Markii
aad ifka timid, iftiin, hanuun iyo ilbaxnimo uumiyuhu u aayey ayaa aad la
timid. Ka hor se Cabdillaahi waxa uu ahaa inan uu jecelyahay Cabdulmuddalib.
Aamina Bint Wahab ayaa uu guursaday Cabdillaahi oo ay iscalmadeen. Nasiib darro
se toddoba bilood guurkooda ka dib ayuu Cabdillaahi geeriyooday. Se ugxantii
Cabdillaahi ayaa ku hakatay caloosha Aamina lana falgashay middeedii si noole
uga abuurmo. Noolihii ugu dheeraadka iyo saamaynta badan ee dunida soo maray.
Nov 19, 2018
Nov 7, 2018
Doorashada Ilhaan Cumar
Dawladda Maraykanku aad bay guun u tahay iyo ilbax ba. Haddii aad si qoto dheer u eegto dhismayaasha haykalka dawladnimadoodu waa aqoon baaxad leh. Sarraynta sharciga, dhismaha hay'adaha, maamuuska, kala xadaynta hay'adaha dawliga ah iyo meel wal oo aad ka eegto dawladnimo.
May 23, 2018
Masiibooyinka duufaanta loo bixiyey Sagar
Shalay (22.5.2018.) Safar aanu ku tagnay deegaannada
xeebta galbeed ee Somaliland waxaannu casar gaaban gaadhnay deegaanka Gargaara.
Masiibadii duufaanta sabtidii ku dhufatay xeebuhu, waxa ay xanuujisay dadka
deegaanka Gargaara. Lix iyo toban qof ayaa kaga dhigtay daadadkii duufaanta.
Afar iyo toban ka mid ahi laba nin oo ilmaadeer ah iyo qoysaskoodii oo jees
wada deggan bay ahaayeen. Qoys siddeed ah iyo mid lix ah oo aanu midi ka bixin.
Wiilka warbaahintu waraysatay labada qoys midkood buu ahaa, isaga oo dugsiga ku
maqan ayey madhashadu haleeshay qoyskiisa. Waa masiibooyinka ay reebtay
duufaantu.
Apr 10, 2018
Faallo: Buugga Amiina Al Mufti
Siddeed
saacadood oo laba habeen oo isku xiga ka mid ahaa baan akhriyey buugga Amiina
Al Mufti ee uu qoray Fariid Falluuja, Afsoomaalina uu u rogay Kamaal A. Cali. Waa
sheeko xiiso iyo amakaag wadata. Waa basaasadda carbeed ee Amiina Al Mufti ee u
adeegaysay Mossad. Waa sheekada xidhiidhsan Urudun, Usteri, Israel, Lubnaan iyo
Qubrus. Waa sheeko u eg masrixiyad ama filin la jilay oo malo-awaal ah.
Aug 17, 2017
Dalka iyo dadka qaarkii
Safar dheer oo deegaannada bariga Somaliland aan ku tegay ka dib, wax weyn baa iiga soo baxay. Burco
marka aad ka rogto Ceegaag, Widhwidh ilaa Buuhoodle iyo xadka iyo jiiddaas dhinac dheh;
Caynabo iyo Oog hoos (Woqooyi) uga rog Barqomaal, Bankii Saraareed ilaa Huluul iyana
dhinac dheh; dhulkaas baaxad ku siman 300 KM isku wareeg ah baan soo maray. Wax
qofkii doonaa caadi u qaadan karo, ku kalena dhibi karta ayaan soo arkay.
Jun 13, 2017
Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA) - Qaybta 3aad
Hoggaamiye: Dhalasho mise barasho
Arrinta xiisaha leh ee
mawduuca hoggaaminta kolka laga warramayo laga doodo ayaa ah hoggaamintu ma u
dhalashaa mise waa barasho? Waa dood baaxad leh oo aragtiyo kala geddisan laga
qabo, dad ku dooda in hoggaamintu dhalasho tahay aqoontuna kabto, iyo kuwo kale
oo ku tagsan in hoggaaminta la barto oo la dabbiqi karo. Koox saddexaad oo kale
ayaa rumaysan in hoggaamintu labadaba geli karto.
Jun 4, 2017
Hoggaamintii Nebi Maxamed (NNKA)- Qaybta 2aad
Aragtiyaha iyo Jaadadka Hoggaaminta
Saddex baa madaxnimo
(hoggaamin) kaa qaada, 1. Gar eexo, 2. Guddoon jilicsan iyo 3. Gacan gudhan –
Maahmaah Soomaaliyeed.
Inta aynaan faaqidin hoggaamintii nebi Maxamed NNKA, waa lagama maarmaan in aynu gogol xaadh uga dhigno aqoonta guud ee hoggaaminta iyo aragtiyaha ku xeeran. Qaybtan waxa aynu dul istaageynaa hoggaamiyaha iyo qeexitaannadiisa, hoggaamintu ma dhalashaa mise waa barasho iyo aragtiyaha hoggaaminta iyo hoggaamiyaha ee marxalado door ah.
Subscribe to:
Posts (Atom)