca uu aabbahay ii bixiyay barigii aan u dhashay. Ma garanayo sabab uu iigu dooray isagu magacan iyo sabab ay hooyaday iigu doori wayd midkale toona. Waxaan se garaadsaday iyaga oo labaduba magacaas iigu yeedha.
Inkasta oo aanan jeclayn haddana waa ii hanti oo i hurran. Dhowr goor oon isku dayey qof ahaan in aan doorsado waa ay ii suurobi wayday sababo dhaqan ahaaneed. Haddana magacaygan qalloocani kuma uu noqon caqabad noloshaydii dhallaannimo iyo tan dhallinyaronimaba.

Oct 29, 2012

Xusuus: Gaarriye & Maalmihii Jaamacadda Hargeysa.




Maantana waa maalin kale oo madow. Ma Gaarriyaa galbaday, ma geesigiibaa naga tegay? Ma god galay gabayaagii?! Marar badan waxa aad garan waayeysaa geesta aad ka bilaabayso iyo gedda aad ku bilaabayso qoraallada qaarkood!  Qalbiga iska daaye qalinkaaba u ilmeynaya oo ay ku adag tahay inuu wax uun ku dhigo warqadda. Hakad badan iyo su’aalo sida hawaa’iga kuugu soo hormaya kadibna waxaad bilaabaysaa inaad wax uun ugu yaraan ka qorto.
Waxa adkaatay dhinac aan ka milicsado sooyaalkii nololeed iyo sadarada taariikhdiisii suubanayd.  Haddana waxa ka sii adkaatay mansab aan ugu yeedho si aan u bilaabo qoraalka ay la naxdin gariirayso gacanta aan qalinka ku hayaa. Ma abwaan, ma saynisyahan, ma mujaahid, mise bare?