Pages

Feb 26, 2016

Talo: Bilicdana u dan ah, bulshada u dan ah

Hordhac

Waa dhaqan aynu qaayibnay, in muddo kolkii la joogo ba la dumiyo dhismeyaasha cooshadaha meheradaha ah ee sharci darrada ku deggan hareeraha jidadka waaweyn ee magaalooyinka. Cagafta arxanka daran ee xaaqda buulasha iyo jiingadaha foosha xun, danyarta iyo dawladda hoose midna dan uma aha sababahan awgood:

Feb 17, 2016

Haddii aad rabto isbeddel

Isbeddel la maqalyaa, dhallinyar la sheeg bay u badantahay, ma se aha rogaalka taas; dhallinyar la aragyaa isbeddel la sheeg, inta badan. Bulsho ahaan aad baa looga hadlaa, loogu noqnoqdaa oo carrabka loogu adkeeyaa in aynu isbeddel u baahannahay – mid laga soo durduriyo kobtan tu ka cagaaran- dhallinyaraduna tahay albaabka laga gelayo, ama cidda gelaysa albaabkaas. Waa se goorma iyo sidee?

Dec 18, 2015

Gorfayn: Sheekada “Filashadii Wacnayd”

Dhawaan baan fursad u helay in aan akhriyo sheeko faneed gaaban oo uu qoray Ibraahim Yuusuf oo ku magac dheer “Hawd”. “Filashadii Wacnayd” buu ahaa magaca sheekada aan akhriyey.  Waa sheeko u dhacaysa hab laga tebinayo cid ama qaabka loo yaqaan qofka saddexaad “Third Person”.

Oct 13, 2015

Bilawgii Hijrada­­­

 Kun afarboqol  toddoba iyo soddon (1437) sanadood baa laga joogaa dharaartii Sayidka Ilma Aadam baxsad iyo dhuumasho kaga baxay Maka. Tolkii ayaa baadidoon dil iyo nacayb ah ugu raad joogay, waxayna ku heshiiyeen in ay qudha ka jaraan. Wiilal hubaysan oo reer Maka ah baa gaadh ka qabtay gurigiisa.

Sep 10, 2015

Saddex Cisho

Nin oday ah oo aan galab dhawayd la sheekaystay baa aad iiga fekersiiyey. Dhowr dhacdo oo yaab leh buu iiga sheekeeyay. Duni dhan oo madaxeedu mijo u rogmayaan buu arkay, u soo taagnaa oo la joogay. Saddex cisho iyo saddex dhacdo oo laba dareen kala leh buu iiga warramay.

Aug 19, 2015

Aniga iyo sawirle Perez Anderson

Perez Anderson waxa aannu isugu soo galnay mid ka mid ah huteellada waawayn ee magaalada. Isma aannu aqoon ka hor intii aannaan isbaran. Perez, aniga oo fadhiya meel guluc ah kaliday buu ii yimid. Af Ingiriisi baannu isku fahmaynay oo ku wada hadalnay. “Miyaan ku garanayaa oo hore isu aragnay? Buu I wayediiyey. “Ma filayo” ayaan ku idhi.