Aragtiyaha iyo Jaadadka Hoggaaminta
Saddex baa madaxnimo
(hoggaamin) kaa qaada, 1. Gar eexo, 2. Guddoon jilicsan iyo 3. Gacan gudhan –
Maahmaah Soomaaliyeed.
Inta aynaan faaqidin hoggaamintii nebi Maxamed NNKA, waa lagama maarmaan in aynu gogol xaadh uga dhigno aqoonta guud ee hoggaaminta iyo aragtiyaha ku xeeran. Qaybtan waxa aynu dul istaageynaa hoggaamiyaha iyo qeexitaannadiisa, hoggaamintu ma dhalashaa mise waa barasho iyo aragtiyaha hoggaaminta iyo hoggaamiyaha ee marxalado door ah.