Kor
buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta reer Dhabbohaye, geed sidan u
wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal badan buu ku leeyahay reer
Dhabbohaye. Geeddiga geedka hoos jooga ee fiirinaya, laba hablood oo ay walaalo
yihiin baa lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu gaaf tumay.
Sogsogtan gabowday baa arrimo adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday.
Jul 17, 2014
Jun 11, 2014
Iyada oo arkaysa
Kadinka
xagga koonfureed u jeeda ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo
yar oo qiyaastii bil ama ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay
ka dhacday baa ay labada garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd
midkood waa ay go’nayd, se waa ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda
buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa
ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka
afka u saarto ayey naqaska ku taagan ka soo nuugaysay.
Jun 9, 2014
Godobreeb
Aad baan u daallanaa. Cadceeddu waa ay sii
gaabanaysay. Dhulkuna waa uu sii madoobaanayey. Adhigii aan la joogay waxa aan
keenay kambalka reerka. Waxa aan dhawrayey
oo kali ah inta maqasha iyo baraarka la xaraynayo. Markaas waxa xigta uun in
aan anna adhiga xerada ku shubo. Aad baan u gaajaysnaa oo waxa aan dareemayey
tamar li’i.
Dec 5, 2013
Guur iyo Gunnimo
I
Abaar
daran oo deegaanka heshay baa dabo dheeraatay. Dhulku, buska ka qarxay
awgii waxa uu u egaa mid aan dib u soo noolaan doonin. Halka aad jaanta dhigto
waxa cagtu kuu galaysay siigo harraad la cabbudhay. Meel waliba waxa ay u egayd
gelgelin. Marka dabayshu soo dhacdo waxa qarsoomi jiray deegaanka oo dhan.
Waxaanay dunidu u egaan jirtay mid la rogayo. Dhirta wada muruxday ee
foolxumada isla garab qotontay xidid nooli in aanu ciidda ugu mudnayn baa la
malayn jiray. Haddii dabayli soo dhabato, foodhida uu galoolku isku daraa
waxa ay u ekayd baroor. Shimbirihii waxa ay u hayaameen dhul nolol dhaama.
Oct 21, 2013
Habeen kali ma seexdeen
Go’aannada
qofeed ee aad gaadho kol waad u aydaa, kolna waad eersataa. Waa labadaas xaaladood
uun. Mid saddexaad ma leh. Go’aanka
guurkaygu labadaas xaaladood midda hore ayuu ahaa! Deeqa oo aan muddo kooban
haasaawe wadaag ahayn, in aan go’aansado in ay noqoto ooridayda, go’aan aan
mahadiyey ayuu ahaa. Haddii aanay iyadu ila qaadanna ma uu dhaceen. In badan
ayaannu Labadayadu go’aankaas u aynay.
Oct 16, 2013
Sanaag Mar Soo Arag!
Inta qofku noolyahay waxa jira waxyaalo saamayn ku
yeesha noloshiisa. Qadhaadh iyo macaan ba waa ay leh yihiin. Dhammaantood
casharro iyo waayo -aragnimo ayaa laga korodhsadaa. In aad dad
waayo arag ah la kulantaa way ku saamaysaa, in aad dhul iyo deegaan cusub
tagtaa, waa aqoon kuu soo korodhay. Waayaha nololeed iyo sawirada
kala duwan ee indhahaagu qabanayaanna waa kuwo raad kaga taga
maankaaga. Sidoo kale in aad saaxiibbo cusub yeelataa waxay leedahay
samaynteeda, in aad socdaasho lafteeduna waxay kugu yeelataa samayn!
Aug 7, 2013
Masar: Mudaharaad xal ma aha
Waxay
ahayd sannad iyo bilo ka hor kolkii buuqa iyo mudaharaaddadu ka unkameen
waddamada carabta ee kali talisku muddada badan soo fuushanaa. Kaas oo loogu
magac daray “Baraaruggii Carabta”. Mar kali ah ayaa wiil yar oo kali ahi
huriyey dabka ilaa maanta holcaya ee ay ku gubteen kumannaanka qofi, ku
goblameen kummanaanka kale ee ay ku agoomoobeen kumannaanku. Waddamadaas ayey
Masar ka mid tahay.
Subscribe to:
Posts (Atom)