Pages

Sep 18, 2014

"Xabbad sigaar ah"


‘Xabbad Sigaar ah’ kolka la arko ba, xabbad sigaar ah baa la arki jiray. Aagga oo dhan ‘Xabbad Sigaar ah’ waa laga yaqaanay. Barigii dambe, ku dhawaaqisku markay adkaatay, waxa lagu soo koobi jiray “Xabbadda”.

Sep 9, 2014

Diin ma aha wadaadku

Wadaad; waa eray soomaali ah waana mansab cid aqoon diineed loo tirinayo la saaro. Waxa la sheegaa in eraygu uu ka samaysanyahay laba eray oo isu tagay - wad iyo Aad. Barigii hore qofku marka uu aad xanuusado ee wadkii in uu ku soo dhowyahay la maleeyo ayaa loo dooni jiray qof diinta yaqaan. Qofkaas baa Quraan iyo Alle bari la dul fadhiisan jiray. Qofkaas aqoonta diinta loo tirinayo baa la yidhi Wadaad, kii xagga wadka aadi jiray.

Aug 12, 2014

Isboqor

 Jaadadka kala geddisan ee aqoonta dunida maanta taal, mid wal oo ka mid ah bulshooyinku derajooyin kala sarreeya bay u samaysteen.  Heerarkaas ay aqoontu u kala sarrayso ama u kala hoosayso si la mid ah bay dadkuna ugu kala sarreeyaan ama ugu kala hooseeyaan.

Jul 17, 2014

Geed Nool

Kor buu u eegayaa geedka wayn ee sogsogta ah. Beerta reer Dhabbohaye, geed sidan u wayn lagama soo heli karo. Geedkani sooyaal badan buu ku leeyahay reer Dhabbohaye. Geeddiga geedka hoos jooga ee fiirinaya, laba hablood oo ay walaalo yihiin baa lagu bixiyey. Waa geedkii isga iyo aabbihii ba loogu gaaf tumay. Sogsogtan gabowday baa arrimo adag oo xaafaddu soo martay lagaga arrinsaday.

Jun 11, 2014

Iyada oo arkaysa

Kadinka xagga koonfureed u jeeda ee cisbitalka Hargeysa ayey orod ku soo gashay. Ilmo yar oo qiyaastii bil ama ku dhow jira ayey legga ku sidatay. Shalmaddu inta ay ka dhacday baa ay labada garab midkood ka laalaadday. Kabaha ay xidhnayd midkood waa ay go’nayd, se waa ay ku socotay. Warwar hooyo ayaa korkeeda buuxdhaafiyey. Dareenka kalkeeda ka oognaa waxa laga arkayey korkeeda. Mar waxa ay eegaysay ilmaha mujada ah ee ay cadceedda ka qarinaysay, marna inta ay afka afka u saarto ayey naqaska ku taagan ka soo nuugaysay.

Jun 9, 2014

Godobreeb

Aad baan u daallanaa. Cadceeddu waa ay sii gaabanaysay. Dhulkuna waa uu sii madoobaanayey. Adhigii aan la joogay waxa aan keenay kambalka reerka. Waxa aan   dhawrayey oo kali ah inta maqasha iyo baraarka la xaraynayo. Markaas waxa xigta uun in aan anna adhiga xerada ku shubo. Aad baan u gaajaysnaa oo waxa aan dareemayey tamar li’i.

Dec 5, 2013

Guur iyo Gunnimo

I 
Abaar daran oo deegaanka heshay baa dabo dheeraatay. Dhulku, buska  ka qarxay awgii waxa uu u egaa mid aan dib u soo noolaan doonin. Halka aad jaanta dhigto waxa cagtu kuu galaysay siigo harraad la cabbudhay. Meel waliba waxa ay u egayd gelgelin. Marka dabayshu soo dhacdo waxa qarsoomi jiray deegaanka oo dhan. Waxaanay dunidu u egaan jirtay mid la rogayo. Dhirta wada muruxday ee foolxumada isla garab qotontay xidid nooli in aanu ciidda ugu mudnayn baa la malayn jiray. Haddii  dabayli soo dhabato, foodhida uu galoolku isku daraa waxa ay u ekayd baroor. Shimbirihii waxa ay u hayaameen dhul nolol dhaama.