Pages

Aug 12, 2014

Isboqor

 Jaadadka kala geddisan ee aqoonta dunida maanta taal, mid wal oo ka mid ah bulshooyinku derajooyin kala sarreeya bay u samaysteen.  Heerarkaas ay aqoontu u kala sarrayso ama u kala hoosayso si la mid ah bay dadkuna ugu kala sarreeyaan ama ugu kala hooseeyaan.

Jul 17, 2014

Geed Nool

Kor buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta reer Dhabbohaye, geed sidan u wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal badan buu ku leeyahay reer Dhabbohaye. Geeddiga geedka hoos jooga ee fiirinaya, laba hablood oo ay walaalo yihiin baa lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu gaaf tumay. Sogsogtan gabowday baa arrimo adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday.

Jun 11, 2014

Iyada oo arkaysa

Kadinka xagga koonfureed u jeeda ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku taagan ka soo nuugaysay.

Jun 9, 2014

Godobreeb

Aad baan u daallanaa. Cadceeddu waa ay sii gaabanaysay. Dhulkuna waa uu sii madoobaanayey. Adhigii aan la joogay waxa aan keenay kambalka reerka. Waxa aan   dhawrayey oo kali ah inta maqasha iyo baraarka la xaraynayo. Markaas waxa xigta uun in aan anna adhiga xerada ku shubo. Aad baan u gaajaysnaa oo waxa aan dareemayey tamar li’i.

Dec 5, 2013

Guur iyo Gunnimo

I 
Abaar daran oo deegaanka heshay baa dabo dheeraatay. Dhulku, buska  ka qarxay awgii waxa uu u egaa mid aan dib u soo noolaan doonin. Halka aad jaanta dhigto waxa cagtu kuu galaysay siigo harraad la cabbudhay. Meel waliba waxa ay u egayd gelgelin. Marka dabayshu soo dhacdo waxa qarsoomi jiray deegaanka oo dhan. Waxaanay dunidu u egaan jirtay mid la rogayo. Dhirta wada muruxday ee foolxumada isla garab qotontay xidid nooli in aanu ciidda ugu mudnayn baa la malayn jiray. Haddii  dabayli soo dhabato, foodhida uu galoolku isku daraa waxa ay u ekayd baroor. Shimbirihii waxa ay u hayaameen dhul nolol dhaama.

Oct 21, 2013

Habeen kali ma seexdeen

Go’aannada qofeed ee aad gaadho kol waad u aydaa, kolna waad eersataa. Waa labadaas xaaladood uun. Mid saddexaad ma leh.  Go’aanka guurkaygu labadaas xaaladood midda hore ayuu ahaa! Deeqa oo aan muddo kooban haasaawe wadaag ahayn, in aan go’aansado in ay noqoto ooridayda, go’aan aan mahadiyey ayuu ahaa. Haddii aanay iyadu ila qaadanna ma uu dhaceen. In badan ayaannu Labadayadu go’aankaas u aynay.

Oct 16, 2013

Sanaag Mar Soo Arag!


Inta qofku noolyahay waxa jira waxyaalo saamayn ku yeesha noloshiisa. Qadhaadh iyo macaan ba waa ay leh yihiin. Dhammaantood casharro iyo waayo -aragnimo ayaa laga korodhsadaa. In aad dad waayo arag ah la kulantaa way ku saamaysaa, in aad dhul iyo deegaan cusub  tagtaa, waa aqoon kuu soo korodhay. Waayaha nololeed iyo sawirada  kala duwan ee indhahaagu qabanayaanna  waa kuwo raad kaga taga maankaaga.  Sidoo kale in aad saaxiibbo cusub yeelataa waxay leedahay samaynteeda, in aad socdaasho lafteeduna waxay kugu yeelataa samayn!